Dhalinyarooy Waxbarashada ku dadaala


Waxbarasho
Waxbarasho

Inkastoo khabiirna aan eheen , Jaamicina aanan eheen waxaan jeclahay in aan dhalinyarada walaalaheyga ah ee Somalida ku baraarujiyo in ay ku dadaalaan wax barashada  , Maxaa yeelay Waxbarashadu waa Furaha Nolosha Sii aqri Maqaalkan

Anigoo Soo koobaya Ujeedada iyo Muhiimada Qoraalkeygan ayaa waxa aan rabaa in aan halkan oga hadlo faa’iidada waxbarashada iyo sida ay u iftiimin karto mustaqbalka Qofka dhalinyarada ah ( bi idnilaah )

 

Sida aad la socotaan wadankeena Somalia waxa uu ku jiraa Dagaalo mudo dheer , dagaalo qaan gaar ah , dagaalo wax walba naga burburiyay , dagaalo dad aan jecelnahay aan dartood u weynay .

 

Marka dagaaladaasi waxa ay saameen weyn ku yeesheen dadka Somalida oo dhan iyo dariskooda

 

Dhalinyarada ayaa waxa ay u kala qeybsameen , laba meel kuwa wadanka jooga iyo kuwa kale oo wadanka ka qaxay

kuwa wadanka jooga waxa ay u qeyb san yihiin sida tan

 

1- kuwa dagaaladaasi ku jira

2- kuwa wax barta

3- kuwa iska xoogsada

 

Kuwa wadanka ka qaxayne waxa ay u kala qeybsameen kuwa waxbarta iyo kuwa xoogsada

 

Marka hadii aan usoo laabto mowdooceega Waxbarashadu waa shey qaali ah oo qofkii waxbarta wax alaale wixii ay ahaadaan uu wax kusoo saran karo

 

Waxbarashadu Magac ayaad ku sameesan kartaa 4 sano gudahood waxaa laga yaabaa in laguugu yeero Eng . ama Ditoore iwm

 

Balse lacagta marnaba magac sidaa u qiimo badan kuma sameesan kartid mudo yar gudaheed

 

“ Qofka bini aadamka ah waa in uu lahaadaa Sadex Indho , labada indho ee caadiga ah iyo mid dhexdooda ku jirtaa oo maskaxda ah , taasoo isha sedexaad uu ku arki karo wax aadan ku arki Karin labada indho ee kale , isha sadexaad waa maskaxdee waxaad ku arki kartaa ama ku qiyaasi kartaa mustaqbalka waxa soo socda, Qofkii wax barta ayaa lahaan karo maskax weyn oo fiican 

 

Sidaa waxaa dhahay oday kenyati ah oo lagu magacaabo Jhon oo aan ku kulanay meel Hotel ah

 

Waxa uu odaygaasi hadalkiisa kusii daray

 

“ Somalia mar dhaw nabad ayay noqon doontaa oo qof walba waa uu imaan doonaa dadka imaadana waxa ay la imaanayaan shahaadooyin Caalami ah , marka adigoo wadanka u dhalatay oo shahaado Heer sare ah wata maxaa ka fiican “

 

Runtii hadalkaasi sax weynu dhihi karnaa

 

Balse aan is barbar dhigno qofka wax bartay iyo qofkii aan wax baranin

 

Qof dhalin yaro ah oo Secondary School ( High School ) Dhameeyay , kadibna jaamacad galay oo ka qalin jabiyay jaamacadii iyo qof dhalinyaro ah oo aanan wax baran ama hadii uu wax bartay Secondary School ka baxay , labadaasi qof hadii ay isku meel imaadaan oo ay shaqo soo raadsadaan sida ay u badan tahay isku shaqo kama shaqeenayaan maxaa yeelay waa ay kala heer sareeyaan

 

Sxb yaal yaanan warka idinku daalin oo khudbo dheer yaanan u badalin maqaalka

sababta igu dhalisay in aan mowduucaan wax ka qoro ayaa ah in aan dhalinyarada ku baraarujiyo waxbarashada, Ayadoo dhalinyaradii Somalida badankood aysan usoo jeedin in ay wax bartaan , buufis iyo waxyaabo kale in ay galaan

 

Marka dardaaran waxaa iga ah ,

 

1-     dhalinyarada Dugsiga sare dhameesatay in ay horay ka bilaabaan jaamacadooda aysan waqtiga isaga lumin buufis ama shaqooyin lacag badan aan leheen

2-     dhalinyarada nasiibka u helay in ay jaamacad galaan in aysan ayagana wax barashadooda u kala jarin buufis, guur  iyo waxyaabo kale oo ay ku adkeestaan in ay dhameestaan wax barashadooda

3-     dhalinyarada kalese ee waqtiga haaya ayagana ha dadaalaan oo wax ha bartaan

 

Ugu danbeen dardaaran iyo talo gaaban waxaan ujeedinayaa gabdhaha Somalida in ay wax bartaan ,kuwii dugsiga sare dhameesatayna in ay jaamacad raadsadaan oo guurka ay meel iska dhigaan amaba ayagoo la qabo ay isku adkeeyaan in ay mar un ka qalin jabiyaan Jaamacad, maxaa yeelay wax ka qaalisan ma jirto gabar ( inan ) wax baratay

 

Intaa ayaan Qoraalkeyga kusoo koobayaa Ilaahay ayaana Mahad iyo Awood sare leh

 

Thanks

 

Fikirkaaga ama taladaada waa muhiim

 

 

By: Ahmed Abdullahi Ahmed Kadiye
Madaxa Webka Somaliaction.tk
E-mail: Axmed_kadiye@hotmail.com

 

 

 

 

6 thoughts on “Dhalinyarooy Waxbarashada ku dadaala

  1. aad ayaa n uraacay taladaadan aad sameesay waanadhaba inay tahay nolo kamidaha nolosha maxayeelay ninaan aqoonbaranin waa midi bilaa ahfahan lakiin nikkaa waxabr atay waa nin karti iyo dhiigabaleh k hayrkiina natartamika th anks see you

  2. aad ayaan ugufarxasanahay talooyinakaa aad siinaso walala daa iydhamaan reersomaliyed iyo reer somalilanad dhalinyaradakunool waxaan kubararujinayaa inay racaan talooyinkaa fadaan inakan waa walalkiin ee kafa ideesatayaan leeyahay qofakasotoodhalin yaraha sidaa ayaan ugusheegayaa ee tani barimalin malamaakamidaha ayaa d garandoonataan wanaadan idukubararujiyay walalkiiin somaliyed sedayaa uracayayaan idinleeahay byyyyyyyyyyyyyyy

  3. dhamaan waxaan salaamayaa asxaabta kala duwan ee dhalinyarada somaliyeed meel walboo ay joogaan gaar ahaan madaxa webka axmed yare axmed waan kusalaamtyaa sxb macane magacaygu aa craxmaanx asan oo kunool daaesalaam tanzaia inta badana booqda webka walal wan kusalaamayaa khayr badan baana kuu rajaynayaa insha alaah waan wada xiriiri doonaa hadii alle idmo

  4. sc ugu horeyn wan umahad celinaya qoraha maqalkan ahmed kadiye sida uunoo bararujiyey hadan usi guda galo maqalka waxan dhihi laha dhibatada ugu weyn e somaliya heysata wajahli coze inta badan dadka dagalka kaqeyb qaata wa jaahiliin hadey aqoon leyihin qiimaha nabada ayey ogan lahayen mida kale dhalinta somaliyed waxa dhihi laha wax barta aan wax qabsanee aqootuna wa nuur qofkisuna uku nolyahay sharaf islamkuna wu kahadlay qiimaha aqoonta alle wuxu quraanka karimka ah kudhahay{(قل هل يستوي الذين يعلمون والذين لا يعلمون}) ma isku mid baa kuwa aqonta leh iyo kuwa an laheyn, wuxo kaloo alla dhahay{(ومايستوي الاعمي والبصير})isago kutilmamay kuwa aqonta leh iney indha qaban kuwa jahilinta ahna ey camoola yihin,sido kale aqontu wexey kor uqada guri aan aasaas lahayn jahliguna wuxu dumiya guri sharaf leh teeda kale qofki dugsi sara kabaxa loma bahna inuu kuqanca intas o ilaa barafasore qabir doctor… laga dhaho uusi wado loma bahna inu xidigaha kahoso kuqanco إذا غامرت في شرف مروم*فلاتقنع بمادون النجوم marka heerka aqontada garsiisantahay ayey sharaftaduna laheer tahay qofki inu sareya donayana habenadi ayu dhafraa بقدر العلم تكسب المعالي*ومن طلب العلا سهر الليالي marka waxa lobahanyahay ina alle dartis wax ubarano kadib naftena dalkena an ku anfacno waxa kalo ogatan dhalinyaroy mustaqbalka so socdo inu dunidan waxa lagu dagalamo noqon dono aqoonta meshu hada kayahay hubka marka an ka dhigno dalkena inuu kaqeyb qato dagaal aqoonedkas intas ayan kusogagabeynaya inkasto aqon aya laga hadlaya hadi ladhaho an meshan lagu sokobi karin allene danbi dhaaf wa no weydinaya wasalaamu caleykum!.

Fikirkaaga Dhiibo

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s