Maseyrku Ma jaceylbaa mise waa kibir ???


Maseyr
Maseyr

 

 

Waa shey ilaahay ku abuuray qofkasta sida waxyaabaha qaar ee bini aadamka lagu uumay
Laakin waxaa jira qof Maseyrkiisa Macquul yahay iyo qof dhaafaya xadkii loogu tala galay oo qeyrul macquul ah

 

 

Inkastoo lagu tilmaamo maseyrku in uu yahay dareyn xanuun leh oo qofku uu ku rabo in uu kaligii yeesho qofka uu jecelyahay ama dareenkiisa kaligiis soo jiito ayaa waxa uu sababaa in uu kala geeyo laba qof oo is jecel ama is qaba waxaana halkaa ku dhamaan kara wixii ka dhaxeeyay oo jaceyl ah

Maseyr.. waa dareen la mid ah waxyaabah qofka uu dareemo ee caadiga ah laakiin dareenkiisu aad ayuu xanuun badan yahay hadii uu gudbo xadkiisa uuna sii siyaado

Badanaa waxaa la arkaa dhibaatooyinka ka dhex dhasha labada qof ee is qaba amaba is jecel xataa asxaabta dhexdooda sababta maseyrka dartiisa, ayadoo mararka qaar ay gaarto shaki kii ugu xumaa taasoo dhameyn karta jaceylka meeshaa ka jiray, lagana yaabo in ay dhaliso is aaminaad la’aan sababta maseyrka dartiisa

Waxaad arkeysaa mararka qaar qaasatan dadka jaceyl wadaaga ah ayagoo badanaa jecel dareenka maseyrka ah rabaana in ay dareemaan maseyrka ….. Sabab ???

Ma waxay rabaan in ay hubiyaan jaceylka qofka ay jecel yihiin ??

ma waxay doonayaan in ay jaceylkooda ku cadeeyaan Qaab maseyr galin ah qofka ay jecelyihiin ??

Maseyrku muxuu maraka qaar iskugu badalaa Shaki iyo kalsooni xumo ???

Muxuu maseyrku dadka qaar agtooda saa’id uu ugu yahay ama ugu badan yahay ??

Maseyrku ma kalsooni xumaa….Ama maxaan dhihi karnaa ???

Badanaa muxuu maseyrku isugu badalaa dhibaatooyin iyo mashaakil ????

Aqriste adiga maseyrka maxad u taqaanaa ??

Waa wax qurux badan in aragno ayadoo qof na jecel noo maseyraayo anaga darteen ……….

Laakiin sheygaasi quruxda badan waxa uu noqon karaa mid wax burburiya…. hadii anan si caqliyeesan leysaga xakameyn

Ugu dambeyntii…………

Maserku Ma jaceylbaa mise waa Kibir ?????

Waa sxb kiin Axmed kadiye oo idin leh fikrad la’aan sxb mowduuca haka bixin waayo fikradaadu waa muhiim

By: Axmed Cabdullahi Axmed Kadiye
Madaxa webka Somaliaction.tk
axmed_kadiye@hotmail.com

 

51 comments

  1. asc walaal, waan kaga mahad celinayaa sida iskugu howshay arima web kan, oo runtii wax weyn dadka somaliyeed wax u tari karo. tan kale ani ahaan wax ka amin sanahay maseerka!!!!
    maseerka saxiibtimo hadii wax yar fikirkeyga ka sheego. waa wax jiro laakin, maseer ugu badan ee nadhibateeyo waa labo qof oo saxiibo tan aan aminsanahay,
    taasna waxaa ka dhihi lahaa kalsooni daro,iyo imaan la aan, bee u bahan tahay, waxane taas looga gudbi karaa hadii qofka jeceshahay in gaarto hadafkada, waaa guuleysane ani ahaaan, tankale isku daydo in qofkada qanciyo hana dhageesan waligaa dadka kale, waxaan ku soo kobayaa jaceelka saxiibtinimo, ogow maseerka aa maseerto wuxuu dhalin karaa in aad kaga go aad sababtoo ah maseer aa maseerto uma dulqadan karo qofka wax kala dhaxeeyo!!!!!!!!
    hadii wax yar ka hadlo maseerka dadka iska qabo kaas waxaa dhihi karaa waa ka qabowyahay kan kale sababtoo ah waa dad iska nool badanaa wey ka qanci karaan ilaa xad baan aamin sanahay wax yaabo badan dartee maku soo koobi karo asc kifirkeyga waa iga intaas

    • magacaygu waa hilaal nuux aadam
      A/S/C/W/W bacda salaan waxaan salaamayaa walaalaha soomaaliyeed ee ka hawl gala wabsaydkaa gaar ahaan axmad kadiye
      arinta masayrka fikrada aan ka qabowaa:
      dareen qofka ku abuuran wuxuuna uqayb samaa labo qaybood
      1:qayb wanaagsan oo la amaamnayhadaan tusaaleeyona adiga oo arka wax wannagsan oo qof samaynayo sida laba qof oo isqabta oo ereyo wanaagsan isdhahaya ood maqashid deedna aad masayrtid ood adna mataankaaga ama mataan taada ku tidhaahdid tusaalayaasha masayrka wanaagsani way fara badanyihiin
      2:qayb liidata oon wanaagsanayn laguna tilmaami karo xaasid nimo ayadana hadaan tusaaleeyo nin ayaa wuxuu sheeko lawdaaga gabar midna wuu qabaa haday tan uu qabo u fakarto in uu ninkani haduu gabadha kale guursado lacag uu iyada siin lahaa ama guri uu iyada dajin lahaa dama wakhti uu iyada la wadaagi lahaa taas kale lawadaagayo amase ilmo ayadu dhali lahayd taasi u dhali doonto kuna dadaasho siday ukala gayn lahayd

  2. Asc wrwb axmed aad baad ugu mahadsantahay topic gan aad soo gudbisay runtii waa mid aan markasta aniga laftaydu dadka waydiiyo. Hadaan ka jawaabo suaasha ah maseyr ma kibir baa mise waa jacayl,
    Anigu waaan aaminsanahay in masayrku JACAYL yahay waana dareen ka turjumaya jacaylka aad qolka u qabto aadna ku diidayso in lagula qaybsado lamanahaga. walahu aclam

  3. ascmaraka walaal waan kuumahad celinayaa walaalkay ahmed kadiye marka xigta waxaan fikirkayga ka dhiiibanayaa masayr masayr aboowe horta waa wax jira oo ilaah ku abuuray dumarka taas oo idinka ama raguna nala wadaagaan oo aanu ku koobnayn kaliya dumarka mararka qaarna raguba kaga xun yihiin dumarka laakiin uu kukala kuluulyahay walaalow masoo koobi karo laakiin waxaan leeyahay waa wax lagu deeqay lab iyo dhidigba lagu sekala xun yahay labada dhinacba.wabilaahi tawfiiq.

    • sagal! af somaali aqoon badan uma lihi lakin waxaa i cajibay waadna kumahad santahay qoraalkaaga iyo habkaad usharaxday( masayrka ) sax ilaah ayaa umadiisa ku abuuray lakin gaalada malaha ! maalin waxaa fadhi yesheen culumadda muslimiinta iyo galada kashekeynayeen masayrka muslamiinta waxay tusaale gaalada tuseen arigooda ayaa lisku keenay qiirad ama maseyr malaha ayagaba iskadaa

      • waad ku mahad san tahay sida wacan ee aad uga faalootay laakiin suaal ayaan ku waydinayaa waligaa ma masayrtay? mase aragtay qof masayr san?

  4. asc amiira waad mahadsantahay laakiin dunidan aan ku noolnahay iyo dhamaanba waxan aad arkayso oo dhulka dushuusa ku nool qudhaanjada baa uyar ilaah waa ku abuuray waxan la dhaho masayr gaaladuna waa kuwan kasii garaad yar 80boqolkiiba ayagaa ku xun oo marka aad u fiirsatid aad dhahaysaa waa dunida kuwii uwaalnaa intaa markii aan ka tagno baa masayrku waxa uu uqaybsamaa noocyo kala duwan ha ubadnaato kan ka yimaada laba qof oo wada nool taasina waxa lagag bixi karaa ay tahay iimaanka qofku inta uu baaxad leegyahay iyo adiga oousoo laabta talo saarashada rabigeen ina abuuray iyo diinteena suuban oo aan midigta ku haysano iyo nabigeen wixii uu ina faray ilaah korkiis nabad haka yeele saas baan ka aaminsanahay anigu masayrka wabilaahi tawfiiq

  5. Asc wr wb dhammaan walaalaha muslimiinta iyo soo saaraha barnaamijkan samigey axmed iyo inta ka qeyb qaadataba salaan kadib waxaan guda galayaa barnaamijka meesha yaala ee (maseyrka)maseyrku sida aan ka aaminsanahay waa shey ilaahey ku abuuray wax kasta oo noole ah haba u badnaadan bani aadamka rag iyo dumarba walow ay dumarka u badanyhn mid raguna xanuun badanyahay een haddii aan dumarka ku fududaadayna ha iga raali noqdaan maadaama aan wax jira ka hadlay fikrado badan ayaan ka aamin sanahay maseyrka inta kuma soo koobi waana wax jira waa qeyb ka mid ah dareenka bani aadamka waana muhiim oo waa wax lama huraan ah oo aanu bani aadamku ka maarmi kareyn waad salaamanthn mar 2-aad walaalayaal

  6. aniga maseerka waxa u arkaa wax fican maxa yeelay waxuu u maseeray waa jaceyl mida kale waxa jiro maseer nooc kale ah kaso ah in qofka maseero uu ku maseero qof lamid ah wax uu hestana hamiya labadana waa wax fican

  7. asc dhamaan waad salamantihiin umada soomaaliyeed meelkastoo joogtaan
    hadii aan kahadlo mowduucan ah maseerka ma jaceylbaa mise waa kibir?
    marka hore maseerka waa wax jiraa rag iyo dumarna waa maseeraan inkastoo ay ubadanyihiin dumarka
    aniga lkn waxey iltahay maseerka waxa keena in uu yahay is aaminid la,aanta waayo labada qofood hadii ay is aaminaan wax maseer layiraahdo meesha ma,imaanaayo ayaan dhihilahaa
    marka waxaan dhihilahaa labada qof ee wada jooga ama xiriirka jeceylka dhexeeyo ha,is aaminaan markaas wax maseer layiraahdo ma,imaanaayo
    aniga waxey ilatahay maseerka in uu yahay kibir
    inkastoo maseer jaceyl ahna jiro lkn waxaa badan maseerka kibirka ah waa aniga fikrad ahaanteyda
    waad mahadsantihiin

  8. Asc wr wbr bro axmed ad baad ugu mahadsantahay barnamijkan oo akle in ad ka hadasho maseerka wa wax jira hana u badnadan dadka jaceylka hayan laakin waxa hubaal ah in uu in uu san ka marneen qof waliba bani adam ah arimaha jaceylka faraha kula jira hadii aan sii kala qaado maseerka dhabta ahi waxa uu dhaca marka qofka waxa jecli uu arko ama uuba la kulmo wax qofkan galo maseergelinaya side doonto hanaqote waxan amin sanahay ka shaqsi ahan in uu maseerka uuu keeno jacaylka dhabta waayo haduusan jaceyl jirin maseerna maba iman karo meshas Waa shey ilaahay ku abuuray qofkastoo abni adam ah

  9. Asc wr wbr bro axmed ad baad ugu mahadsantahay barnamijkan oo akle in ad ka hadasho maseerka wa wax jira hana u badnadan dadka jaceylka hayan laakin waxa hubaal ah in uu in uu san ka marneen qof waliba bani adam ah arimaha jaceylka faraha kula jira hadii aan sii kala qaado maseerka dhabta ahi waxa uu dhaca marka qofka waxa jecli uu arko ama uuba la kulmo wax qofkan galo maseergelinaya side doonto hanaqote waxan amin sanahay ka shaqsi ahan in uu maseerka uuu keeno jacaylka dhabta waayo haduusan jaceyl jirin maseerna maba iman karo meshas Waa shey ilaahay ku abuuray qofkastoo abni adam ah

    • asc asxaabta waad salamantihiin melkasta ood joogtaan . hadan fikirkayga ka sheego meeshan
      Maserka marmar waa wax aad umacaan oo xiiso leh marna waa wax qarar oo mashakil badan , aniga ahan tey ma jecli maseerka ziyadada ah waayo waxn umaleeya kalsooni daro qof waxa jiro maseerkiisa ziyaado yahy oon iscelin karin qofna waa iska raadraadsha kkkk maseerka waa kalsooni daro mararka qaar

  10. Salaamucaykum …. DhamaantIim……walal…..masaayr Waa Shay khatar wuxuu Kamidyahay ……marka siduu cabdale soo dhahaye qof sidhaba aad ujeceshahay ……..ood aragto qofkii aad jeclayd oo qofkale. ….. Lagu sheegi markaa suu masayrku imanayaaa …..sax soo maaha………qofka jacaylka dhabtu hayaa. Masayr kauxun baa kudhamca …..haduu ollah ugargaaro moooyee oo uu ilawsiiyo mooyee…..taana ..,,,..kawarama sax …,. Wala khalad…??????

  11. sxbayaal run ahaantii waa arin mudan in laga hadlo
    waxaa hubaal ah inuu yahay maseerku wax jira oo hadba lagu saleenkaro ruuxaad jeceshahay intuu kuu joogo taas oo mararka qaar sababta inuu qofka wax jecel kali kunoqdo jaceelka islamarkaana uu arko qofkii uu jeclaay oo nafkale xiriir laleh taas oo loosabab yeelo inuu maseerkunoqdo mid xad dhaaf ah balse waxaan hubaa inuu qofka wax jeclaankaro waxna isnecbeesiin karo waa haduu adeegsado kartisiisa

  12. asc dhamaan waad salamantihiin umada soomaaliyeed
    saxbya waxaa muda ila gahala waxa keanay maseku
    hadii an guda gala maseku waa jace waxaka ean qof qof kii kala ka taga

  13. masayrku waa jacayl qof aad jaceshahay ayaad u masayrtaa ee ooma masaytid qof aadan jeclaan taa macnaheedu waa in aad umasayrayso qofka aad jaceshahay hadii kale waxaa dhici lahayd dad isla socda hadii ad aragto in ad u masayri lahayd

  14. waa jacayl qof adana jeclayn see loogu masayraa maalinkii iyo hamaynki waxaan aragnaa kumanaan haasawinaysa ee maan kamasayrno

  15. MASEER WAA KIBIR IYO ISLA WEYNI DADKA QAAR AY SAMEEYAAN MARKA MASEER WAA MASEER WAA ISLAWEYNI

  16. from : kadar aadan
    TO: axmed kadiye

    asc walaalayaal waad ku mahad santihiin arimahaan maseerka horta waxaa keena maserka waa sadexeeya qofa aad jeceshahay hadii aad ku maqasha qofkale waad maseeri
    amase gacanaad geeysan amaseadaa is dilaaya oo naftaadaad halis galini
    ee maseerka waa shey xun oo ka imaada jacaylka

  17. ugu horeen salaan qaali ah iga gudoon aqristoo kolay fikradayda hadaan soo koobo waxaan oran karaa masayrku waa wax jira waana cudur ju dhaco naf wax jecel waan ogahay maseerka micnihiisa aniga xitaa waa uu igu dhacay kolay waxaan oran karaa maseyrku waa jacayl qof kuu maseeraya hadaad aragto wlhi waa qof si mdhab ah kuu jecel mudana in nolosha lala wadaago masayrkuna waa dareen dhab ah lkn mid xad dhaaf ah ayaa jira kaasna waxaan orankaa ruuxa xad dhaafka kuugu maseerayo kaas ayaaba zaa id kuu jecel dawadiisana waxay noqon kartaa adigoo ogolaada ruuxa ku jecel soo jeedintiisa fikradaydu waa sidaa walaalayaal wixii aan qaldayna ha la iga saxo ileen bini aadam ayaan ahay oo magafe waa illaah thnx aaad ayaan ugaaga mahada celinayaa ruux walba oo fikradayda aqrista mahadsanidiin bye w/q mohamed iise mohamed.

  18. asc wr , maseyrku wajiraa, kibirna mahan, maseyrku waa xanuun sida cudurka dhilmanyada okalaa.( malaria) da okale, walxaha keena maseyku waxa kamida ninka ,amanaagta oo tuhungalo shaki, ama kalsonidaro, sida adiga odhageysta qof kaga sheekeya waxyabo kalaheysta nin iyo naagkale, adiga oo sirta saxibka ama saxibadaa da ugudbiya ninkale amase naagkale, ugashekeya waxidhexdina kadhacaya, tasi waxay kukenaysaa natijo xumo iyo in lagumarin hababiyo shokoyinkale lagugufuro si maxkaas aad ushakiso oo aad uqadato wadada qaloca iyo shakiga iyo usigudubto islahada kaligaya buufis iyo aminad daro halkas markeymareyo ayaa waxad wado usahashey sheydanka iyo jinka si aykaga fa ideystaan waxa bilabanaya burbur kii iyo kalago ii qoyska iyo sojirenkii aad waqtiga iyo malmaha sanaka iyo murtida kusodhiey sey waxan kutalinlahaa in lakeeno tobig kale oo kuluqeynaya sidee lodaweynkaraa ruuxa maseyrku katanbadiyo iyo qabkee lagugarankaraa qofka maseyrsan astamaha lagugarto, wabilahi tawfiiq

  19. asc waan idin salaamay akhyaarta dhamaantiin isugu imaaday meesha
    maseerka waauu jiraa
    waxaa dhacday gabar anu sxb nahay in naag la,la guursado iyadoo leh 3 caruuraa
    maalin ayaa waxaa dhacday in ey gabadha ay dhaqdo cunuga yar masasadiida
    oomo ayeey ku dhaqday ayadi wexey la noqotay iney cano u qaseeso
    cunui ayeey s qabatay maraasey afkau galisay masaasadii omada ku dhex jirtay
    ninkeedii ayaa soo booday oo
    ku yiri yayaa xaa kugu dhacay cunuga maa maantana
    oomo siidee ood cano uga dhigee.
    jw teeda waxey noqotay aniga & caruurteyda wix nagu doco adiaa u sababaa
    kama eheen ogaalsho ee ogaalii ayaa tagay
    imaheeda & ninkeedanameesan nicin
    lkn waa laga daldoorsaday miskiinta
    ninki sidas ayuu ku furay gabadhii iyadoo yar
    wuxuuna yiri intey igu waalan leheed 3 oo kala reeb leheen leen siinaa ilmo hooyadood waalatay hey makaro.
    iyadanajaceylkeeda oo aduunka ugu jecleed waa ey weysay asaga dariina u daysay nimoo dhan. hadana ilmaheeda ayaaba kii ga yaraa 18 jir
    bal kwarama arinkaas
    ma ninkaa waalan mise naagta
    anga ra,yi ahaateeda ninka aa illa waalan

  20. S.c walalayal maseyrku wa wax jira o alle ku aburay admiga tusale ahan hoyaden xawo ayu ka yimid maserka sidas dartedna maserku wa wax jira

  21. asc walaalyaal maseerku waa shay jira waana dareen qofkastoo bili adaana leyahay waxaana kena maseerka jacaylka aaad uqabto markaas qofka aad umaseeraso waaana cadaymaha jacaylka maxa yelay qofka aaad jeceshahay uma ogo lid inuu qofkale kugu lamaneyo ama kula wadaago marka maseerka waxaa kena jacayl waaan ajiraa maseerka qof adan jecleen uma maserasid dana kama yelanasid haduu kun qof kula wadago lkn kan aad jeceshahay waxaad marwalba rabaa inuu kali kugu ahaado marka masrrka waa qayb kamidaa jacaylka kana turjumaya jacaylka aaad uqabto qofkaas wabilaahi tawfiiq

  22. asc ugu horeen walaalaha somaida e qaaliga ah aniga fikrad ahaan waxaan u maleeyaa in uu masey ku yahay jecel oo ka tar jumaya in uu qofkaasi doneen in lala eebsado goormusa yimaada maserku wuxu yimada marka aad ku aragto qofka ad jeceshahay wax yaabo aad ka dam qaneso sida in aad ku aragto qof ayadoo shukaansaneeso iyo wax yaabo lamiod ah waxana qabaa in u maseerku yahay jacel hadi ay san samenin qofka laga maseeraayo wax yaabo usan qofkaan ka dam qanin uma maleynaano in uu imaanyo maseer midaas ayey ila tahay asalama caleyklum

  23. asalama calaykum dhammaan dadka somaliyeed .
    wll axmed waad ku mahadsantahay programme kan aniga fikir ahaan waan iminsanahay
    inuu masayr jiro waxaa filayaa inuu noqon karo mid kibir aah kaas oo ah inay haweentu latimaado ayaa doo kumasayrayso walasheed muslimada ah oo illaahay ubaneeyey inuu ninku guursado halka uusan ka aagbedelaneyn tan hore.
    mid haddii loo firiyo maseyku waa jacayl waayo waxaan ku raacsanahay asxaabta hore ii kahadashay
    waad mahadsantihinn dhammaantiin.

  24. asc iga gudooma salan xurmad badan salan kadib dabcan maserku wa wax uu ku manestay ilaahey aadmiga lkn maahan sida maanta dunida ka jirta oo kale waayo aad baa loo buunbuuniyay xadkiisana wuuu dhaafay aniga maanta maa aaminsani in uu jiro maseerka jirta maanta waayo wa is yeel yeel lkn dabcan waxaa macquul ah in ay jirikarta waali.!!!!!! waadna ku mahadsantihin sida wacan ee aad u aqristen fikradeda asc

  25. asc salan sare kadib aniga shaqsi ahaan ma aaminsani in uu jiro maseer lkn waxaan aaminsanahay in uu yahay islaweyni jirta maseerka maahan wax jira waxba yaana waqti leeskaga dhumin guud ahan ma jiro mahadsanidiiiiiiiin

  26. haa waa wax jira wayo hawenko waa iska maskiin wayo uma dol qadan garto wax lal qaybsado maxa jelay waxay aminsanyihiin ninkoodi hadi ow lakursadoin sidi hore ay wax ugu barten in ay ka waynayan maxa yelay ma aminsana in ninka ow sidi hore ouahanayo
    asc

  27. Asc maseyr waa jiraa lakiin nocyo badan ayu ukalabaxaa sida qofka markaad qof kale kumaqsho . Miid kale oo waxaajiira loo dhasho oo fir iyo farac ah kanoo kale lamaqanciinkaro wuu naa kuceebesanaa adigo waaxbo kaasameen wuu naa kudhiibaya adigoo jecel oo waaxbo uudhiimiin kadibna waxaa dhacaysa in lakalatago

  28. asc wa idin salamay dhamantiina salan kadib (MASAYR) eraygas horta wa eray allah qalqigisa o dhan ku beeray teeda kale darenkega wuxu aaminsanyahay (MASAYR) IN U YAHAY JACEYL—- maxa yeelay wa xanun wadnahaga samaya oo kaa keena kuleel aad xadkaga iyo xita mar ayu sameya islaanimada iyo sharciga uu dhib badan ku geesta waxana sawab u ah jaceyl ruuxad jaceshay o aadan ka dhowr san kareyn waloow o ad ku weyn kartid balse zaaid ayu u xanun badanyahay xanunkane ma ahan mid cadowtinimo e wa mid wadnaha laxiriira mar hadeey dhacdado wadnaha laxirirto sida logu kabsado wa ay adgatahay hadaba ( MASAYR) been idin sheegi ma ani wan masera maserkega hadi an in yar idinka taabto wa cajaa ib —- qof an jeclaa oo an zaaid ujecla o ila hadane o an jeclahay anan helin balse i hope wan rajeyna qofta isku school ayan ahayn waan jeclaa o wan jeclaa balse nasiib daro waan kacabsan jiray indhaha uma anan dhameyn jirin uma anan shegin ila hada o an ayadaba mel ku ogeyn marka shekeda ya idinku daalinine qofta marku wiil lasocdo ama ay macalinka xitaa ay lahadleso waxaan dareemi dareen aan qiyaasi karin oo xanun leh oo an la adkesan kari wayay qof marka (MASAYRKA–) WA JACEYL WAANA XAQIIQ AN WADNAHEEGA KA XAQIQSADAY WABILAHI TOWFIIIQ(,,)

  29. a.s.c walalyal dhaman melkasto ad jogtan hadi an gudagalo maseerku wax jira sona jiri jiray lkn aniga waxan dhihi kara maserku waa dareen alle inugu umay qofkasto oo nala ah kuna beran waxana daremi karta marka ad wax jecshay oo kaliya nuc walba ha ahado jacelka marka maqbo jacelka in u yahy mid kabir ah somalida waxay dhahda kirliga waxa kulka kakeena waa dabka marka qofka waxa maserka kaneno waa jacel ayan aminsanahay

  30. Marka hore waxan mahad balaran ujedinayaa sxbkey axmed kadiye marka xigta maseysku waa wax jiro waana wax weligis sojiray siina jiri doona inta jaceylku uu jiro waayo labadoodu waa mataano ugu dambeyntii waxan jeclaan lahaa inlaga hadlo farqiga udhaxeya kan dumarka iyo kan raga

  31. Asc wrwb axmed aad baad ugu mahadsantahay topic gan aad soo gudbisay runtii waa mid aan markasta aniga laftaydu dadka waydiiyo. Hadaan ka jawaabo suaasha ah maseyr ma kibir baa mise waa jacayl,
    Anigu waaan aaminsanahay in masayrku JACAYL yahay waana dareen ka turjumaya jacaylka aad qolka u qabto aadna ku diidayso in lagula qaybsado lamanahaga marka maserka waa wax jiro oo ku aburan ibni adinka mida kale of ka so dhahy maserka waa kubir aniga kum racsani oo maserk wax jiro qof kas gabr ah ahto amo wiil aniga wax dhi hi la ah asiga ayu hay marka wuu qarsanay cml kkkkkkkkkkkkkk kaftan .com

  32. Asc? Sln kadib, marka hore su’aasha ah, “maseyrku majclbaa mise waa kibir?” inta aan ka jwbin, wxn rabaa in aan fikirkeyiga halkaani ku soo bandhigo.
    Maseyrka waa shey jira.
    Sidoo kale maseyrka waxaa aan uqeybsaday sida aan aaminsanahay 3 qeybood.
    2 kamid ah waa lagama maarmaan oo waa loo baahanyahay midka soo harayna waxa uu dhibaato ukeeni karaa amaba uu ukeenaa nafsadaada iyo maalkaaga, wuxuuna burburiyaa hamiga aad ku laheyd dhanka Alle oo ah “JANADA”.
    Hadii aan kala saarsaaro :-
    1) Maseyr aad u maseyrto dhanka Aqoonta iyo Sharaftaba. Waayo sida aan aaminsanahay nimaan maseyrin wax mabarto, hadii aadan kamaseyrin facaaga aqoonta leh wax aad baraneysid malahan lkn hadii aad maseyrto oo aad ka maseyrto aqoonta uu leeyahay oo aad dadaasho waad gaareysaa waayo “DADAALAA WUU GAARAA”
    2) Waa Maseyr aad u maseyreysid ruux kale. Si aad uhanato iyada/asiga uusan ruux kale hanan.
    Runtii maseyrkaani waa mid udhow halaaga nafsad. Dhanka kale maseyrkaani badanaa waxa keeno waa jcl.
    Horey soomaali waxay utiri “maseyska waa calaamad lagu garto jclka” ama “jcl la’aan maseyr mayimaado”. Waana lama huraan sida aan aaminsanahay.
    3)Maseyr loo maseyro ruux aad gacanta ku heysato islamarkaana malo qaldan uqaado. Alle waxa uu yiri “kuwii alle rumeeyiyow ka fogaato malada bdn, waayo malada bdn waa ithmi”.
    Hadaba maxay tahay dhibaatada imaankarta hadii aan ku dhaqaaqo maseyrka numberkiisu yahay no 3? Waxaa imaankara inaad Alle iyo Adoomankiisa ku xad gudubta taasoo ay ciribteeda kuu horseedayso caasi nimo iyo in ay hoygaagu noqdo “NAARTA”.
    Waa sida aan ka aamin sanahay dhanka maseyrka. Hadii ay fikirkaygu yahay mid qaldan haleyga qabto waayo maqalde waa Ilaah aniguna waxaan ahay adoonkii Alle. Mhdsndiin. n kadib, marka hore su’aasha ah, “maseyrku majclbaa mise waa kibir?” inta aan ka jwbin, wxn rabaa in aan fikirkeyiga halkaani ku soo bandhigo.
    Maseyrka waa shey jira.
    Sidoo kale maseyrka waxaa aan uqeybsaday sida aan aaminsanahay 3 qeybood.
    2 kamid ah waa lagama maarmaan oo waa loo baahanyahay midka soo harayna waxa uu dhibaato ukeeni karaa amaba uu ukeenaa nafsadaada iyo maalkaaga, wuxuuna burburiyaa hamiga aad ku laheyd dhanka Alle oo ah “JANADA”.
    Hadii aan kala saarsaaro :-
    1) Maseyr aad u maseyrto dhanka Aqoonta iyo Sharaftaba. Waayo sida aan aaminsanahay nimaan maseyrin wax mabarto, hadii aadan kamaseyrin facaaga aqoonta leh wax aad baraneysid malahan lkn hadii aad maseyrto oo aad ka maseyrto aqoonta uu leeyahay oo aad dadaasho waad gaareysaa waayo “DADAALAA WUU GAARAA”
    2) Waa Maseyr aad u maseyreysid ruux kale. Si aad uhanato iyada/asiga uusan ruux kale hanan.
    Runtii maseyrkaani waa mid udhow halaaga nafsad. Dhanka kale maseyrkaani badanaa waxa keeno waa jcl.
    Horey soomaali waxay utiri “maseyska waa calaamad lagu garto jclka” ama “jcl la’aan maseyr mayimaado”. Waana lama huraan sida aan aaminsanahay.
    3)Maseyr loo maseyro ruux aad gacanta ku heysato islamarkaana malo qaldan uqaado. Alle waxa uu yiri “kuwii alle rumeeyiyow ka fogaato malada bdn, waayo malada bdn waa ithmi”.
    Hadaba maxay tahay dhibaatada imaankarta hadii aan ku dhaqaaqo maseyrka numberkiisu yahay no 3? Waxaa imaankara inaad Alle iyo Adoomankiisa ku xad gudubta taasoo ay ciribteeda kuu horseedayso caasi nimo iyo in ay hoygaagu noqdo “NAARTA”.
    Waa sida aan ka aamin sanahay dhanka maseyrka. Hadii ay fikirkaygu yahay mid qaldan haleyga qabto waayo maqalde waa Ilaah aniguna waxaan ahay adoonkii Alle. Mhdsndiin.

  33. K k k k k k maseerku waa shey dumarka u badan hasa ahaate in ay u dhito ama naf ay u goyso

  34. Asc wajir maserku anu iwaalay walalayal waxan jecalhay markasto ina lahado seygeyga e sidana maserkan badan isaga yaren kara webkan ha ishego waxanku yareyo

    • qalano abaayo maseerka qaar waa waali qofna karlees iska madhigo karo ninkiisa ooo wax xun samenayo ama naago lasocdo waa wax jiro maseerka . ee adiga daba galka badan iska dhaaf xooga intaad ismahin kartid ismaahi mar iyo labo dhaaf .

  35. Maseyrku wuuu jiraaaa. Waa dareen murugo xambaaarsan, wa daren dhalin kara kala taga lamanayal is jecel. Caawana anigu i helay badweyn ila daapaashay. Help me plz. Shaafi70@h

  36. Hadii an kahadlo nafsad ahanteyda maserka waxa keena wa adigo qof jecel ayad waxad arkeysa qof adiga kujecel taso markad aragto jirkeda ku istagaya xaada jirkada kutala taso sababeysa inu darenkaga dhaqaqo marka hadii adiga jclkaga uu kalsoni dara gashana qofti ad jecleyd iney ka amin baxeyso

  37. Maserku ma jacaylbaa ama wa kibir? Runti wa sual aad muhim u ah una baahan inlaga hadlo inbadan xiligan si ey door muhiim ah aga qaadato xaladaha isfaham la anta ka dhexjirta qoysaska ama lamanayasha isjecel kentana burbur iyo baaba jacayl, hadan usolaabto suasheyda, maserku wa dareen xanun badan kana tarjuma jacayl xad dhaaf ah oo uu uqabo qofka uu jecel yahay ama kabaqaya in uu waayo qofka ujecel yahay ama uu karaaco qofkale amaba lagaduldoorsado ama uu doonayo in ey ukaliyowdo/ukaliyowo oo ay qaas u ahaato/ahaado, ogu dambeyn maserku wa dareen ka tarjumaya jacayl xarga goostay

  38. Waa shey ilaahay ku abuuray qofkasta sida waxyaabaha qaar ee bini aadamka lagu uumay
    Laakin waxaa jira qof Maseyrkiisa Macquul yahay iyo qof dhaafaya xadkii loogu tala galay oo qeyrul macquul ah

    Inkastoo lagu tilmaamo maseyrku in uu yahay dareyn xanuun leh oo qofku uu ku rabo in uu kaligii yeesho qofka uu jecelyahay ama dareenkiisa kaligiis soo jiito ayaa waxa uu sababaa in uu kala geeyo laba qof oo is jecel ama is qaba waxaana halkaa ku dhamaan kara wixii ka dhaxeeyay oo jaceyl ah
    Maseyr.. waa dareen la mid ah waxyaabah qofka uu dareemo ee caadiga ah laakiin dareenkiisu aad ayuu xanuun badan yahay hadii uu gudbo xadkiisa uuna sii siyaado
    Badanaa waxaa la arkaa dhibaatooyinka ka dhex dhasha labada qof ee is qaba amaba is jecel xataa asxaabta dhexdooda sababta maseyrka dartiisa, ayadoo mararka qaar ay gaarto shaki kii ugu xumaa taasoo dhameyn karta jaceylka meeshaa ka jiray, lagana yaabo in ay dhaliso is aaminaad la’aan sababta maseyrka dartiisa
    Waxaad arkeysaa mararka qaar qaasatan dadka jaceyl wadaaga ah ayagoo badanaa jecel dareenka maseyrka ah rabaana in ay dareemaan maseyrka ….. Sabab ???
    Ma waxay rabaan in ay hubiyaan jaceylka qofka ay jecel yihiin ??
    ma waxay doonayaan in ay jaceylkooda ku cadeeyaan Qaab maseyr galin ah qofka ay jecelyihiin ??
    Maseyrku muxuu maraka qaar iskugu badalaa Shaki iyo kalsooni xumo ???
    Muxuu maseyrku dadka qaar agtooda saa’id uu ugu yahay ama ugu badan yahay ??
    Maseyrku ma kalsooni xumaa….Ama maxaan dhihi karnaa ???
    Badanaa muxuu maseyrku isugu badalaa dhibaatooyin iyo mashaakil ????
    Aqriste adiga maseyrka maxad u taqaanaa ??
    Waa wax qurux badan in aragno ayadoo qof na jecel noo maseyraayo anaga darteen ……….
    Laakiin sheygaasi quruxda badan waxa uu noqon karaa mid wax burburiya…. hadii anan si caqliyeesan leysaga xakameyn
    Ugu dambeyntii…………
    Maserku Ma jaceylbaa mise waa Kibir ?????
    Waa sxb kiin Axmed kadiye oo idin leh fikrad la’aan sxb mowduuca haka bixin waayo fikradaadu waa muhiim

  39. Wan idinsalamey walalayal melkasto adjogtin salan kadib hadi an kahadlo maseyr maseyrku wa jira waxana run ah ruxandan jecleyn umamasereysid kan ama tan ad jeceshahay moyo

Leave a reply to mustafe Cancel reply