Burcad Maqaayadeed !!


Burcad Maqaayadeed
Burcad Maqaayadeed

Last way to steal restaurants

Dadka qaar ayaa waxa isku taxalujiyaan in ay maqaayadaha (restaurants )wax ka cunaan ayagoo wax lacag ah aanan bixin, qaab cusub oo maqaayadaha lagu xado ayaa kasoo if baxaya magaalada hargeisa bal aqri sheekadan cajiibka ah

Ee burcad maqaayadeedku sameeyeen

 

 

 

Niman dhalinyaro ah ayaa waxa ay soo galeen meel restaurant ah oo ku taala magaalada Hargeisa

Waa ay wada fariisteen waxa ay ahaayeen koox xarfaan ah waxa ay cuneen wax alaale wixii ay jeclaayeen ayagoo cibitaano kala nooc ah xataa cabeen

 

Sidii ay wax u canaayeen waxaa lagaaray xiligii gacmaha la dhaqan lahaa ( la faraxalan lahaa ) oo la iska bixin lahaa lacagta balse waxa ay lasoo baxeen farsamo cajiib ah

 

Qaar ayaga ka mid ah ayaa istaagay albaabka ayayna ka baxeen markii la dhahay lacagta keen waxa ay dheheen ninkaas meesha ku haray ee wax cunaya ayaa bixinaya , kadib markii ninkii la weydiiyay in uu asiga bixinayo ayuu waxa uu dhahay “ haa dee aniga ayaa bixinaya ee inamada iska sii daaya “

 

Kadib sidii uu wax u canaayay ayaa markii uu gacamaha soo dhaqday uuna soo istaagay meeshii lacagta lagu qabanayay ayaa waxa uu soo bixiyay mobile dhagta ayuuna saaray asigoo iska dhigaya inuu usoo dhacay mobile ka kadibna Helloooo , Hellooooo , ayuu ku cel celiyay waxa uuna kusii daray “ walaal dee kuma maqlo ee meel banaan ayaan usoo baxayaa sug , isla markiina banaanka ayuu u baxay oo sidaa ayuu ku fakaday

 

Ninkii lacagta aruurinayay markii uu xoogaa sugay ayaa waxa uu weydiiyay waiters (kabalyeeri) kii agtiisa jooga “waar dee aaway ninkii telfoonka ku hadlaayay , xaguu qabtay , waar ninka soo raadsha ”,

 

Waxa ay ka fiiriyeen maqaayada agagaarkeeda balse cid waa ay arki waayeen

 

Asxaabtii maqaayada leheed waxa ay ku noqotay cashir cusub “Burcad Maqaayadeed”

 

Waxa ay balan ku qaadeen ninkii maqaayada soo gala oo markii uu lacagta bixinayo mobile banaanka la aadaa in ay si xun u garaaci doonaan

 

Waqti yar kadib waxaa soo galay maqaayada nin caadi oo aanan filinkaas wax ka ogeen wax ayuu cunay markii uu soo istaagay meeshii lacagta laga bixinayay ayaa waxa usoo dhacay Mobile kii kadibna markii uu qabtay waxa uu ula baxay banaanka si uu si fiican u maqlo codka qofka uu lahadlaayo ileen maqaayadahu buuqa kabalyeeriyaasha ayaan lala joogi Karin, blase maxaa dhacay markii uu lugta kasii bixiyay albaabka waxaa kusoo baxay dhamaan asaxaabtii maqaayada ka shaqeeneesay waxa ayna bilaabeen in ay garaacaan , nasiib xume waxa ay noqatay markii ay ogaadeen in uu ninka daacad ahaa

 

 

Marka aqiyaareey Su’aal waxaa ah awal waxaa laga qeylinayay Burcad badeed ,hada hadii ay burcad maqaayadeedka farsamooyin cusub keensadaan sidaan oo kale maxaa u danbeen doona masaakiinta kabalyeeriyaasha ah ee quutul yoomka kasoo raadsadaan howlahaas ay hayaan

 

Waan arki doonaa farsamadaan sida ay usaa meeso Somalia oo dhan iyo qaabka loo wajaho

 

 

THANKS

 

 

By: Ahmed Abdullahi Ahmed Kadiye
Madaxa Webka Somaliaction.tk
E-mail: Axmed_kadiye@hotmail.com

 

4 thoughts on “Burcad Maqaayadeed !!

  1. kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk
    burcadbadeed ayey taagneed hada waxaa imaaaday burcad maqaayadeed wax kalene waan sugeenaa iyo sida ayka yeelidoonaan dadka soomaaliyeed

  2. kkkkkkkkkkkkkk Walaahi farsamo niyou
    ah waxay ay ku sa coTa dadka maQaayadah
    leh in ay foojig naan dheeraad ah GALAAN
    waxan layabay lakiin
    miskiinka lagaraacay o TELLKA
    banaan ka ula baxay waxan maQli
    jaray ushii munaa faQ loo wado muumin
    Ayay ku dhacdaa??

Fikirkaaga Dhiibo

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s