Hooyo Gabadheeda ku Waafaqday ineey Zineesato


Sheeko Cajiib Ah

Sheeko Cajiib Ah

Gabar dhalinyaro ah ayaa waxa ay hooyadeed ka codsatay ineey soo sharmuuteesato ( soo Zineesato ) ama Fool xumo soo sameeso, Hooyadii ayaa gabadha waxa ay u sheegtay ineeysan waxaas fiicneen Diin ahaan iyo dhaqan ahaan, Arinkaana uu isla ayada ( gabadha ) dhib u keensan karo qurux walba iyo lacag walba oo ay lahaato, Laakiin Gabadhii ayaa ku adkeesatay go’aankeeda oo ahaa ineey zineesato .. Sii Aqri sheekada ( Riix Halkaan ) 

Hooyadii waa ay naxday, waa ay yaabtay

Toloow Maamada mexeey sameesay ??

Gabadha miyeey guriga ka burisay ???

Gabadha miyeey Garaacday ( tuntay )??

Maya intaas ma aysan sameenin, Maamada (hooyada) waxa ay eheed qof aad u caqli badan waxa ay u ogalaatay gabadheeyda ineey sameeso waxa ay rabto, Laakiin waxa ay ku xirtay Shuruud, taasoo hadii ay gabadha ku guuleesato, waxa ay rabto ay sameesan karto.

Shardiga koowaad waxa ay hooyada gabadheeda ka dalabtay ineey Gabadhu aado qasriga Madaxweynaha kadibna dhulka isku tuurto  wax suuxay ( miyir beelay ) camal,

Gabadhii ayaa  Subixii aaday Qasriga Madaxweynaha kadib markii ay aragtay madaxweynihii oo soo socda waxa ay isku tuurtay dhulka, madaxweynihii ayaa soo cararay oo kor u qaaday, dadkii meesha joogay dhana waa ay kusoo xoomeen meesha ayagoo daneynaya arinka meesha ka dhacay, kadib gabadhii ayaa waxa ay iska dhigtay qof miyirkeedii soo laabtay , madaxweynihii ayay u mahad celisay, weyna soo tagtay, hooyadeed ayay u imaatay si ay ugu sheegto shardigii koowaad sida uu ku dhamaaday.

Shardigii labaad, hooyada ayaa waxa ay gabadheeda ka dalbatay ineey sameeso isla arinkii ay shalay sameesay,  laakiin natiijada maanta waa ay ka duwaneed tii shalay oo kale, wasiirkii ayaa usoo cararay gabadha oo dhulka ka qaaday, madax weynihiina masoo fiirinin ee horey ayuu oga socday, dad badana meesha ma imaanin ee Waardiyaasha qaar ayaa meesha imaadeen, gabadhii ayaa u mahad celisay wasiirka kadibna hooyadeed u sheegtay sida uu arinka u dhamaaday, weydiisayne hadii uu jiro shardi kale iyo hadii uu dhamaaday,

Hooyadee ayaa waxa ay gabadheedii ka dalbatay ineey sameeso isla arinkii hore dhulkana isku tuurto markii uu Madaxweynaha meesha soo maro, gabadhii ayaa sidii sameesay waxaa usoo cararay Madaxii waardiyaasha oo dhulka ka qaaday, wadad ayuuna ka leexiyay, dad yar ayaana agteeda imaadeen isla markiina waa ay ka tageen,

Gabadhii ayaa hooyadeed u imaatay si ay arinka ugu sheegto, laakiin gabadha markaan waxaa ka muuqday murugo, kadib hooyadeed ayay weydiisay ineey shuruudaha dhamaadeen iyo in kale, Hooyadeed ayaa waxa ugu jawaabtay ineey markaan bes sameeso arinkii hore marka ugu dambeesay ay ka dhigto, kadibna waxa dhaca ay usoo sheegto

Gabadhii ayaa baxday oo isla sheekadii soo sameesay, waxa ayna hooyadeed usoo laabatay ayadoo ooyneeso, waayo imtixaankii ayaa ku adkaaday, oo maalintii ugu dambeesay qofna uma imaanin si uu u kiciyo oo dadka qaar waaba ay yaseey waa ay caayeen, kuwa ayaa darbo ( laad ) ku dhuftay.

Hooyadii caqliga badneed ayaa waxa ay gabadheeda ku tiri: waa sidaas arinka Sharmuuteesiga ( Zinada , Marka koowaad midka lacagta leh kan quruxda badan, iyo qof walba waa ay kusoo aadaayaan, marka ugu danbeesana, dadka dhan waa ay ku yasayaan, xataa dadka kan ugu xun ayaa ku yasaaya oo cararaayo, karaamadaada iyo sharaftaadana lagama yaabo ineey kuusoo laabtaan, Marka xabiibtii marabtaa inaad zineesato ??????!!

Gabadhii ayaa Maskaxdeedii soo celisay, hooyadeedna oga mahad celisay xikmadaan quruxda badan, waxa ayna ku dhaaratay ineeysan zino ( sharmuuteesi ) aysan rabin.

 

Marka sister waxaad ogaataan dhibka zinada ama sharmuuteesiga inuusan yareen, Diin xumo, sharaf xumo, akhlaaq xumo, iyo wajigaaga oo halaaba dadka oo ku nacaan, wax walboo xun oo laguugu tilmaamo ayay keeneesaa zinada ( sharmuuteesiga ) marka xabiibtii please si soomaalinimo ayaan kuula hadlaayaa, yuusan qofna kugu qiyaanin inaad waxyaabahaas sameeso, ka fikir diintaada, sharaftaada, akhlaaqdaada, taariiqdaada, magacaaga, iyo familykaaga¨

Macaan please waxaas iska ilaaliya qof walba oo ku jira oo soomaali ahna oga diga

Waa: Ahmed Abdullahi Ahmed Kadiye

http://www.SomaliAction.tk

Info@SomaliAction.tk

 

48 thoughts on “Hooyo Gabadheeda ku Waafaqday ineey Zineesato

  1. Kediyoow hal mar lee ma iga gashan kartaaa? in aan tijaabiyo ayaan rabaayee marka labaad qof kale ayaan ka zineysanaa nooo ilaa aan ka arko in la dhacay, lkn horta ma ka soo kabsan karaa hadhow waa su’aaleeeee bye.

    • runta waa arina fanny ah laakiin gadhaas aniga ayaaba u baahan sababat oo ah waa laga waanikaraa arintaas hooyadeedna waxeey ka fikirtay arinka arin ka balaaran aniga sedaas ayeey i la tahay mana helin wiil somaaliyeed oo wanaagsan oo wax la qabta aniga maba aamin sane hablaha ayaa zineeysta hadii eey heeystaan waxkasta eey u baahan yihiin am eey helaan wiil wanaagsan hoo yadeedna waxeey i la tahy in eey u aragtay dhibaata ka badan intaan aniga ayaa u baahan gaba dhaas shiino19@hotmail.com am shiino22@yahoo.com cenwaan kaas ayaa leeyga helaa

      • Asc ugu horeen waaxan ku leeyahay i lahaga ku umay kaa cabso aadun waa waaxyar ee walal akhiradada xasusnaw walal hadad zinaysato waa dambi waayn marka waaxa ku fiican adigo gur xalala gursato saas baan sheegaaya walal ilahayna haa ku soo haanuniyo

    • Thanks brother for the wise and nice advise to our muslim sisters regarding your topic of adultry. Sheeko fiican oo xikmad leh ayey ahayd

    • walaal kadiye aad baad u mahadsan tahay sida wanaaga badan ee gabdhaha somaliyed aad u waanineeso waxan u sheegaya walaalaha somaliyed sharaftaada hadii aad ilaaliso mida familkaagina wad ilaalisay ilaahna raali ayuu kaa noqday,

  2. Waw waxaan rabaa gabar qurux badan oo jog leh waxaan ahay wil qurux badan oo aan lahen lacag balse wax madhibeyso lacagtu waa wax lahelaayo ee gabadhu majirtaa waw runtii ilasoo hagaag mcn waa ku xiiseeyaa ee lasoco mcn ogow waan kuqancindoonaa waw by

      • haa maxaa dhib ah hadii aadan redy u ahaan karin ilaa hay ayaa dhulka balaadhiyey wuxuuna ubalaadhiyey in labada isfah mi way daa ay kukala cararaa .
        isga waxaan lee hay cid na manoolaan karto cun tala aan malaga taf ta qaadaba wuu kaxishoo daa ruuxu marka uuwax cunayaye samir inta aygabadhu waxcunayso

  3. asc all walaahi waano kaween tan waxey ila tahay in gabdhi rabtay iney caawa bilaawoto howsha sinada marki ey akhrisato sheekadaan iney iskeed iskaagasamreyso tan kale ilaaheeyow gabdhaha somaliyeed hamigooda hakadhigin sino iyo wax lamid ah by

  4. thanks walaalo fakirkad nasise waa mid wangasan ilaahey haka ajir siyo adigan haka dhowro waxii xun gabadhan hadalka xun ku hadashe ilaahey haso hadeyo waxa fiican maha sino

    • gabdhaha alaha soo hanuuniyo inta diintooda ka tagtey from feysal xaakin waxaa liiga helaa ama facebook feysal xaakin yarow waad ku soo darsan kartaan

  5. asc walaalaha soomaliyeed mid qaas ahaan ah walalkeen ahmed ee waanshay gabdhaha naga bacda salaam inkastoo lagu mahmaahay waano abuur baa kahoreeyay balse gabdhaha nagoow waanadu qaata waa idhin anfaceysa aakhiro iyo aduunba(laa taqrabuu zinaa’a inahu kaana faaxisha wasaa’a sabiilaa) asc

  6. Aad iyo Aada ayaad u mahadsantihiin walaalayaal sida quruxda badan ee aad noola socod siisaan wax yaabo badan oo caqliga koriya aad baan uga helay runtii xiligaan aan wax qoraayana xaqiiqdii waan ilmaynayaa waa dhacdooyin aad u xiiso badan web kaana lamaan socon jirn hada ayaan iska soo booqday.
    balse waxaan ku dadaalayaa inaan la socdo arimihiisa hada ka dib
    ASALAAMUCALAYKUM

  7. walaalayaal waad mahsdsantihiin dhamanteena sida aad u dhantihiin waxaan halkaan aan uga mahd celinayaa qoraha sheekadaan oo ah axmed kadiye walaal aadbaan kugu mahad celiniyaa mida kale aan rabo inaan ka hadlo waxaa weeye zinada gabdhaha muslimka ah waxaan oran lahaa arinkaa idinma wanagsana ee iska ilaaliya mida kale gabadha qoraalkeeda halkaan ku soo qortay oo aheyd halmar ma ii galinkrata waxaa wax wanaagsan ma ahan waaley ka wantoow gabadha walaashey aheyd ayaa horay kaaga waanisay ee qoraalkeeda aan halkaan ka aqriyay walaaley waad mahadsantahy sida sharafta badan aad wax ugu sheegtay gabadhaa allaah ku cizeeyo aniga webkaan wan ku cusbahay mar dhaw ayaan soo booqday waxaana halkaan aan ka arkay waxyaabo aan u dulqaadan wayay oo aheyd gabadha hadalkaan ku hadashay waxaan leeyahay illaahey ka baq walaalley ha is duleynin aaqiradadaan ha iska xumeynin wixii fikrad ah waad ila soo xiriirikartaan ciwaankeyga oo ah biikalo100@hotmail.com ama biikole@live.com wixii war ah ama hala ah waad iigu soo dirikartaan waana iidn soo dhaweynaya walaalyaal waad mahdsantihiin dhamaantiina

  8. horta sheekadan waa sheeko muhiim ah wana wax wax lagu qaato waxayna ka hortegeysaa oo tusaale fiican u tahayarin lagaga hortegayo xumaanta iyo fawaaxishka
    balse anuu waxan aamin sanahay inaysan gabadhi hooyadeed kula soo dhacdeen arinkaa balse dulucdu waxay tahay tusaale fiican oo dhab ah

  9. wa arin runti weyne lakin ilama aha gabari iney hoyaded ku dhaheyso hoyo zino ban raba lakin sida ey hoyado wax utusisay ayaba ah si ilmo wax lotusiyo sikastaba ha ahate waxan dhihi gabar majirto gabar weyneysa gur wanagsan ama nin wanagsan ee adiga muhimadad ha ahato mustaqbal markad wad heleyso waxaad ku harad baxdo ila waxan kulel ba kakenaya waxeyna ugu bixi karta gabarta mustaqbal ee ku dadala

  10. asc waxaan halkan kasalaamay muslimiinta melwalbo ay kunøoyihin waxaan leeyahay nawad qaata aduunyo wax aanan la’arkeen malahan

  11. walaalayaal waad mahsdsantihiin dhamanteena sida aad u dhantihiin waxaan halkaan aan uga mahd celinayaa qoraha sheekadaan oo ah axmed kadiye walaal aadbaan kugu mahad celiniyaa mida kale aan rabo inaan ka hadlo waxaa weeye zinada gabdhaha muslimka ah waxaan oran lahaa arinkaa idinma wanagsana ee iska ilaaliya mida kale gabadha qoraalkeeda halkaan ku soo qortay oo aheyd halmar ma ii galinkrata waxaa wax wanaagsan ma ahan waaley ka wantoow gabadha walaashey aheyd ayaa horay kaaga waanisay ee qoraalkeeda aan halkaan ka aqriyay walaaley waad mahadsantahy sida sharafta badan aad wax ugu sheegtay gabadhaa allaah ku cizeeyo aniga webkaan wan ku cusbahay mar dhaw ayaan soo booqday waxaana marka axmed kadiyo masha allah wlaal waa figarat cajba ah wan lobahna in lasku dhirigaliyo masha alla dhuwar gabdha ha islamka ah oo dhan

  12. thankx for u advice bro gabdhaha somaliyedna kuwa ku waano qaato allaha ka dhigo waa qiso cajiib ah hooyo walbana sida hooyadaas oo kale iney wax u fahan siiso gabadheeda ha isku daydo by

  13. Asc marka hore ilah ba mahad leh marka xikta walakena o gebdhahena muslimadka ah u so jediyay wano runtina ladhihi karo wa mid ay sugayen in laga wano in kasto ay gebdhahenu manta yihin 99% kuwo dinta wax ka yaqano walalkenane waxan lenahay ilah haka ajir siyo wanadada salimka ah asc

  14. Thanks for taking the time to discuss this, I feel strongly about it and love learning more on this topic.
    If possible, as you gain expertise, would you mind updating your blog with more information?
    It is extremely helpful for me.

  15. Wano
    wano katimid gof ka nafayo walal waxad iska ilalisa casi walideynimo
    malin malmaha kamid ah aya waxa dhacday will hoyadiisa ay ad u jecel wilka wuxu ku nola dalka kenya wilka wuxu aha nin dogsi sare so dhamey oo wax shago ah heynin hoyadi aya waxay ku tiri

  16. wl yaal waa arin fiican in sinada la joojiyo qofkastaaba waa uu nacayaa sinada laakiin dhalin yaradu sidee ayay u joojin karaan iyadoo guurkii qaali yahay telefoonadii bilaash yihiin dareen ka xoog badanina u jiro walibana shaydaanku ku weclinayo aniga waxay il tahay kaliya waxa lagag badbaadi karaa arintan in deenta islaamka si fiican loo barto

  17. Ilaaheey aan kabaqno aana kafo gaano macsida ilaaheey gaarahaan Zinada aana xasuusano dhibaatooyinka laga dhaxli karo aduun iyo aaqiroba!{‎ولاتقربواالزنى إنه كان فاحشة وساء سبيلا}:واللسلام عليكم.‏

Fikirkaaga Dhiibo

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s