Sidee Qofka Dhalinyarada Dhalinyarada ah ku dhisan karaa Mustaqbal midka ugu fiican?


Talo iyo Fikrad
Talo iyo Fikrad

waxaan jeclahay in aan su’aashaas usoo bandhigo asxaabta websiteka booqata si ay fikirkooda iyo talooyinkooda ugu soo gudbiyaan dhalinyarada Somalida ah ee jecel in ay mustaqbal hagaagsan helaan , marka aqriso talooyinka iyo fikradaha wacan ee asxaabtaan adiga taladaada iyo fikradaada ku darso

 

Welocme aboowe /abaayo

 

Asalaamu calaykum waraxmatulaahi wabarakaatuh

 

Maadaama aan dhalin yaro nahay , dhalinyarada Somaliyeedna aduunka dhinacyadiisa ay kala joogaan , dhamaantoodna ay mustaqbal fiican raadis yihiin

 

waxaan kaa codsanayaa in aad wixii talo ah ama fikrad fiican ah ee aad usoo jeedin leheed asxxaabtaas kusoo gudbiso halkaan

 

ayadoo taladaada ay aqrisanayaan dhalin yaro badan oo talada aad adigoo walaalkood ama walaashood ah u gudbiso ay qanci cin doonto

 

waxaad talo ama fikir siin kartaa dhamaan qofkii aad is dhahdo sidaan hadii uu sameeyo mustaqbal fiican ayuu heli lahaa ( bi idnilaah )

 

Sida dhalinyarada Joogta Caasimada iyo gobolada Somalia

Dhalinyarada Kenya , Ethiopia iyo wadamada kale joogaan ee leen sugitaanka ku jiraan

Dhalinyarada Somalida ah ee wax barashada ku jirtqa

kuwa tahriibka ku jira

iyo dhalinyarada qurbo joogta ah, kuwooda xamaasha iyo kuwooda wax barta iwm

 

kaliya meesha hoose ku qor magacaaga e-mailkaaga iyo fikradaada si toos ah ayadaa webka usoo galeesa asxaabta kalena waa ay aqrisan kaaan insha allah

 

THNX

 

waa axmed cabdullahi axmed kadiye oo idin leh Talooyinkiina iyo fikradihiina dad ayay wax tar u noqon karaan hadii uu ilaah idmo

 

wixii kaloo qaladaad ah ama fikrad guud ah noogu soo hagaaji e-mailkan

 

 

30 thoughts on “Sidee Qofka Dhalinyarada Dhalinyarada ah ku dhisan karaa Mustaqbal midka ugu fiican?

  1. Wadan waliba waxaa dhiso dadkiisa gaar ahaan dhalinyarada ayaa dawr weyn ka ciyaarta muujinta bilicda dalkooda hadey ahaan laheed dhinaca waxbarasha ama dhinac kasta ee hormarineed,

    SIDEE LOO WACYI GALIN KARAA DHALINYARADA?.

    dhalinyarada somaliyed ee maanta badankooda waxaa lagu tilmaami karaa in ey suuxsan yihin ama eysanba la socon dawrka looga baahanyahay waxaadna arkeysaa dhalinyaro waqtigooda ku luminaya daawashasada ciyaaraha noocyadooda kala gadisan ama ka sheekeynta kooxaha .
    dhalinyaro kale ayaa jirta kuwaas oo xoogga saaray sida ey shahaado jaamacadeed gacanta ugu dhigi lahaayeen kuwaas ayaa dhaamo wax badan kuwa waqtigooda ku lumiyo faa’ido darada

    dhalinyarada wax barata ayaa ah kuwa maanta shacabka uu ku tashanayo ama ah hogaamiyayaasha mustaqbalka

    Somaliya waxa ey u baahnatahay maanta dhalinyaro qalbi saafi ah,wadan jaceyl,qabil la dagaalan,iyo diin jaceyl uu ku abuuranyahay qalbigooda

    waxaana haboon si loo waci galiyo dhalinyarada somaliyed in marka hore lagala dagaalamo qabiil si xun u adeesiga ey aaminneen qaar kood .

    Waxaana allaah ka baryeynaa in dhalinyarada somaliyed uu dareensiiyo tusana sida dhalinyarada dunida ey uga dhax muuqdaan shacabkooda dawrkoodana ey ka qaataan dib u midenynta shacabka gaar ahaan sidi ey isugu keeni lahaayeen dhalinyarada kala firidhay .

  2. marka hore wax aan salaamayaa dhamaan dadwaynaha somaliyeed meelkasta oo ay joogaan gaar ahaan shacbiga somaliland aniga oo magacaygu yahay khaalid yuusuf c/laahi kuna nool caasimada hargeisa ee somaliland
    intaa kadib hadaan u dhaadhaco mawduucan aan doonaayo inaan u faa ideeyo dhalinyarada somalida ee doonaya inay raadsadaan mustaqbal kooda ama jeceyl kooda dhawr qodob walaal
    1= inay dabeecadooda wanaajiyaan habdhaqanka ay inanta ku soo jiideanayaana ay wanaanjiyaan
    2= inay ka raacaan inanta dhawr meelood
    a) xaga diinta say inantu ku tahay
    b) dabeecada say ku tahay
    c)quruxxda say ku tahay
    d) dhaqalaha say ku tahay
    qodobka ugu muhiimsani waa diinta say ku tahay

  3. walaal waan ku salaamay salaan tan ugu qiimaha badan salan kadib axmad kadiye waxaad tahay wiil aad uwanaagsan adiga ima taqaanid ee aan isku kaa sheego magacaygu waa sakariye cali cabdulaahi dheen waxaana ku noolahay magaalada jigjigo ee dalka ethoipia walaal waxaan ahay wiil aad uxiiseya wabsedkada waxana ku arkay buug jacayl ah oo aan aniga qoray waa buga jacayl iyo lacag midkeeba awoodbadan waxaana hoosta ku qoran buuga waaxan ubaahanahay qoraaga buga in aan waraysi ka qaado waxaa sidaa yiri wiil layiraahdo siciid marka walaal aad ayaan ugu baahanahay in aan adinkaba aan kula soo xixiiro marka walaal iga raali ahaaw maadama aan meel logu talagay figrad in aan wax kalo loobahnayn aan soo galiyay marka figradaydu waxaay tahay dalka aan ku noolahay ee itoobiya waxaa lagu qiyasa 30 qofba in uuqabo aydhis marka waxaan ka waani lahaa dhalin yaradada somaliyed melkasta oo aay joogto ha iska ilaaliso galmada xaaranta ah waxuu igala soo xiriri karaa siciid ciwaan kan saki1_12@hotmail.com jawaab ayaan kaa sugaa walaal byyyyyyyyyyyyyyy qore ; jacayl iyo lacag midkeeba awoodbadan byy

  4. Bismilaah magaceyga waa ismail omar afgoye waxana ahay arday ku nool dalka kenya qaasatan nairobi waxaan jiraa 20sano intaas ka dib marka hore ilahey ayaa mahad leh ilaaheyga noo suurta galiyay inaan figradena wax ku oolka oo anfaceyso dhalinta soomaliyeed halkaan uku soo gudbino waxaa kaloo meyshaan uku mahadnaqayaa akhuuna ahmed oo juhdin weyn ku bixiyay sida uu dhalinta soomaaliyeed u ifiyo wadada mustaqbalka waadna ku mahasantahay akhuuna ahmed. Hadii aan u kudub kalo figaradeyda inkasto aan ahey nin tala yaqaan ah laakiin inta karaankeyga ah waxaan dhihi lahaa dhalinyaroy hadaad rabtid ciso sharaf inuu mustaqbalkaaga wanaagsanaado ilaahey ka baq waxuu ku faray sameey waxuu kaa reebay ka har kaliya hormarka waa intaas hadaad ilaahey waxuu ku faray raacdo waxuu kaa reybana ka harto aduun iyo aakhiro waad liibaaneysaa salaadana ku dadaala iska dhaafa wax yaalaha maanta inta badan curyaamiyay oo ay ka hormari waa yeen waan balwada sida qaadka,sigaarka i wm kuwaasi wuxuu nusqaamiyaa hormarka mustaqbalka wuxuma mugdiga ka dhigaa mustaqbalka waxaan nafdeyda xun iyo nafaha iyo dhalin yarada uku dardaarmayaa inay ilahey ka baqaan kana fagiraan mustaqbalkoda hormarkooda kana foojignaadaan waxyaalaha curyaaminaayo mustaqbalkoda wabilahi towfiiq wscww

  5. Walala wan kusalmay magacaygu waa axmed salim waxan kunolahay wadanka kenya qasatan nairobi town webkaan aad ayaan uxiise hadii an usoolobto fikirkayga salimka ah umada dalin yarada waxa kula talinaya in ugu horayn ay eeba kabaqan tan xegta qofkasta oo dhalinyara waxka dhaa dhacsan intabada tahriib samee lakiin waxan dhihila dhulka aad asagaa hormar kugare hadii ad daashid show hard work.

  6. WAXAAN IDIIN SALAAMAYAA SALAAN AAD U MUHIIMAA SALAANTAA KA DIB WALAALAYAAL HORTA HADAY MUSTAQBAL NOQOTO WAA WAX QAALI AH DHINACKASTA HA AHAATEE MARKAA TA HADA MEESHA TAALAA WAA SIDEE BAAD KU DHISI KARTAA FUTURE ? HADAAN ISKU DAYO INAAN KA JAWAABO SUAASHAA MUSTAQBALKAAGA WAXAAD KU DHISI KARTAA ADIGA OO WIXII XUN ISKA ILAALIYA HADAY BALWAD AHAYD IYO HADII KLAEBA KOLAYTO WAXA XUN LA IDIN BARI MAAYO HADA WAAYO WAAD GARANAYSAAN INAAD KU DAYATAAN QOFKA AAD IS LEEDIHIIN KAASAA WADO FIICAN KU SOCDA ADIGA O AAN EEGAYN WAXA UU YAHAY AMA QABIIL HA NOQOTO AMA WAX LA MIDA TA KKALE EE AAN KU DARAYAANA WAXA WEEYE INAAD GUUR XALAALA AAD IS GUURSATAAN HABLO IYO INABABA INTAAS AYAAN IDIIN SOO JEEDIYAY WALAALAYAAL HABLO IYO INABABA BYE BYE

  7. dhaman dhalanyarada somaliyeed wan idin salamay mel kasta oo aad ka joogtan.magacayga wa abukar ibrahim waxan ku nolahay k/africa. waxana jiraa 18yrs dhalanyarada somaliyeed waxan kula talin lahaa in ay ka baqan ilah idin abuurtay wuxu inga rebeyna ad ka hartaan .waxa wanaag ah u farayna ad sameysan Sidas ayad hormar iyo wanaag ku gaari kartaan mida kale dhalanyarada somaliyeed.Waxay dhibato ka haysataa wax aqriska la aan wayo xaga wax aqriska way ku liitaan ama maba xiseyaan 90%. qofka wa in u wax aqriyo si ay maskaxdisa ay u korto amaba si u waya aragnimö u ad u heshid wax yaba badan oo ad garanaynin. ad kororsado wayo aqoontu wa adigoo heley macluumaad sax.*****by aqyarta

  8. asalamu calaykum dhamaantiin walaal
    walaal hadii aan raiyigayga dhiibto
    walaal waxaan qaba maanta inaynu nahay dadka ugu nasiibka xun umada koonka kunool maxaa yelay waxaynahay umad uu doorsamay dhaqankoodii nasiibkoodi dadnimadoodi oo unool inay ahaadan qaxoonti ku ah dalala kal lon adaba maray wadankooda macaddantisa
    walaal waxa xaqiiq ayh hadii aynu sidaa kusii jirno oo dadkenan loo dabulo dibadaha iyadoo loogu gabanayo qaxoonti in inala dabi maryo shaki kuma jiro ee hadaynu nahay dhalinta wadanka inaynu samaynu waxyaalo muuqda waxaana wada ognahahy inteena akhrisa tarikhda in dadii kadanbeeyay xornimadii wadanka iyo dhisidiisa ay ahayd dhalinyaro is xilqamay ana maanta waxaan amisanahay inaynu maanta taas sameen karno waxa tusaale inoo aha SYL(somali youth leaders)

  9. waxa marka hore mahad is kaleh alaah marka xigtana dhamaan bahda ka saxafiyinta ee ka howl gala webkan qiimaha iyo qaayaha badan ee u adeega umada somaliyed
    waxan leeyahy talo adiga ayaa ku nool ee eyadu kugama noola talana waa tii rabi
    dhalinta waxan kula talin lahaa midkii shaqaysanaya waxa uu heli karaa waqti uu wax barto midka buufisku hayana sido kale marka mar walba maba lawaynayo waqti aad wax ku baratid ee jadwalbkada yoomigaa ama malinlaha ah geli inad wax xariiqato waxana hubaal ah 10 daqiiqo oo qura hadad wax baratid inad ku fa’idaysid hana is dhihin waqtigu waa dheryahay ee hada ka dib miyad wax baran kartaa ama aad fasal hoose ka bilaabi kartaa balse waqtigu waa sida sayf oo kale oo hadadan goyn isaga ayaa ku jaraya marka adiga oo shaqaysanaya ayaad hadana wax baran kartaa sideedana wax barashada lagama waynado oo maah maah carbeeda aya dhahaysa raadiya cilmiga laga bilabo marka aad dherabta hoyadaaa ku jirtid ilaa iilka lagaa dhigo
    marka adiga hadad barano inyar oo xitaa nolol malmedkada ku raadsan kartid wax ayaad baratay balse hadana mar walba hajoojin inad wax barato
    hadna waxan itaas idiin racinayaa in mantay meel kasta ay aqoontu taalo wagii hore mesha loo raadin jiray shiiq masjidku dhex jira oo kale ama meelo qaas ah
    mantay netka kaliya inta aad fadhiso ayad wax badan aad baran kartaa oo aqoonta oo idil asaga ayeey hada k u soo aruurtay sido kale waxad wax ka baran kartaa meela kale oo badan marka waxan leeyahay dhalinta waqtigu waa dahab ee aan ka fa’idaysano ilahayna asaga oo ka hadlaya dadka wax bartay iyo kuwa aan wax baran ayuu yiri
    ma simanyihiin kuwa wax yaqana iyo kuwa aan wax aqoon marka waaa maya
    aqoontu waa iftiin jahliguna waa mugdi marka iftiin aan jerina halka uu joogaba
    akhyaarta aad aayan idiin salamayaa iyo dhamaan shaqalaha webka

  10. walaalayaa aad ayaad ugu mahadsantihiin sida wanaagsan ee aad dadka hurdadu khadka ka saartay ad u baraarujinaysaa waxaan idin leeyahay walaalayaa add ayaad ugu mahadsantihiin halkaa kasii wada waxaan rajaynayaa in dad badani ka faa’iidaysan doono qaar badanina ka faa’iidaysteen waadna ku mahadsantihiin walaal.

  11. ciid muubaarik kkkkkkkkk waa riwaayad dunidani dadkuna waa metelayaa walaalayaal meelkasta oo aad joogtaan waxaan idinleeyahay ciid wanaagsan caafimad ku ciida sanadka sandkiisana illaahay bash-bash iyo baraaqo ha inagu gaadhsiiyo.

  12. runtii aad ayaan u mahadsan tihiin dhalin yarada xil iska saaray webkaan iyo somali o dhan,talada iyo fekerka aan dhiibanayo wexey tahay saan, runtii habnololeedka beni aadamka wuxuu ka kooban yahay dhowur waxyaabod, hadanse ka bilaabo somali ahaan waxaad modaa nolosheena iyo jiritaankeena inuu sii lumaayo maalinba maalinta ka damayisa,maxaa qaldan marka? bal qof kasta hayis wediiyo ka bilow naftaada meel kasta joogto,maxaad u baahan tahay, dabcan wax kasta o qof beni adam u baahan yahay, ayaa ku jawaabeyisaa,jidkee loo maraa marka?inaad hesho meela ku nolaato, o adiga iska leedahay,waa halkee dalkaaga, waxaa laga yaaba inaad ku jawaabto dagaal ayaa ka jiri iyo waxyaabo la mida,maaha sas arinta,inaga ayaa isku wadna dhibka runtii waxaan aminay nolol qaldan, waxaan u hogaansanay dad yar o qaldan, ma dooneyisa inaad noloshaan ku gabowudo?maya ayaad leedahay dabcan see ku heli kartaa mid ka duwan dalkaaga o hagaaga< hadaba hadan nahay dhalin yaro waa in aan samayisanaa raasu maal xaga nolosha ah kaaso ka kooban dal wanaagsan dad wanaagsan iyo nolo wanaagsan, waa in aan iska deyinaa dagaalka iyo tageeradiisa kuna noolano is jacayil iyo wax wada qabsi dhab ah, iskana qabana dadka yar oo xun hadan nahay dhalin yaro,waxaan dayacnay dalkeeni dumarkeeni iyo ciyaalkeeni, dabcan markaan sas leeyahay dhab ayey ila tahay waayo gurigeena hadii eyinaan inaga hagaajin cid inoo hagaajin karta malaha,qof kasta waa inuu ficil ahaan u samayo waxa uu jecel yahay o ah dadkiisa dalkiisa caruurtiisa hooyadiis iyo aabihiis iyo eheilkiisa , intaas iney nolol wanaagsan ku nooladan waxaa naga xiga wey sahlan yihiin waa qalbiiyadeena iyo xogeena o aan isku daro dabcan qof kasta waa samayin karaa, wa bilaahi tofiiq

    • magaceygu waa Abdi Nooloow waxan halkan ka salaamaya dhaman somali weyn meel walba ee dunida ka joogdo iyo bahda saxaafada ee wabkan iskaleh dhaman waxan idinku salamay slaanta islaamka Asc, hadii aa kuda kalo mowduuca laga hadlaayo oo ah sidee qofku ku dhisan karaa mustaqbal,marka ugu horeeso waa muhiim ina noqoto qof aqlaaq badan si kaaga amaan helaan qof yar iyo qof weyba, waa in maskaxdaada la tashato mar walba si aad u ogaado waxii fursad ah oo kaa tagay waa in fursataadi qaaliga ah kaa lumin hadii ey horay kaaga luntay waa inaadan ka harin ilaa aad ka guul keento nin walba oo dunida magac weyn iyo maalba ku leh waxoo ku gaaray tadaalkiisa iyo aqoontiisa, qof walba waa in uu ku xisaabtamaa kumiitarka wax walba aan ku keedsano in ey sameeysay maskax bil aadan, maskaxdaasi oo kale ayaa alla na siiyay waa in aan ka shaqeysiinaa si aan wax walbo oo maskadu soo saari kardo aan u helno waa in aan aqoon yeelano mid diini ah iyo med aan caalamka wax kula qeebsano hadii aan somali nahay waxa maskaxdeena ka buuxdo qabiil iyo cuqtat oo anaga dhaxdeena isku qabno hadii aan intaa oo dhan maskaxdeena laga waayo waxa noqoneenaa kuwa caalamka wax la qeebsado oo caalamka laga citiraamo lkn inta ey cuqtat iyo qabiil maskaxdeena ku jirto lagama yaabo ina mustaqbal yeelano mustaqbalkeena waxa ku soo dheelay adeer yaasheena iyo awoowa yaasheena hadii ay qabiil iska dhaafi lahaayeen qarankeena ma tumeen hadana waxa maskax iyo aqoon iyo qaran aan ku yeelan karnaa waa in qabiil iska deeynaa aana isku samaxnaa

  13. asc all,waxaa laga yaaba inaad aragto maalin kasta markaa ka baxdo gurigaaga dad somali ah o dhibaatayisan waxaa laga yaaba maalin kasta in aad maqasho war aan ku farxad gelin o somali laga sheego waxaa laga yaaba iney indhahaga arkaan dad somali ah o baahan waxaa laga yaaba inaad aragto kuwa dhimanaya ama dhaawac ah, waxaa dhici karta intaas dhan markaad aragto inaad dhib iyo xanuun dareento, is wedii maxaa lagu daawayin karaa, dabcan daawada wey fududahay, waa inaad ka tanaasusha hada aaminsanayid siyaasad qabiil, waa inaad ka tanaasusha hada qof gooni u tageeri jirtay, waa inaad joojisa hada dhaqaale ku bixin jirtay dagaal iyo siyaasad qaldan, waa inaad kasoo hor jeensata ururada kala duwan o jira, waa in ka dhigata siyaasad iyo yool hagaajinta dalkaaga, tageer danta guud weligaa iyo wanaaga,dadkaaga somaliyeed isku mid hakuu noqdaan,kasoo hor jeenso talooyinka xun xun iyo danaha gaarka loo leeyahay,dhaqalahaga ha noqdo mid ku baxa danta guud dadka dhibatayisan iyo tan dalka,taladada ku bixi meelaha wanaagsan sida webkan o kale,soona ban dhig fekrada wanaagsan, waad mahadsan tihiin ,

  14. asc all,waxaa laga yaaba inaad aragto maalin kasta markaa ka baxdo gurigaaga dad somali ah o dhibaatayisan waxaa laga yaaba maalin kasta in aad maqasho war aan ku farxad gelin o somali laga sheego waxaa laga yaaba iney indhahaga arkaan dad somali ah o baahan waxaa laga yaaba inaad aragto kuwa dhimanaya ama dhaawac ah, waxaa dhici karta intaas dhan markaad aragto inaad dhib iyo xanuun dareento, is wedii maxaa lagu daawayin karaa, dabcan daawada wey fududahay, waa inaad ka tanaasusha hada aaminsanayid siyaasad qabiil, waa inaad ka tanaasusha hada qof gooni u tageeri jirtay, waa inaad joojisa hada dhaqaale ku bixin jirtay dagaal iyo siyaasad qaldan, waa inaad kasoo hor jeensata ururada kala duwan o jira, waa in ka dhigata siyaasad iyo yool hagaajinta dalkaaga, tageer danta guud weligaa iyo wanaaga,dadkaaga somaliyeed isku mid hakuu noqdaan,kasoo hor jeenso talooyinka xun xun iyo danaha gaarka loo leeyahay,dhaqalahaga ha noqdo mid ku baxa danta guud dadka dhibatayisan iyo tan dalka,taladada ku bixi meelaha wanaagsan sida webkan o kale,soona ban dhig fekrada wanaagsan, waad mahadsan tihiin ,

  15. asc asxaabta qaaliga ah dhamantiin iga gudooma salan aad u qaalisan aniga fikrad ahan dhalinta soomaalida wa kuwa dalka hagaa jinkara doorwalba wa hormudka dalka sidaa dartde dhalinta waxa muhim ah in ku xisaabtaman wadciga lagu jiro maahan in ay doorkoda ilaabeen talo ahana sida ayaan oranlahaa mar kale dhaman dhalinta soomaaliyed aad baan u salaamayaa

  16. ascmagacaygu waa sucaad aadan nuur ku noolahay helsinki caasimada wadanka filand walaal aad iyo aad ayaand u mahadsantihiin dhamaan akhristayaasha,waxaan kaloo u mahadcelinaayaa shaqaalaha masuuliyiin iyo madaxda webkan somaliaction oo runtii aad iskugu hawlay in ay soo bandhigaan maqaalo muhiim ah silamarkaana loo baahan yah .hadaan u soo laabto barnaamisha ama su,aasha m,aanta waxaan anigu dhihi lahaa qofka dhalinyarada ah qwaxaa uu hormar ku gaari karaa 1 in uu ilaalliyo waqtigiisa qaaliga waayo sacaad haddii ay ku dhaafto kuuma soo noqonayso waan in waqtigaaga ad kala qorsheysaa oo aadan qof isku dhaxyaacsan noqon oo sacaad kasta wixii aad igu talagasha aad sameesaa tan kale waa in had iyo jeer wxbarashadaada ay noqotaaa mid heer sare sidaasi daraadeed waxaa lagaag baahan yahy in waxbarashadaada aad hagaajisaa waa in aad yeelataa qodob aad hiigsanayso mustaqbalka marka aad dhameesato waxbarashadaada sida dhaqtar ama garyaqaan i.w.l.m waad mahasantihiin

  17. Asc salan kadib walalayal dhalinyarta soomaaliyed ee kubaahsan caalamka marka hore aan ukala qado 1 radinti qaranki somaliyed & 2 hirgalinta mustaqbalka dhalinyarada. Waxan joga oo an deganahay dalka kenya qasatan magalada garisa . Hadan udhadhaco mowduca 1ad oo ah radhnti qaranki somaliyed, waxan isleyahay habka ogu fudud ee lagu gari karo inay tahay hadba kuwa malala masulinta dalka inay siyan dhaqalo ay ku qancinayan hogamiyayasha. Waxay donto haku qadate Inay soo celiyan adegi bulshada sida cafimadka. Waxbarashada. & sidii dhalinyarta logu aburi laha fursado shaqo. Sikastaba in loo adego umada dal & dibadba, waxan ushegi lahaa masulinta dalka markastaba cidi masul ah dhaqalahan xajisan oo siyasi ban noqon masurtobeso, siyasada & dhaqaluhu wey wada socdan. Sory mowduca kale waqtiga aya isamixi wayay iga rali noqda markale ayan kahadli dona hadi an chance uhelo.

  18. aniga waxaan nila talin lahaay markasto inaad xasuusataan inoo ilaaaheey nii jiido oo wixi dambi ah idinla qoraayo dalkiinana xasuusataan aadna ka fakirtaan sida wax ugu qaban laheeydeen wscww

  19. sidisabo ereyga la dhaho jacyl badan raga ama hawenka wey lidan o ad uma xiseya jaceyl wu jira lkn qofku ku dhco aya wuxu yaha dhadhaminayo

  20. as wr wb waxaan adinku slamay salanta mida ugu qaymaha badan tas oo ah Asalamu calaykum waraxma tullahi wabarakatu bacada salaan magacaygu waa Abdishaku Alicad waxaana jogah wadanka Sudan kaas oo aan jamacad ka dhigtoh intaa hadaan ugu guboh isbarashadii walaal lahayga somaliyed waxaan marka hore idin dardarmayaah illahay cabsidisa melkasta oo aad jogtaan intaa ka bacdi waxaan nahay laf dhabartii umada somaliyed hadii aan nahay dhalin yarada somaliyed marka waxaa loo baahan yahay xagee ayaan taganahay xagesa uga dhaqaaq naah waxaan taganahay mel sifir ah ama hoos aan dhahee
    marka waxaa qofkasta oo somali ah siba dhalinta looga bahan yahay in uu isku xilqamo sidii uu wax uga badali lahaa wadankisa hooyo oo uu mel isaga dhiga lahaa qabyalada maxay tahay

  21. saaxiibayaal salaan sare marka hore waxaana si gaar ah u salaamayaa axmad kadiye aniga magacayga waa Saciid Xirsi waxaana ahay reer Jabuuti. aniga talada aan u jeedin lahaa dhalinyarada soomaliyeed dhamaanteed si loo gaaro mustaqbal wanaagsan waxii wanaagsan ayaa loo baahanyahay in la sameeyo aduunkana waa imtixaan lakiin ninkii fahma waa ninkii eebe ku xiran ilaahayna wuu xiriirinayaa markaas mustaqbal wanaagasan alle ha laga baryo hana la iska dhaafo xumaan dhamaanteed.

    all the best.

  22. waxay mutdaq balkoda kagajin karan dinta ale iyo samafa ka labadoda walid iyo shaqofican o nu musuqmasuq ku jirn oy ka shaqeyaan ayay ku hanan karan mustaqabal kood

  23. Marka hore waxan idin salamay hadii aan fikrad ka dhibto wax alle wanagasan dhalinyarad somaliye waxay mustaqbal dhisikaraan iyakoo wadan shaqeeyo kan wax bartay in uu dadkale aan awoodi qarashaka wax barashada uu ka dhiibo kan xamaaliga in lofu maalinta khamis iyo jimco mel uu wax ka barto maxaayelay waxa lagu hormay aqoon qof hadii uu aqoon leyahay markas wuu dhisikaraa mustaqbal dhalin yarad somaliye aan is gacan qabsano

Fikirkaaga Dhiibo

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s