Arooska Qarsoodiga ah, Qudbo siro :: Doodwadaag culus ::


Aroos

Dooda Isbuuca::
Guurka Qarsoodiga ah ama qudbo sirada sida qof walba ay u taqaano waxa si wacan loogu arki karaa dhamaan gobolada Somalia Min tuulo magaalo ilaa baadiyaha marka maanta waxaynu ka doodeena arinkaas, dadka taageera iyo kuwa kasoo horjeedaba


Marka hore inta aanad dooda & su’aalaha u gudbin sheeko gaaban oo run ah kuna saabsan arooska qudbo sirada ah..

Waxaa jira yar reer hargeisa ah in uu sxb la ahaa gabar aad u qurux badan oo da’yar mudo dheer ka bilaabato markii ay 14 years eheed ilaa hada oo ay 18 years tahay ..

sxb tinimadooda ayaa waxa ay kasoo bilaabatay markii ay da’dooda qaan gaarka soo gashay, waxa ay isku bedeshay jaceyl, kadibna 2008 kii ayay hoos iska meher sadeen, ( qudbo siro)

gabadha hadii aan xoogaa ka faaloodo, ( waan arkay gabadha ) waa gabar xoogaa cad, aana gaabneen, qurux leh, hadana ardayad xishood badan oo degan ah, qofkii arka aananba is dheheen qoftaan hoos ayaa laga qabaa, damac ayaa kaa galaayo hadii aad aragto, really aad ayaad oga helee hadii aad indhaha saarto

okay, sidii ay isku qabeen ilaa mudo 8 bil ah waxaa dhacday in gabadhii ay u sheegto gabdho ay sxb ahaayeen, ayagana warkii waxa ay usii gudbiyeen gabadha cideeda, arinkii banaanka ayuu imaaday, hadana waxaa kaaga sii daran labada cid waa daris wiilka iyo gabadhaba , si wcana way isku yaqaaniin

gabadhii aabaheed aad ayuu oga naxay waayo gabadha waxa ay eheed miskiin aqyaar ah ardayad xishootana ah oo da’yar, gabadhii ka weeneed xataa wali lama guursan

Xabsi guri ayaa lagu xukumay gabadhii, wiilkiina waxaa la dhahay naga soo garbax waayo gabadha adigaa mehersatayee.

wiilka asigana waa arday ka baxay dugis sare, balse wax shaqo ah aanan heen, balwad na leh

arinkii wa isku cakirmay, wiilkii hada waxa uu aaday Jabuuti halkaa ayaa waxa loogu yeeray in uu ka shaqeesto

sheekada intaas ayay hada mareesaa waxa atna kashifmatay isla  bishan labaad bilawgeeda

Marka waxaan aad iyo aad u jeclahay in aan arinkaan halkan ku lafa gurno kana doodno …. soo dhawaaaaw fikradaadana halkan ka dhiibo

Su'aalo kooban

Su'aalo kooban

Aroos ka qarsoodiga ah sida la og yahay waxaa u badan dhalin yarada wiilal & gabdho, marka maxay tahay ujeedada 1aad ee qofka ku qasbi karta inuu arooskaas qarsoodiga ah sameeyo???

miyaanan loo baahneen hadii gabar laguursanayo in waalidkeeda laga doonto??

waalidku miyuusan xaq u leheen in uu ogaado gabadhiisa hadii la guursanayo??

maxaa ku jaban in gabadha marka hore dadkeeda laga doonto??

maxay tahay faa’iidada ugu weyn ee labada ka heli karan Arooskaasi Qarsoon ??

miyaanan laga cabsi qabin dhibka imaan kara maalmo iyo mudo yar kadib ???

gabadha hoos laga mehersanayo miyeesan ogeen in arinkan ay sameeneeso dhib oga imaan karo ??

Hadii ay isku dhacaan labada qof ee hoos iska mehersaday maxaa u danbeen doona xiriirkooda ??

Mustaqbalka gabadha maku Haboon yahay in hoos laga mehersado ???

Dhinaca Kale ::::::::::::::::::::

Dhinaca Kale

Dhinaca Kale

Waxaa Macquul ah in labada qof ay si fiican isku jecel yihiin ama ay dan weyn ka leeyihiin arooska qarsoon, hadii ay waalid u tagaana uusan waalidku ka yeeleen.
Marka miyaanan la dhihi karin arooska Qarsoodiga ah xiligaas oo kale waa lama huraan ??

Hadii aadan wax heesan gabadhana ay kugu rabto sidaa arooska qarsoona ay raali ka tahay maxaa diidaya in arooska la sameeyo??

hadii aad xiriir sameesaan gabar, damacna yimaado maxaa ku jaban si la isku xalaaleesto in xataa hoos la iska mehersado??

Arooska qarsoon soo faa’iido weyn uma aha labada dhinac gabadha iyo wiilka mar hadii ay dhib iyo sheeko dheer , waalid iyo arimo culus aysan galeen ??

Aroos

Aroos

 
BY: Ahmed Abdullahi Ahmed Kadiye
Info@somaliaction.tk
kadiye@somaliaction.tk

27 thoughts on “Arooska Qarsoodiga ah, Qudbo siro :: Doodwadaag culus ::

  1. dee gabadha yo wiil ka toona midna qalad maleh lakiin waalid ka gabadha ayaa xaladaa buuq kadhigya waayo hadii aanu wiilku gabadha biili karin cid ubiilasana aysan jirin ahdii ay awoodaan wa in ay isku hayaan ina ay iskmaamukayan hadii kale dee inan ku waa in uu ianan t fasaxaa

    • waa runtaa sxb abaha dhaley aya uugu daran wuu kaa hor istaaga jaceylka micnahayga adigoo jecel ayaa laga yaaba inuu nin kale ku daro midaasna wan necbahay waligeey

  2. ugu horayn waad salaaman tihiin aad ayaana ugu faraxsanahay falanqaynta dheer ee aad ku bilowday dooda
    intaa kaa kadib
    waxaan 100% ka soo horjeedaa qudbo sirada, waxaana ugu
    soo horjeeda sababo badan awgeed

    * ugu horayn horta anaga miyaynaan dad muslimiin ah ahayn
    jawaabta dabcan waa haa, hadaba aan is waydiino maxay diintu ka qabtaa qudbo sirada,
    hadii aan la is indho tirayn diintu way xaaraamtinimeesay gabi ahaanba xiriir aanan ahayn midka saxda ah ee gabadha reerkeda laga doonanayo, waan hubaa inuusan jirin qof ku raali ah in gabar aan soo bar baariyay soo koriyay waxna soo baray kuna soo tiin iyo tacab belay si hoose ha lagaga xado
    kaba soo tag diin e xataa damiirka bani aadamnimo ayaan ogoleyn in sidaas lagula dhaqmo aabe .

    * mida 2ad ee aan ku diidayo ayaa waxay tahay wali miyaad aragteen dhalin yaro isku mahersatay qudbo siro oo ku waaray arooskoodii kuna ilmo dhalay, waxaan oran karaa 98% waxa uu guurkan ku dhamaadaa kala tag iyo nacayb ay isku qaadaaan 2dii markii hore malabka iskaga macaana Siday sheeganayeen

    * damiirka mustaqbalka xataa ma ku siinaayo in aan ku qanco inay xaaskayga noqoto gabar aan meher xaday waayo waxay iigula raali noqotay markii hore inaan khiyaano aabeheed iyo ehelkeed marka maxaad u malayn in ay ilmaha ay ii dhali doonto ku abaabin doonto, jawaabtu waa khiyaano iyo is meher xad sideedii oo kale ah.

    * aan u wareego dhanka cilmu nafsiga
    ilaahay meherka maxuu horta raga ugu waajibiyay miyaad taqaantaa maxaadse ka aamin san tahay meherka? ma gabadha ayaad soo iibsan markaad meherka bixinayso mise wax kalaa jira,
    falanqanyta arinta way dheer tahay lakin aan soo koobo

    dabeecada ilaahay raga ku abuuray ayaa waxa ka mid ah in ragu ay jecel yihiin wixii loo qaaliyeeyo ama qiimo loogu yeelo
    hadaba marka ninka la leeyahay meher ka bixi gabadhan hadii aad rabto oo ay daacad kaa tahay waxaa halkaa kuu kala cadaan in hadii ay daacad ka tahay ninkan guurka uu quurayo wax walba oo uu ku gaari karayo helitaanka gabdhaas, waana uu bixin wax walba oo ay sheegato, lakin waxaa hoogtay oo is qiimo dishay gabadhii ku raali noqota in iyadoo
    qiimo leh ku raali noqota hoos u dhacan mehereed.

    waxyaabo badan oo kale ayaan sii hayaa insha allah lakin intan ayan kusoo koobi .

    Cabdulaahi cisman maxamed Kooreeye Nairobi,kenya

  3. gabar lama qudbo sireysan karo lakin garoob waa caadi diintana waa baneysay sababtoo ah bahal soo dhaqmay ayay wadataaa

  4. marka koowad bahda somaliaction waad salaamantihhin
    salaan kadib runtii doonaan oo kale umada aad beey ugu baahantahay
    maxeeyne ka sareysaa jahliga
    shaqsi ahaan aniga runtii maxaa isku mowqif nahay walaalka Cabdulaahi cisman
    maxaane sii racsiinayaa maxaa layiri lax walibo meehseey is digto ayaa lagu qalaa
    marka maxaa ula jeeda gabar walibo qiimo iyo karaamo ayeey leedahay waane sharaf in lasoo donto mise laweeydiisto walidkeed marka hadeey raqiis ku soo gasho runtii raqiisnimo ayee ku bexee marka maxaa haboon in gabdhada eey sharaftooda meel ugu dhecin,
    intaas ayaa ku soo kobayaa fikirkeyga
    wcs

  5. waa taageersanhay gudbo sirada waayo labada qof waxaa haayo shahwo marka ha la iska daadiyo oo ha la isku dangaaro ayaan gabaa yaan cid lagala tashan hada waxaan ku qabaa qudbo siro 58

  6. war aduunkaan daya qudbo siro aniga ayaa ku soo ilmo korsaday marka caruurta afka xun jawaab ma haayaane hana wareeysteeno oo hala tashteeno teeda kale waxaan rabaa naag madoow oo cayilan ee ila soo xiriir waxaan jooga somalia
    manso@hotmail.com

  7. waxaan filaayaa iney tahay qudbo siroradu tahay muhiin maxaa yeelay maaanta somaaliya waxaa ka jiro duruuf adag oo keentay inay wiilashu awoodi wayeen sooryo iyo aroos ay somaalidu jeceshahay iney ku baxdo qarash badan

  8. Qudba siradu waa mida keliya ee looga badbaadi karo in gabdhaha soomaaliyeed ay ku duqoobaan gabarnimada maxaa yeelay waxey u baahan yihiin guur si kastaba ha ku guursadeene

  9. marka koowad bahda somaliaction waad salaamantihhin
    salaan kadib runtii doonaan oo kale umada aad beey ugu baahantahay
    maxeeyne ka sareysaa jahliga
    shaqsi ahaan aniga runtii maxaa isku mowqif nahay walaalka Cabdulaahi cisman
    maxaane sii racsiinayaa maxaa layiri lax walibo meehseey is digto ayaa lagu qalaa
    marka maxaa ula jeeda gabar walibo qiimo iyo karaamo ayeey leedahay waane sharaf in lasoo donto mise laweeydiisto walidkeed marka hadeey raqiis ku soo gasho runtii raqiisnimo ayee ku bexee marka maxaa haboon in gabdhada eey sharaftooda meel ugu dhecin,
    intaas ayaa ku soo kobayaa fikirkeyga

  10. asc dhaman walalaha salan ka dib waxan halkan uga mahad celinaya dadkii isku howlay in ay arinkan nasoo garsiiyaan in tas kadib hadan nahay dhalin yarada somaliyed edaas wan lenahay. maxa yelay marka ay arimahan oo kale yimadan kama fekeran arinkan maxay diinteenu ka qabtaa.oo xataa walidkood uma bandhigan taasna shaqsi ahaan wan kasoo horjeedaa.gabdhuhuna wa masaaakiin oo arinkas kama fekeran.qarkoodna waxay leeyihiin wan is jecelnahay oo raali gelintii ay raali gelinlahayeen waalidiintood waxay ka door bidaan in ay raali geliyaan qof ay shalay si barteen taasna ilama qumana.ee gabdhayahow dib isugu noqda wiilashana waxan dhihi laha gabdhaha sidaa ka dayaa waa oo reerkooda kadoona hadii ay idiin diidan iskaga taga hadii ay idiin ogoladana falilahil xamdu. ee inta aadan ficilka ku dhaqaqin shareecadu maxay ka qabtaa arinkas culimada waydiiya fadlan hadii adan aqoonuleheyn.waxa qudbo siro ladhana wan kasoo horjeeda gabi ahaan mahadsanidiin

  11. walaal wax wax in laga doodo mudan aniga nafsad ahaan teyda mataa geer sani musaafurada waa wax xun maxaa yeeley gawar in taasoo sano la soo korinaayay oo cunto lasiinaayay in aad musaafureysato lkin hadaa waalidiinteeda kadoonato 3mar oo ay kuudiidaan waa musaa fureysan kartaaaaaaaaaaaaaaaa

  12. sc ugu horeyn waku mahadsantihin dhaliyaroy fikaradina kala duwan hadan usi guda galo dooda mida kowad wa in leys weydiiyaa muxu islaamku kaqaba aroska qarsodiga ah diintena islamka wey xarantinimeysay sidu rasulkena scw uku yiri xadiis nagti gursata ayado wali la’an ah nikaxeda wa baadil baadil baadil marka diintena sare ma ogla marnaba insharafta lagu ciyaro mida kale wan kuwaninaya qaaliyey sharaf kuma ahan inaa nin raacdo kadibna uukuso maharsado runti ilaah ban kudhaarte inuu uur kuyeelo ayu kugu inkiriya jidkana kaga tagaya horayna waxa loyiri geedki orad lagu fuulo orod aya loga sodagaa mida kale inwalidka laga sodonto ayad sharaf kuleedahay hadu ninki aad isjecleydeen kudiido meel un buu ninkas ku xunyahay walidka meel xun kulama doonaya marnaba marka abaayo macaanto wan kujeclahay runti is ilaali waraabayaal tira badan aya jira o gabadhiba sharaf leh doonaya in ay sharaf tiraan runti waxey tahay mar waliba inu ninkii ku qarsaday uu dhibato saa usi badan lakulmi donin qofka jabay wa adiga haba ugu horeyso sharaftada o ad waysay wiilasha walalaheyga ahna waxan kula dardarmaya ineysan gabdhaha qudbo sireysan sababto ah gabari wa miskiiiin ad ayey ucalol jilcantahay hal mar intad indhaha basbaas somarsatan kadibna ilmeysan (cashan ilinta run maba idinka imaaneesee) o wan kujeclahay wan ku mehersanayaa ad dhahdaan runti kama dideyso!. inta ayan uga baxay sc.

    • horta tii gabar aheed wali ma arag wax ka calool jilcan walahi walshay fatuma ahmed seey shegaysay waaye basbaas ayaad indhaha soo marsan kadibna waan ku jeclahay ayaa ku filan ani figrad ahaanteeda khudba sirada aad iyo aad ayaan u tagersanahay madama aan saddex cunug oo dhalay qudbo siro ku dhasheen

  13. Asc, salaama dhamaan qaraabo maryooley, rayigeyga qudbo sireysiga waan taageersanahay maxaa wacay guurkii waa yaraadey sinadiina waa badatay, gabdhaha iyo waalidkood baa ka masuula aniga 12000 dollars ayaan isu keenay gabadha aan jeclaa hooyadeed waxy tiri no soo biiri lacagta hadii kale iska tag, gabadhii waxaan iri hooyadaa ma la qabtaa waxy tiri haa, marka sidii baan isku wayney aabaheed wuu ka xumaa wixuuna igu yiri la baxso habartana ha u sheegin inaan wadahadaley, hada 12000 qaar baan sii cunay walina waxbaam GOP ayaa.

    Abdi Ali
    Atlantic city NJ USA

  14. Anigu hada waxan qabaa gabar aan iskuqabno qarsoni waxana igu qasbay waxla’aan gabadha cideduna waa cid tajirin ah haday maqlan in gabadhoda xarirlenahana iskadhaf inay aqbalane waxan qatar u ahay inla dilo hada waxan isqabna 1sano waxan deganahay on joga Gobolka Hiiraan Beladweyne

    • waa qatar arinka qudba sirada balse ani waxan qaba labada is qudba sirey saneyso daruf aya u gey neyso oo walidinka loo shegi karin marka waxaey ku qas ban yihin sidey isku heli karan in eey radiyan

Fikirkaaga Dhiibo

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s