Baadi goobka qurux aadan lahayn naftaada halis ha’u gelin


BY: Cantar Xasan Bakar

BY: Cantar Xasan


Dad badan oo dunidan guudkeeda ku nool kuma qanacsana muuqaalka rasmiga ah ee alle ugu deeqay,waxaaney u heystaan in wax ay ka dhiman yihiin,islamarkaana waxey qanacsanan la’aantaa darted ku xambaartaa inuu qofku wax ka bedelo muuqaalkiisa rabaaniga ahaa,isagoo la soo shir tagaaya muuqaal cusub{ color cusub}.

Waxaa inta badan u sahla dadkan iney ku dhiiradaan arintan shirkado faa’iido doon ah oo soo saara waxyaaba dadka isku qurxiyaan,oo hab ganacsi ahaan dunida daafaheeda loogu iibgeeyo.

Aan ku horeyno waxyaabaha midabka lagu bedelo,anagoo dib ka falanqeyn doono waxyeelooyinkooda.

Daawaayinka midabka lagu bedelo waxey isugu jiraan kuwo si deg deg isbedel la taaban karo u dhaliya midabka qofka iyo kuwo aan sidaa u fir fricooneyn.

Badankood walxahan waxey soomaaliya ku yihiin dhawaan gal,waxaaney si toos ah suuqyada inta badan lagu arkay dabayaaqadii sagaashameeyadii,iyadoo dadkuna badankood aaney ku baraarugsaneyn daawooyinka leys qurxiyo.,laakiin waxey noqdeen kuwa tartiib tartiib u barteen.

Waxyaabaha leysku qurxiyo waa daawooyin loogu talagal in lagu daaweeyo dadka maqaalka uu ka jirada,waxeyna u kala baxaa,Dermavite,bethnovit,Modevin,Rose,Daina ,Rico,salvano, bleech iyo kuwa kale oo fara badan.

Intabadan waxey sameeyaan dadka isticmaala iney isku qasaan,si leysugu qamiiriyo,waxaana loo isticmaalaa in la mariyo wejiga,qoorta,iyo qeybaha jilcan ee jirka,ugu badnaan sedexda todobaad ee ugu horeysa ay dadka ka soo saartaa muuqaal qurux badan,oo lagu indha daraandar, xilliyadii hore waxaa la arki jiray qof ka cad wejiga qeybaha kale ee jirkana ka madow,sida gacmaha iyo lugaha,waxaana magacyo badan oo loogu yeeri jiray dadkaasi,sida{korka fanta hooska koka}, laakiin durba waxaa la helay xal arintaasi looga gudbo.

Si jirka oo dhan hal muuqaal uu u noqdo waxaa leysku daraa dawooyin chemico ahaan aad u sareeya oo loo isticmaalo gacmaha lugaha iyo wixii soo raaca,biyaha colorka timaha la marsado ayaa la keenayaa waxaana lagu daraa Move iyo creamka la yiraahdo Revlon iyadoo leysku garaacayo deetana lagu shubaayo weel caag ah oo u gaar ah,waxaana la marsadaa kadib marka la soo metro,maadaama jirka intiisa kale uu aad uga adag yihiin gacmaha iyo lugaha si aad ah ayaa loogu rugaa,waxaana lagu xerxeraa baco,iyadoo looga gol leeyahay daawooyinkaasi leysku dardaray ay ku huuraan ilaa dhidid uu ka yimaado xubnihii la xerxeray.

Waa howl aad u culus oo qatarteeda wadadata marka dhinac walba laga fiiriyo,sida dhinacyada, caafimaadka,dhaqaalaha iyo iyadoo saameyneysa hadii dabeecadihiisa caadiga ahaa .

Waxaa badanaa la arkaa nabro qofka wejigiisa ka soo baxa ,xilliyada uu daawooyinkan qaadanayo,waxaana badanaa ugu wacan iyadoo qofkaasi jirkiisa uu xasaasiyad ka qaadayo walxaha uu isticmaalayo, tayada daawada oo isbedesha islamarkaana aan helin heer kul ku filan,waxaana taas ugu wacan sandaqadaha lagu iibiyo oo si fudud kuleylka ugu soo gudbiya ama xilliyada kala go’a uu ku yimaado daawada ama waqtigii loogu talagay oo aan la ismarin,waxaana lagu tilmaami karaa adigoo naftaada ciqaabay,waxay ogsoonahay dad arintan wax ka yaqaana in qofku uu murugo dareemo marka ay gabaabsi ka mareyso daawada islamarkaana gacantiisa/teeda aaney ku jirin qarashkii lagu iibin lahaa,maadaama dadku aaney ka siney dhinaca dhaqaalaha,{waa sida adigoo degan guri kira ah bilkastana lagaa doonayo lacagtii bisha}.

Caafimaad ahaan tusaalooyin badan ayaa laga hayaa,gaar ahaan soomaalida, daawooyinka chemikada ah waxey dhameynayaa xuubka kore ee maqaarka bini’aadamka, waxaana qofka jirkiisu uu nuglaanayaa dhaawacyada yaryar ee hore uu adkeysinka u lahaa.

Gaar ahaan haweenka oo u badan isticmaalkiisa aad ayaa looga deyriyaa,waxaaney warbixinada la helaayo sheegayaan in gabdho badan oo si toos ah jirkoo dhan u wada marsaday ay dhibaato kala kulmeen xilliga foosha oo ku adkaatay,qalliinkii kadibna dhibaato kala kulmeen toriinka islamarkaana dhaqaatiirtii u suurtagali weyday iney isku keenaan magaarkii caloosha,maxaa yeelay waxaa si aad ah u waxyeeleeyey kimikadii loo isticmaalayey in leysku qurxiyo..

Dhaqtar ka shaqeeya xaalada Islii ee magaaalada Nairobi islamarkaana ku taqasusay maqaarka ayaan waxka weydiiyey,waxuuna igula dardaarmay inaan kala taliyo dhamaan dadka isticmaalka daawooyinka Kimikada ah,wuxuu ii sheegtay in todobaad walba ay soo booqdaan dad ka cabanaaya daawooyinka leysku qurxiyo oo ku xumaaday.

Badankood Somalida wey isticmaalaan,wuxuuna ka soo bilowday,Somaliland oo dadka deegaanadaasi ku nool ay halheys u tahay {Doqon iyo cawo ayaa madow},Puntland,caasimada Somaliya oo hada ay ka suulayaan dadka madmadow..

Muqdisho waxaa jiro xaafado si gaar ah farta loogu fiiqo,sida:Baar ubax,Siinaay,xamar jadiid,Kpp.maanabolyo, bakaaraha.Howl-wadaag, qeybo ka mid ah Y/shied,Suuqbacaad iyo xaafado kale oo badan oo ku caan ah arintan`.

Waxaan aad u xasuustaa bishii June ee sanadkan markii ay bilowdeen dagaalkii ay Israa’iil ku qaaday Lebonan in uu sare u kacay qiimaha la iibiyo Rose,iyadoo loo sababeynayo magaalada Beirut oo laga keeni jiray oo dagaalo ay ka socdeen,taasoo dad badan oo isticmaalo cabsigelisay in la waayo.

Caadi ahaan Rose kaligeed waxaa la sheegaa ineysan waxtar laheyn,waxaana lagu daraa Dermavite oo ah mida dhaqso u bedesha midabka,islamarkaana qofka wejigiisa ka soo saarto sida xabad ukuntii oo kale ah,dadkuna ay aad u jecleysnayaan muuqaalkaga,laakiin waxaa marag ma doonta ah in qatarteedana ay wadato.

sababo kala duwan ayaa lagu macneyaa duruufaha dadka ku kalifa iney muuqaal cusub la soo baxaan,haba ugu badnaatee mid dadka kale looga gado, ama baadi goobka quruxda ee dumarka badanaa u halgamanaa,si ay raga ugu soo jiitaan,maadaama raga in tabadan xulashadoodu ku xiran tahay cadaanta.

Iyadoo ay taa jirto ayaa hadana waxaa soo baxaya qisooyin aad looga naxo oo ay bilaabeen gabdhaha aaminsan in ay quruxdu tahay qofka oo adeegsada Dawooyin si uu dhaldhalaalo tusaale waxaan u soo joogay qiso xanuun badan oo ku dhacday wiil aanu sxb nahay oo ii sheegay in uu jaceyl ula il daranyahay gabar iyadana aan ka liidan oo ay wada jilayaan jaceyl macaan lakin waxa uu ii sheegay in in gabadhii mar danbe ay tagtay Magaalada Nairobi –Kenya halkaas oo ay ku noqotay line sugto waxa ay ku biirtay gabdho asaageeda ah oo isticmaala dawooyinka la isku dhaldhalaaliyo kadibna waxa ay ii soo dirtay sawiro aan u arkay in ay is badashay madab ahaan markii aan weydiiyey buu igu yiri sababta keentay in ay isticmasho Dawooyinkaas ayay ii sheegtay in ay ku qanacsantahay dhaldhalaalka cusub isticmaalka dawooyinka , waxa aana ka helay buuy yiri fariin ah in aan ku soo biro asxaabtooda iyadoo si kaftan ah ii tiri hadii aadan madabkaaga badalin xitaa waan is weyn ani iyo adi iyadoo ay saas tahay ayaa waqtiga iga dhacay maxaa yeelay waxaan joogay meel Café Internet ah kadibna waxaan ku balanay in aan mar labaad ku kulano hanaanka wadasheekeusiga MSNka si aan qodobkaan iskula meel dhigno.

Waxaana maalin kale isku aragnay qadkii waxa ay dhaar ku martay in aan is weeyneyno aniga & iyada hadaanan madakeyga wax ka badalin waxaan u haystay in ay kaftamayso lakin warki hore war soo dhaaf waxa ay iga soo wacday Tel gacanta waxaana ay si kulul iigu tiri wax ka badala madabkaga xitaa anaa soo dhibaya qarshka ama dawada aad isticmaalayso waxaana ka waaqsaday in xaalku yahay mid dhab ah oo ay gabadhu rub ka tahay waxa ay sheegeyso , kadib waxaan go,ansaday in aan la xiriirin ilaa ay wax ka baadlayso dhaqanka cusub oo ay iila timid anoo iyada si waalan u jecel ayaan door biday in an isku dayo in aan u jaro si aanay ii saamayn dhaqnka ay iigu baaqday oo aan anigba awalka mid ahaa dadka aan jeclayn gabdhaha is madab fooriya ayaa hadana waxaa igu timid fariin ah in aan anigaba isku dayo si aan u dhadhalaalo waa yab aduunyo intaad joogto waxaad arkaysaa wax walbaa .

Hadaba fariintaan ayaan waxaan u wadna anago ah asxabta www.somaliaction.tk dhamaan gabdhaha iyo wiilasha ka raadiyey qurux uusan ilaah sin dawo ay dad soo sameeyeen waxaana ku soo gabagabeyneeyna maqaalkeena aayada qur’aan ah oo si gaar ah uga hadlaysa danbiga qafka badal sida uu ilaa u abuuray wa aayada 118 ee suurada al_Nisaa oo leh ( ha badalina jirkina uu ilaah idin siiyey qofkii badlalaana waxa uu sxb ka dhigtay sheydaan ayuu leeyahay ilaa subxaanahuu watacaalaa.

Gababagada Maqaalkaan waxaan idiin dar daarmeynaa in aad ka fogaataan isticmaalka dawooyinkan oo ah kuwa aan ku fiicnayn Dinta,Dhaqanka, Caafimaadka iyo is dhaxgalka Bulshada

Antar Basha

Antar Basha


waxaa diyaaraiyay wariye cantar xasan bakar cantarxasan@hotmail.com

3 thoughts on “Baadi goobka qurux aadan lahayn naftaada halis ha’u gelin

  1. masha,alah waa mowduuc fiican waadku mahadsantihiin waaninta aad waanineysaan walalahiina soomaaliyeed ilaahay haka dhigo kuwa kawaantooba isbadalka ay kusameynaayaan midbka uu ilaahay udhaliyey

Fikirkaaga Dhiibo

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s