The Year of Singles


Singles

Singles

 Salaan macaan kadib waxaan jecleestay in aan xoogaa wax ka qoro Singel nimada ama Doobnimada
Dhalinyarada Somalida ayaa waxa ay ka siman yihiin single nimo badankood dal iyo dibabda gabar iyo wiil Sii Aqri waa Maqaal Xiiso Leh

 

 

 

 

Hadii aan horey usii galo Mowduuceega waxaan rabaa in aan xoogaa wax kasheego waxa ay tahay Single nimo ( Doobnimo ) iyo wax yaabaha badanaa ku dhaliya da’yarta arinkaas

 

Single ( Doob ) Qofka waxaa la dhihi karaa markii uusan leheen Xaas Xalaal ah  ama Nin Xalaal ( waa hadii ay gabar tahay )

 

Ayadoo aysan jirin Gabdho la’aan ayaa waxaa badanaa Magalooyinka waa weyn ee Somalida ku arki kartaa dhalinyaro badan oo aan wax xaas ah leheen

 

Markii aad weydiiso sababta jirta oo ay xaas u diideen ayaa waxa ay kuugu micneenayaan siyaabo badan oo ay kamid tahay

 

Dhaqaalo Daro ama mararka qaar oo ayba ku dhahaan guurku horumar malaha

 

Balse arinka jira oo ku dhaliyay dhalinyaradaasi in ay doorbidaan Single nimada ayaa waxa ay tahay qodob dhowr ah oo ay ka mid tahay

 

1-     Ayagoo aysan jirin wax dhaqaale ah oo ay ku dhisi karaan amaba ku dhaqan karaan qoys

2-     Ayagoo si fudud u helaya qof ay qudbo sireestaan taasoo ka dhigeesa in uu sidaa ku qancaan

3-     Ayagoo howlo waxbarasho ku jira sida Jaamacad ama wixii la mid ah waqtigana uusan u saamaxeyn in ay sameestaan lamaanahooda nolosha

4-     Iyo gabdhihii somalida qaarkood oo arooskiiba kasoo jeesteen ayagoo doorbidaya waxyaabaha kale sida , wada noolaasho iyo isla socosho iyo wixii lamid ah

5-     Waalidiinta qaar oo aanan u ogalaaneen gabdhahooda in ay siiyaan qof aanay ka helin sida dhinaca , qabiilka , lacagta IWM

6-     Dhalinyarada Somalida ee qurbaha jooga oo ayagana ay ku yaryihiin gabdhaha , hadii ay la joogaana badanaa aysan doorbideen in ay kuwaas lamaano ka dhigtaan

 

Marka siyaabahaas iyo kuwa kale oo badan ayaa waxa ay badineesaa tirade Doobyaasha dhalinyarada Somalida Dal iyo dibadba

 

Balse Farqi weyn ayaa u dhaxeeya Dhalinyaradaasi Doobka ah

 

Qaarkood ayaa waxa ay joogaan Somalia ama wadamada u dhaw dhaw halkaasoo ay ku heestaa Gabdho ay qudbo sireesteen ama ay isla wada socdaan

 

Kuwa kale ee Dalka dibadiisa jooga Sida Asia , EU ama America iyo wadamada African ka ah ee Somalia Ka fog waxaa heesta Doobnimo ay sabab u tahay Gabdhaha oo ku yar meelaha ay ku noolyihiin

 

 

Isku soo wada duuboo ayadoo ay sidaa jirto ayaa waxaad arki kartaa dhalinyaro Single aan eheen oo Somalia gudaheeda iyo dibadeeda joogaan
Ugu dambeyntii Ilaah baa Mahad leh alahii na abuurtay islaamna naga dhigay waxaana ka baryeenaa in uu dalka noo hagaajiyo markaasoo dadka badankood ay doobnimo ka bixi lahaayeen

 

 

 

By: Ahmed Abdullahi Ahmed Kadiye
Madaxa Webka Somaliaction.tk
E-mail: Axmed_kadiye@hotmail.com

 

Fikirkaaga Dhiibo

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s