Jaceyl waa Sxb tinimo OK??


Jaceyl waa Sxb tinimo
Jaceyl waa sxb tinimo

Aqaarta Somaliaction halkaan waxaan rabna inaan kaga hadalno in jaceylka uu yahay Sxb tinimo iyo inkale Soo dhawoow ooo aqriso Waxaa marti noo ah Shahrukh khan oo asigana arinkan ka hadli doona

Waxaa jirta dadka qaar in uu ka bilaawdo jaceylkooda sxb tinimo kadibna sida uu isugu badalo jaceyl, dhinaca kale waxaa jira dad sxb ah wiil iyo gabar mudo dheerna sxb ahaa si wacana isku yaqaana dabeecad ahaan, in uu soo kala dhex galo qof kale ayagana ay ku guul dareestaan in ay sameeyaan jaceyl, 2dooda qof ka kale uu raaco qof hada dhaw uu bartay marka maxaa keenaya arimahaan …. hadalka waxaan udeenayaa marka hore Aktarka weyn shahrukh khan oo ka hadlaaya in uu jaceylku yahay sxb tinimo ….. pyar kya hai….??? pyar Dosti hai,….. Love is freindship, kadibna aqyaarta qiimaha badan ee booqadayaasha fikrad la’aan mowduuca haka tagin waayo fikradaada waa muhiim

THANKS BY: AHMED KADIYE

47 thoughts on “Jaceyl waa Sxb tinimo OK??

  1. sxb kadiye waan ku salaamay markahore salaan kadib sxb sxb tini adu waa shey qaali ah horta sxb waxaan ahay sxb cusub oo doo naaya inaad usheegto meesha laga galo chat roomka ee af somaliga ah ee ku jira webset kaaga oo aan isku dayay inaan ka qeeb qaato wada hadalkaa laakiin wxa uu iweediiyay ciwaan iyo bassworrd markaan galiyay ciwaan keyga iyo bassworrd kaygana wuu soo celiyay sxb marka waxaan jec laa lahaa inaad iga caa wiso qaab kaan ku gali haa chat roomkaas sxb waxaan daganahay hargeisa

  2. sxb waaxn ku dhihi lahaa jaceylku waa shey qaali ah amaba saxibtinimada lakin kadaa meesha shaaruukhan iyo hindigan baas markaad rabto in aad ka hadasho jaceyl soo qaado qeys iyo leyla cilmi iyo ceebla waa dad soomaaliyeed midaa ayaa iga talo ah

    • baalayo qeys iyo leylo ku dheeehe ama hindi ama Somalia waa dembi ee waax musik ah haa isku dhagesin walaalayal ee ilahay kaa baaqa wasalamu calaykun

      • Asc dhaman walaalaha somaliyed meel walba ee dunida ka joogan, qodobka laga hadlaayo micnihiiso waa jaceel, hadii aan kuda kalo jaceelku waa sheey nolasha ku qaaliya oo la dhihi karo nolasha heerka ugu sareeyo aniga waxan ahay tadka ka danbeeya jaceelka aad baana ugu helaa arimaha jaceelka markii laga hadlaayo waana qiimeeya jaceel hadii uuna jirin nolasha micna malaha, saaxibtinimada ayadana waa shey qaali ah oo tadka dhan aan laga wada helin sxb waa midka sirtaada aad u sheegato hadii aad dhibantahay iyo hadii aad faraxsantahay waa midka aan sirtaada kaa kudbin oo tadka kala kaaga sheegin
        aniga waxan dhihi lahaa qof walba oo kuur u baahan jaceel haku raadiyo yoosan noqon mid ku raadiya lacag ama siyaawa kale oo kala duwan

    • walaashay hoorta waaxad shaygeeso waa qaalald jaceylku waax saxib maaahan ee laba qof oo is raabo haa is gursadan saxiibtinimo iyo waaxas maajirane anugu galo maanihin adigu hadad rabtid saxiib iyo waaxdaaran dadkale haa qaadsin

    • WAA RUNTA AYAAN ANIGU WAXAN AAN IMIKA AMINSAN YAHAY INUU YAHAY JACAYLKU QAYB KA MID SAXIIBTIMADA SXB-YAAL WIIILKASTA AMA GABAR KASTA WAXAY JACESHAHY WIIL LA WADA MUSTAQBALKA AMA LA SAMEYAA XIDHIIDH ……………..
      CONTINUES

      BY QOF JACEYL HAYO………….

  3. sxb kadiye waan kusalaamay marka hore marka labaad waa run saaxiib timadu waa shay aad iyo aad uqaalisan sxb in tabadan waxaa dhacdo dadka saaxiibaha ah in ay isjeclaadaan oy badashaan saaxiib tinimadoodii jacayl taas oy labada ruux isku aaminaan iskuna jeclaadaan , inta badan love is friendship i agree that idea sababtoo ah saaxiib tinimada ayaa kahoraysa in jacayl lasameey, marka wxaan kagabixilahaa jacaylku waa saaxiib timo iyo isfahan ay isfahmaan labada ruux iskana helaan dhanwala.

    waad mahadsantihiiiiiiiiiiiiin .

  4. Dear Kediye!

    waad ku mahadsantahay sxb marka hore dadaalkaad ugashay isku xirka dhalinyarada soomaaliyeed,

    sxb anigu waxan ahay kaqayb qaate cusub oo idi ku soobiiray rubtii fekerkaana aad ayaan u soodho waynayaa guud ahaanba

    lkn kadiyow waxan sigaar ah kaaga codsanayaa adiga in aad iga caawiso sida looisticmaalo chart roomka waan isku deyey in aan galo lkn wuu iska sootuurayaa markaan ciwaanka geliyo

    mahadsanid

  5. mashallah waxaan ku faraxsanahay in aan arko webkan sababtow ah , waxuu igu dhiira galiniyaa in kaygana sidan u dhiso , walibo anigow ah dadka isticmaala wordpress marar badan sameeyay dhowr bogg balse nasiib uma aana yeelan in aan u dhiso sida axmed kadiye u dhise oo kale waxaan jecelahay in aad igu kordiso , waxii macluumaad ah .www.ilkaqalalax.wordpress.com

  6. haah waa runtaa in uu ka bilowdo jacaylku sxbtinimo lkn waxaa jira ku kale oo aan kabilaban oo aragti ah jacaylka iyo sxbtinimada farqi ayaa u dhaxeeya wuuna kala duwanyahay waxaana qaalisan sxbtinimada sababtoo ah sxbtinimadu ma dhamaato lakinn jacaylku hadii xumaato timaado waa lakala tagaa hadana way is nacebyihiin in ay wada hadlaan dib waa dadka qaar

  7. sxbyaal anigu waxaan aaminsanahey inuu yahay jaceylku wax jira sababtoo ah qof adan jeclaan ma doonaysid inaad la kulanto amaba kama garan kartid bulsha weynta adduunka

  8. waaan ka xumahay7 in lagu tilmaamo jacaylka sxbtinimo sababtoo ah ma jiro qof u dhimanaya sxbkii oo ay kala tageen ama ay dirireen waxaa kabadalan jacaylka oo waa loo dhintaa waana loo washaa waxaana la iska dayaa guur oo dhan hadii aad waydo qofka aad jaceshahay marka waxaan oran kara jcylku waa cudur dawadiisuna waa hal qof by qanciye

  9. wax ayaa inka qaldan waa aragtidayda macnahayga jacayl waa loo dhintay lkn sxbtinimo looma dhinto waxaan oran karaa jcylku waa cudur dawadiisuna waa hal qof

  10. walaalayaal waan idin salaamey waalayaal anigu waxaan ahey wiil yar oo dhalin ah kuna nool ethiopia waxna kabarta magaalada lagu magacaabo jigjiga walaalayal horta aniga jaceyl waa ihaya ana sidaydaba afmiishaar mahai gabadhana waaxaan ka jeclaadaa oo kaliya indhaha bal ila taliya oo maxaan yeelaa? iisoo jawaaba

  11. Waxaan idin oran lahay inta is jecel alle ha isku fududeeyo lakin sida sharciga ah ku dhaqma qofki su.aal qabto ha igala soo xirirto 27766104045 mahad sanidiin

  12. marka hore waan idiin salamey akhyaarta bacdal salaan hadiii aan ka hadlo qodobkan qaaliga ah waxaan fikirkayga kuso koobi lahaa in jaceylku lahey wax jira oo ilahey insaanka ku beerey lkn ay dhalinta hada jirta ay si khaldan ay u isticmaaleen tan sxbnimadana anigu gabar aan sxb nahey marnaba ma jecladeen kkkkkkkkkkk waa fikirkayaga yaan layla yaabin

  13. aniga taas waan diiday sababtoo ah waxaa jira dad is necbaa oo is jeclaaday marka lama dhihi karo mar walba sxbtinimo ayuu ku bilowdaa jaceylka. adoo qofka neceb ayaad hal maalin ku jeclaan kartaa .

  14. salaams! marka hore salaan marka xigta, horta ma wixi aragti somaliyeed ah mise wixi aragti addunka ah, somali hadanunahay horta jaceyl cidi naga wareysan meyso waayo maant ahadii sxbada ood wada bashali jirteen kutirahdo sxbyaal maanta idinma raci karo waayo xaaska ayaa kacsan, waxaa lagu leeyahay war naga tag wax yahow aay naagta u taliso. xaaskeyga ama sxbtey haday tirahdo sx bada haracin maanta iska daye haday tirahdo jar iyaga dhan, waan jarayaa coz at the end of the day iyada ayaanu isu hadheynaa not not ma friends. waa anoo kuhadlaya tii aduunka jaceylka aaminsan,

  15. waan idiin salaamay dhamaan qaasatan kadiye hadii aan u gud bo mawduuca fikirkeyga aniga ahaan jaceelka wuxuu kabilaawanaa saaxiibtino sax marka waxaa ladhihikaraa sidiisaba waa saaxiibtinimo qaan kaartay sidaaso ay tahay waxaa ladhihikaraa jaceelka dhabtaa waa kalsooni labada qof aya isku qaadaan ma’ogi haduu yahay isku sii kaarlee ama waxa loo yaqaan (waqtigaa ku dhameesanaayey)
    jaceelka aragtida iyo kan kabilawda sxbtinimada waxaa guuleesta ka saaxiibtinimada
    bacause of kani wuxuu dheeryahay isfahan iyo isbarasho xaga dabeecadaa
    mahadsinidiin dhamaantiin

  16. Asc oll wlalaha
    ani fikrad ahayntayda jacayl ku wa kabilabankara sxbtinimo waliba waxan dhihi karna wa kan ogu mcn mxa yelay adiga o qofka dhaqankasa dabecadisa iwm bartay ayad hadana nolasha wadagten waxay kadhigantahay malab lagu daray sonkor by m.shugri (babi)

  17. sxb marka hore waa ku salaamay salaanta ugu qiimaha badan asc bacda salaan sxb waa runtaa waxa uu ka bilaawda saaxiibtinimo waxoona ku dhamaadaa jaceel marka aniga jaceel uma arko kan hindiga ah lkn aniga waxaan jaceel u arkaa kan dhax maray leylo iyo qeys oo kale marka sxb kan jaceel la ma yiraahdo dadka qaar waxa ee soo fiirsadaan shaarukhaan iyo kajol markaas ayee action ka soo qaataan dabadeed ayee ku dhaqaaqaan kadibna wee is guursadaan marki ee is guur sadaan maxaa dhaco waxaa dhacdo in hadii ee sii dhamaaneyso waxa ee soo maalida u yaqaanaa todobada in lees fura oo gabdhii shalay la aroosay maanta la soo furo maxaa u sababa ma ta qaanaa waxaa u sababa shalay been ayee is ku sheegeen lkn hadii ee runta ka wada hadli lahaa yeen taas ma dhici laheen sxb marka jaceelka sidiisa banaa labada ruux ee is guursada misana jaceel dhab ah isku guursada jaceel kooda oo sii see idaa markii ee sarirta ku kulmaan mana laga yaabo in uu nusqaamo sxb kheer ayaan i diin dhaafay

  18. A/C salaan ka dib magaceygu waa caisha waxaan ku noolahay muqdisho hadii aan ka hadlo fikradeyda jaceelku waxa uu ka bilowdaa saaxiib tinimada jaceelka saaxiib tinimada ku bilowda waa mid inta badan aan sahal ku dhamaan waa mid xiitama ka awood badan midka caadiga ah waxa uu ka macaanyahay nolosha labada caadiga isku bartay rayigeygana waa kaas .

  19. sxb marka hore wad ku mahadsantahey sida sharafta leh ee aad u so diyaarisey barna mina mijkan galiga ah marka waxa weye kala ma garan sxbtinimada iyo jaceylka in kasto sxbtinimado horeyso hadana waxa lama huran ah iney kalsoni mesha ku jirto mida kale jaceylka aan sxb tinimado ka horeyn sida badan kalsoni saasa maleh waxa huban oo gali san midka sxb tinimada ka yimado ama ba ka bilowdo labada jaceyl sxb

  20. waan idin salaamay akhyaarta war aniguna waxaan aaminsanahay in jacaylku kubilawdo dareen iyo damac yar kadibna uu isubadalo dareen wayn iyo is afgarad waxaadna ogaataan ruuxa aad jece shahay in hadalkiisa iyo muuqaalkiisaba uuyahay mid dadkakale kaala fiican

  21. Asc…Marka labaad waxaan ka codsanayaa Ma heli karaa gabadh aaan jacayl isla dhisno oon ka gaadhmo meel aaanay wali cid ka gaadhin yacni waxaanka wadaa macaankiisa isla dha dhamino plz hadii ay jirto gabadh u diyaar ah ha igu darsato email kayga ( hamza_ty_22@hotmail.com ) waxaanaan kusoo dhawayn doona qalbi wayn oo mad madow ka dheer/fog iyo gacmo furan….Mahadsanidiin..!!!

  22. waan gusalamay walal waa runtaa jaceelgu waxuu gabilowdaa saxib tinimo dher ama dhow ha ahaato jacelgu waa saxibtinimo

  23. sxb marka hore waad salmaantahay waana kuu mahad celinyaa sida fiican aad ula dhaqantid asxaabaada qiimaha badan intaa ka dib walaal aniga waxaan ahay qof webjkaan aad u jecel mar walbana aan booqdo ha noqoto habeyn ama maalinba saacad walaba aan fadhiisto netka waan booqdaa mida kale jaceylak aad sheegtay inuu yahay saxxibtinimo aadna u soo qaadatay nin gaala arinkaa iska daa kuuma haboona walaal horta aniga aad ayaan kuu taageersanahay sida qoroxda badan aad webka u hagajineysid sida ka hadalak layaabka dunida layaabka nolosha marka walaal waxaan rabaa inaa ka mid noqdo asxaabta webka marka igu soo dhaweey sxb axmed kadiye aniga waxaan joogaa degmada wanla weyn igana caawe wixii aad iga saacido karto sida chat roomka loogu sheegeyso waadna mahadsantihiin

  24. hi guys
    i am aman who loved agirl but i don’t know where is she now
    she called nasro cusmaan
    even she was angry with me when she left me

  25. waa sax sxp jacaylka waxuu kabilowdaa saaaxibtinimo midkaas ayaa ne oo gu qaali san lkn sxp adigoo raali ah waxaan kaa codsan laha meesha aad hinduda tusaalo kasoo qaadaneysid adigo kasoo qaata umada soomaliyeeed oo sida labada ogyahay hore qisooyinka jacayl ah usoo maray sida sxpkeen hore oo dawajiye cml cilmi boodari iyo wixi soo raaco
    mahadsidiin all

  26. runti jaceylku waa shey muhiim ah siyaaba badan ayuu ku bilowdaa waa kamid sida meesha ku xusan lkn waxan layaab leh qof aad mudo is taqaaneen in aad ka raacdo mid aa hada baraty oo aadan ogayn waxa shar iyo kheyr uu lee yahay ee waa inaad ka fiirsataa sida uu kuu saameynayo waxa la yiraahdo jcl lkn dad badan waa ay xad dhaafiyeen qaar ayaaba jirkooda jaraya ooo magac qofeed ku dhigaya

  27. wan idin salaamay dhamaan dhalinta somaliyeed aduunka meel walbo aad ka joogtan kadiye salan qas ah adna sxb run ahaanti markii aan ka hadalno erayga jaceel waa shay u dhaxeeyo farxad iyo murugo marka hal dhinac looma badi karo midi kale sxbnimo wa shey qali ah lkn badanaa jacelka iyo sxbnomada waxa u dhaxeeyo farqi wayn

  28. marka hore waxaan halkan ka salaanay dhalinyarada somaliyeed ee ka qayb qaadatay arimahan salan ka dib waxaan qabaa anigu inuu yahay jacaylku wax jira oo labada qof ee is jecel ay isku bartaan arin kadis ah waxanan ka hadli lahaa arint labda qof ee dabeecad ahaan isu fahmi wayay ee uu midka kale raaco qof soo kala dhex galy waa arin la yaableh taasin aniga ayay igu dhacday oo waa wax laga xumaado !!!!!!salaamulaahicalykum

  29. All dhalinta somaliyed waxan leyahay wiilal iyo gabdhaba Asc wr wb marka xikta jacaylku waa sida geed ay caleen kasoo dhaceyso caleentaas on ogeyn dhulka mesha ay kaga dhaceyso in ay caleenkale ku kordhaceyso iyo in ay dhulka mel banan kaga dhaceyso saasdaraden qof aad maalin aragtey jeclankarta marka sxbtinimo bas kuma eka bahaka Ee meel walba ayuu kaso galaa adamaha mahadsanidin dhamantin

  30. All dhalinta somaliyed waxan leyahay wiilal iyo gabdhaba Asc wr wb marka xikta jacaylku waa sida geed ay caleen kasoo dhaceyso caleentaas on ogeyn dhulka mesha ay kaga dhaceyso in ay caleenkale ku kordhaceyso iyo in ay dhulka mel banan kaga dhaceyso saasdaraden qof aad maalin aragtey jeclankarta marka sxbtinimo bas kuma eka jecaylka Ee meel walba ayuu kaso galaa adamaha mahadsanidin dhamantin

  31. Asalamyu Aleykum, waan idin salamey dhamaantiin waxaan ahay gabar yer oo jirta 24 sano, waxaan is baraney wiil jira 26 sano waxaan is baraney 2008 dhamaadkeedii waan is jeclaaney waxaan go’aan ku gaarney in aan is guursano mar kasto oon gaarno waqtigii guurka waa iiga baxaa oo wuxuu dhahaa ma ku guursan karo ani guur diyaar uma ihi.anigana wiilka waan jeclahay hadii aan maqlin codkiisa hal maalin waan walanayaa sidii qof aan mardanbe ariki doonin baan noqdaa.maantey oon qoraayo shekadaan wax ma cunin mudo 7 bari ah asaka baan ka fakaraaa,wuxuu i ku dhahey kuma guursanaayo ee meel kale raadso anigana kama maarmo aqyaareey ila soo taliya waan idin tuugaaye.thank u..

  32. jaceyl !!! waa sxbtinimo qalbiga bani aadamka ku weynaata taasi oo ay labada lamaane iska helayaan kalsooni, ixtiraam, is rabaansho saa’id ah, kala dambeen, farxad iyo waxyaalo kale oo halkaan aan lagu soo koobi karin.
    JACEYLKUNA WAA SXBTIMO QALBIGA DEGTA

  33. waa Abdi oo idin leh

    asalama caleykum waraxma tulaahi wabarakato wadsalamantihiin dhamaantin wilal iyo gabdhaba yar iyo weyba waxana codsana in aan ku soo birikaro iyo in kale mashruucan uu samayay sxb kay kediye waana ku mahadsantihiin fikirkiina dhamaantin waxaa kale oon aad ugu farxay sanahay oo gul weyn ah luuqada aan ku wada hadleyno oo ah luuqadeena hooyo waxan idin leyahay dhamantin dhinac walba halaga hadla
    hana lugu dadal salada
    waa adiga oo ah wil somaali ah oo jooga wadanka sweden

Fikirkaaga Dhiibo

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s