Taariikhda Maalinta Valentines Ama Maalinta Jaceylka Aduunka Iyo Maanta oo kale


Valentines Day
Valentines Day

Bisha febuary 14 ayaa looga aqoonsaday in ay tahay maalinta jecelka aduunka,
waxaa laysku diraa salaamo, ubaxyo, hadyado ay is dhaafsanayaan lamanaayasha
is jeceli. Hadaba maxay tahay waxa ka danbaya dabaal dagan iyo xaflada maalintan oo kale?.

Waa suaal jawaabteeda wax badani mugdi ku jiro, waxayse
aynu ognahay in bisha febarary maanto kale ay noqotay maalinta jecelka
kalgacalka iyo xiisaha la xuso.Hadaba ereyga Valentine’s Day waxaynu ognahay
in uu macnaha ahaan u dhandhamayo in uu ka mid yahay Christianka ama ka sooo
jeedo cadooyinkii hore ee Romanska. Hadaba kumuu ahaa Valentines? sideese
layskugu xidhiidhiyey xuskan qarniyada jira ee jecelka lagu xuso iyo
isaga?.Ilaa imika kiinisada Catholick waxay u ictiraafsantahay in la odhan
jiray ugu yaraan in ka badan sadex wadaad magacan valentine kuwaas oo ahaa
siday sheekeen ahaa shaahidiin.

Sheekada qaar baa odhanaya Valentine waxaa uu ahaa wadaad kasoo diinta iyo
wacdiga faafin jiray qarnigii sadex iyo tobnaad. Markii boqorkii Claudius
labaad uu go’aan saday in askari la qoro raga aan xasaaska lahayn oo uu ka
doorbiday kuwa reeraha leh. Waxaanu ka madnuucay dhalinyarada yaryari in ay
guursadaan kuwaas oo u ahaa kayd cidan oo ku ilaashado awoodiisa. Wakhtigaas
baa ninkan Valintine dareemay cadaalad darada wareegtadan uu boqorku
dhalinta kaga madnuucayo in ay guursadaan, Waanu iska indha tiray waxaanu
bilaabay in uu guursado gabdhaha yaryar ee laqanka il qabatiga ah ee
wakhtigaa aad ka u quruxbadnaa kuwaas oo hoos u guursaday. Hadaba markii
sheekadii Valentine ay soo shaacbaxday in uu hooshoos u qabo dumar badan.
Waxaa uu boqorkii amray in la dilo sidaasbaana lagu khaarajiyey Valentine.

Sheekooyin kalena waxay sheekagayaanin Valentine in sababtii loo dilay ay
ahayd isagoo isku dayey in uu caawiyo wadaadii chirstanka ahaa ee isku dayey
in ay ka baxsadaan xabsigii adkaa ee Romans halkaas oo inta badan maxabista
si xun loo jidh dili jiray.

Marka la eego sheeko kale ayaa iyana odhanaysa ,Valentine dhab ahaantii
salaantii kalgacalka iyo jecelka loogu magac daro salaanta Valentine waxaa
uu u diray naftiisa. Markaas oo uu ku jiray Xabsiga, waxaa la rumaysan yahay
in Valentine uu jecel baasi ku dhacay wakhtigii uu jeelka ku jiray oo u
jeclaaday inan aad u da’a yar una qurux badnayd.Taas oo ahayd gabadh uu
dhalay ninkii xabsiga wakhtigaas haystay, taasoo soo booqatay wakhtigii uu
ku jiray meeshii lagu hayey. Ka hor hadaba dhimashadiisii. Waxaa la sheegaa
in uu waraaq u qoray iyada, taas oo ku saxeexay, ‘ka socota Valentinekaagii,
halku dhaagaas oo ilaa iyo hada sida alxanka ugu dhagan salaamaha maanta oo
kale si aadana loo isticmaalo. Walow hadaba runta gunteeda aanay wali cidi
si fican u daahfurin,sheekooyinka oo dhan marka laysku soo min guuriyo waxay
u badinayaan uun codsigiisuu uu ku adkaysnayey in loo yeesho nugal iyo
damacsanan qofkasta oo jecel hayo, kalgacalka la sabo la habo oo aan la
baylihin.

Wax lala yaabo may noqon in Valentin uu ahaa wakhtigaydii hore aan
ilbaxnimada dunida maanta taal ool inu uu ahaa mid ka mida wadada aadka uga
caanka ahaa England iyo France.England ,Maalina Valentines aad bay uga caan
ahayd ku dhawaad wakhtigayadii qarnigii todobaad , ilaa bartamihii qarnigi
sideedaad. Waxay noqotay wax la caadaysto oo dadka saxiibada ah iyo kuwa
sida aadka isku jeceliba dhamaan qaybaha bulshada oo dhami ay is
waydaarsadaan kalgacal iyo xiiso badan kuwaas oo iskugu diri jiray waraaqo
ay gacanta ku qoraan, halka maanta tadawarka caalamku badalay in post cardo
si quruxbadan loo dabacay laysku diro. Maraykanka ayaa ahaa kii bilaabay in
card Valentines Day ah oo gacanta lagu sameeyo layskugu diro 1700. Halka
1840 wakhtigaas baa uu Howland bilaabay in uu iibiyo cardkaga Valentines
Day.

Sida ay sheegeen ururka carkdka salaamaha layskugu diro sameeya, waxay ku
qiyaaseen in ka badan hal bilyan oo cardhadh ah in laysku diro sanadkiiba,
taas oo ka dhigaysa Valentine’s Day maalinta labaad ee sanadka ee ugu
cardhadh dirka badan( Halka maalinta Chrismaska Cardhadhka la diro ay
qiyaastii yihiin 2.6 bilyan card). Hadaba waxaa aad u xiisa badan in
boqolkiba shan iyo sideetan cardka la iibsado maalinta Valentiine ay
iibsadaan haweenku.

Hadaba sida la rumaysan yahay waxaa la xusaa oo loo dabaal dagaa Valentine’s
Day 14 Feberuary,si loo xuso sanad guuradii ka soo wareegtay markii la dilay
Valentine. Taaso qiyaastii noqonaysa 270 ka dib dhimashadii cise . Qaar kale
waxay ku andacoodaan in Kiniisadaha Chiristanku ay u goaamiyeen in
maalintani Valentin ay noqoto bartamaha February si ay u loo xuse wakhtigii
la gaalaysiyey Lupercallia oo ahaa wakhtiyadii hore oo ku siman
Roomaniskii,Sidoo kale bisha February waa bil ku bilaabmata wakhtig
barakaysan taasoo ay u qateen in ay tahay bishii is daahirinta.Guryaha ayaa
la nadiifiyaa la cadriyaa la qurxiyaa halkaas oo lagu shubo milix iyo
hadhuudh kaas oo lagu baahiyo dhaman guriga hoostiisa oo dhan, Sidoo kale
maalintan February 15 waxaa iyana ay u doorteen in ay noqoto maalintii
bacriminta xaga beeraha taas oo ay u haneeyeen wax ay ugu yeedhaan ilaha
roman ee beeraha,iyo sidoo kale asaasayaashii Romaniska ee la kala odhan
jiray Romulus iyo Remus.

Si loo bilaabo hadaba xaflada kooxo ka socda Rominska oo wadado ah ayaa
iskugu soo baxaya god barakaysan halkaas oo yaryarykii ay dhaleen Romulus
iyo Remus, oo ahaa asaasayaashi Roman, la amiin sanyahay in lagu hayn jiray
laguna barbaarin jiray oo ay waliba yey u ahayd mid gaadhka ka haysa si loo
amiinsiyo dadka Romanista ahaa labadan nin mucjisooyinkii ay lahayeen.
Dabadeed waadaadu waxay gawrici doonaan Ri’i loogu sadqaynayo sababta loo
qalayana ay tahay Bacriminta beeraha iyo Ayga si loo daahiriyo.

Dhalinta siiba inamada ayaa inta ayaa inta ay haraga riyaha marka laga saaro
oo inta laga dhigo sidii sumam oo kale ayaa dhiiga la dhex galin jiray,
dabadeed hargihii oo sumam oo dhiig la dhex galiyey oo dhiiga ka dayo ayey
la dhex mari jireen wadooyinka, dabadeed markaasay si qunyara oo aan xanuun
lahayn ugu dhufan jireen dumarka, dumarka oo iyaguna soo dhawayn jiray
taabashada la taasbiyey suunka dhiiga leh kamana ay cabsan jirin, waxayna
rumaysnayeen in ay barako tahay sanadka soo socdana ka dhigi doonto mid
barwaaqo ah.Marka galinka hore xafladaasi dhacdo ayaa galinka danbe gabdhaha
gashaanitihii iyanaguna isku soo bixi jireen halkaas oo magacooda ay ku qori
jireen meel waayn oo xadabada ama gidaar loo asteyey in lagu qoro magacyada
ay ku qori jireen magacooda, halkaas oo doobabku ama guurdoonku ay ka
xulanjireen magaca ay rabaan akhirkana layskugu dun xidhi jiray gabadha ay
ka cashaqeen goobtaas.

Daud Gilingil
Ireland
gilingil@hotmail.coml

::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::

BIG THANKS TO
C/Fitaax Cali Samatar
sablale@hotmail.com
::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::

4 thoughts on “Taariikhda Maalinta Valentines Ama Maalinta Jaceylka Aduunka Iyo Maanta oo kale

  1. waxaan laqaysanayaa cid kasta oo aduunka ku noo oo dareemaysaa jacayl gaar ahaan soo maalida waxaan kaloo aan ku wanaag sanahay inaan katalo bixiyo

  2. aniga waxa ila tahay aad iyo aad ayaan uga soo horjeedaa maalintan waayo waa arin aad iyo aad u xun dee cidii is jeclna maalintii ay doonaan ayay isku hadyadaynayaan amaba is arkayaan wl haddaynu muslim nahay waliba somaali nahay yaynaa gaalo isku eekaysii waana iga waano

Fikirkaaga Dhiibo

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s