Qiso Jaceyl Oo Murugo leh Marna Xiiso Leh


Qiso Jaceyl

Qiso Jaceyl

Waa Qoraa Sarre Abdifitaan Cali Samatar JanatalmanQoraal sheeko jacayl oo aad u xanuun badan ayay E-mail ahaan ii soo gaarsiisay gabar magaceeda ku soo koobtay A.M. oo ku nool magaalada Nayroobi ee dalka Kenya, gabadhaas waxay hadda wehel u tahay Mucjiso Jacayl, waxayna ku bilaabanaysaa qisadii ku dhacday iyadoo ka sheekeynaysa sida tan

Magaalada Balcad ee gobolka shabeelaha dhexe oo aan ku noolaa intii aan garaadsaday 4Jirkaygii ilaa 18-jirkaygii , halkaasoo aan ka bilaabay waxbarashadaydii aan ku dhamaystay, Mahad waxuu ka mid ahaa dhalinta aan isla jaan qaadnay in kastoo uu iga waynaa mudo 8 sanadood haddana sida aad ogtihiinba da’da raga iyo dumarka farqi baa u dhexeeya. Aan idiin Bilaabo dhacdada.     
Aniga iyo Mahad waxaan ahayn laba qof oo ku soo barbaaray jacayl walaalnimo oo aad u fog iskuna xog iyo xuuraan ah, waayo waxaan ahayn deris isku degaan ah (Xaafad ah) waxaan ahaa walaashiis oo kale isaguna walaalkay oo kale.
Waxaa dhacday habeen habeenada ka mid ah iyadoo xilli uu roob ka da’ayay deegaanka Balcad dhulka tigaadu buuxisay in uu iigu yimid gurigayga oo aan ka fogayn gurigooda wuxuuna ii sheegay in uu doonayo in aan aadno riwaayad socotay Habeenkaas oo ahayd {SHUMEEY} oo markaa aad loo xiisaynayay.
Kama diidi karine waayo waxaan ahayn laba ruux aad isugu weynaaye, waxaan u sheegay in uu ii soo noqdo si aan isugu diyaariyo, isagana hadal kama soo celinin waa uu iga ogolaaday, waxaana caado noo ahayd in aan isu weheshano riwaayadaha, aroosyada, garoomada ciyaarahu waxay noo ahaayeen kuwo noloshayada ka mid ah. Waayo isagaa wata gaari noo sahla aadista goobahas.

Waqti yar kaddib buu soo noqday anigoo diyaar ah waxaan u jaan qaadnay xagii degmada oo ahayd halka riwaayada 15-ka Shumeey habeenkaa lagu dhigay dadkuna aad ugu buuqsanaa, laakiin Nasiib wanaag anagu waa haysanay tigirka oo Mahad baa soo gooyey intii aan is diyaarinayey. oo si fudud baan albaabka u gudubnay, Kadib daawashadii riwaayada oo aad u xiiso badnay, ayuu iga codsaday in aan magaalada dibada uga baxno, waana ka aqbalay waxaan Tagnay aaga u dhexeeya dugsiga sare iyo Mashruuca oo aad u qurux badnaa, Markaa iyada ah anigu Mahad uma hayo wax dhaafsiisan Jacayl walaalnimo, balse isagu mid ka duwan ayuu wataa sidii uu iigu soo gudbiyeyna waa sidan:

Mahad: Walaal A…m ma ogtahy in aan aad kuu jeclahy………..

A.M: Haa oo aniguba waan ku jeclay mid walaalnimo.

Mahad: Laakiin anigu waxaan kuu jeclahay si dhab ah ……

A.M: Oo Hadaa ma kaygaa dheel ah maxaa walaalinimo ka fiican.

Mahad: Waa ogahay in walaanimo qaali tahay, lakiin aniga waxaa ila soo gudboonaaday hami iyo qami la xiriira Jacaylka aan kuu qabo oo iga ah dhab in aan nolosha kula qaybsaso baana iga go.an.   
Runtii waxay igu noqotay fajac si aan ku aqbalo ma aqaan si aan ku diidana ma aqaan, waxaanse ka codsaday in uu isiiyo waqti aan ku soo fekero, waana iga ogolaaday.

Waxaan ahaa gabar markaa soo kacday oo aan weli cid la sheeko wadaagin marka laga reebo Mahad iyo C/salaan oo mid walaalnimo naga dhaxaysay mooyee, hadaba waxaan ka badin waayey in aan aqbalo codsigii Mahad uu ii soo bandhigay.

Waa habeen Isniin ah, Jawigu waa mid aad u qurux badan oo rooban, waxaan ku kulanay goob gawaarida Taxi laga kireeyo anigoo soo sagootiyey gabar aan isku galaas nahay, wuxuu igu tiri aan idin qaado si aan hadhaw isugu keliyasano waana ka aqbalay, markii aan khadiijo xaafadoodii gaynay kadib waxaan beegsanay dibada Magaalada, Waxaan xulanay meel aad u qurux badan oo Kaaraa-bidhaanku biligtaa tan iyo cabaar markaan kaaraabidhaanka qabo iyo ma qaban kartid islahayn ayuu su’aal i waydiiyey:

A.M maxaad iiga haysaa codsigaygii..?  Aad baan u naxay waayo ugubnimadu waa ii saamixi wayday in aan markiiba iraahdo waa aqbalay, markaan cabaar aamusnaa ayuu mar kale yiri “Miyaanan u qalmin in aan ku jeclaado..?.” mar kale ayaan argagaxay oo aan ka naxay hadalkaan dambe waxaana ugu jawaabay anigoo jaraynaya  “Waad u qalantaa walaal waana aqbalay”.

Habeenkaa Taariikhdu waxay ahayd 16/6/1998 wixii ka danbeeyey ilaa laga gaaro 1/2/1990 waxaan ahayn kuwo lagu daydo ama lagu halqabsado marka Jacayl laga hadlayo degaankaan ku noolay, Nasiib daro waxay na soo wajahaday markii ay dagaalada sokeeye soomaliya ka dhaceen oo ay beelihii aan ka dhalanay dagaalameen, oo aan kala fogaanay oo midkayaba midka kale tebay laakiin uusan aqoon meel uu u doono. 

DHACDADII LABAAD:

Waxaan ku kulanay magaalada Nayroobi ee xarunta u ah dalka Kenya Gabar aan isku deegaan ahayn salaan kaddib waxaan waydiiyey bal in ay meel ku ogtahay Gacaliyahaygii waxayse ii sheegtay arrin aad iyo aad uga qiirooday oo ah in uu waashay oo uu qashinka ururiyo qofkii dumar ah ee uu dhaayaha saaraba uu magacayga ugu yeero, daqiiqado oohin iyo dhiilo ah ayaan jabsaday, kaddib waxaan waydiiyeey meeshii ugu aragti danbaysay waxayna igu tiri “Magaalada Xamar, gaar ahaan Siinaay.
In cabbaar ah ayaan saldhigtay jirdiin u dhowaa goobtii aan ku kulanay gabadhii raadkan xun igu reebtay, su’aallo badan oo aan isweydiiyay kaddib ayaa waxaan go’aan saday in aan dib ugu soo noqdo Xamar si aan dhibka ula qaybsado wiilka ay kala fogaantayadu qalbigiisa dhaawacday. waxaan u soo anba baxay xamar anigoo soo raacay diyaarad jaad oo fariisata 50km, Waxaay ahayd xili ay aad iyo aad nabadgelyadu u xumayd oo gaarigii aan ka soo raacay KM50 ayaa lagu baartay meel waxayar u jirta kuliyadii Lafoole, waxaan hakaa ku waayey wixii aan sitay oo sahay ahaa. anigoo aan waxba sidan labadii shay oo aan xirnaamooyee ayaan soogalay xamar.

Waxaan beegsaday guri ay lahaayeen reer aan macruuf ahayn, Waayo mid walaalkay lahaa oo madiino ku yiil ma aadi karo Nabadgelyo awgeed.Markii aan soo gaaray ugurigii aan u socday mise waa hore ayaa laga qaxay, waxaan waydiiyey reerkii guri ahaan ugu xigay waxayna ii sheegeen inay Yaaqshiid u guureen oo beeshoodu ka taliso.

waxaan qaatay tilmaantii la i siiyey waxaana beegsaday meeshii la ii tilmaamay shido badan kadib waxaan ku guulaystay in aan helo gurigii ay ku noolayeen macruufkaygu haseyeeshee qofkii u horeeyey oo i arkaa wuxuu iigu yeeray magac beeleed aan aad u dhibsaday. waxaana go’aansaday in aan dib ug laabto iyagoo ila sii hadlaya ayaa dhabarkaygii ka qarsoomay, waxaan beegsaday dhanka siinaay oo aan is leeyeyhey bal ka doon doon kii aan dartiis dalka ugu soo laabtay, maalintaa iima suuroobin in aan helo oo gabalkii wuxuu iga dumay anigoo aan helin xataa cid ii sheegta. Waxaan garaacay albaabkii iigu iigu dhowaa markii gabalku dhacay waxaase iga furtay qof aan aad isugu faraxnay all waa A.M iyo Alawaa khadiijo, alla xagee ka timi iyo Nairobi walaal soo gudun, qubayso, iyo wax cun gacalo ku dheehantay ka dib ayaan is warayanay waxaan u sheegay u jeedada socodkayga iyo in ay i caawinto si aan u helo wiilkaa dartay u dhibaataysan.    Waxay ii sheegtay in ay reerkoodii u kaxeeyeen B/Wayne hase yeeshee uu joogo wiil ay walaalo ahayeen oo Gaari wata Labadii maalmoobana uu mar yimaado oo ka shaqeeya isla beled wayne.

Waxaan ka codsaday in ay i tusto meesha uu ka baxo si aan ugu raaco B/Wayne. Maalin ka dib ayuu yimi markii aan la kulamay wuxuu ii muujiyey weji furan iyo farxad wuxuuna ii sheegay in uu beri tegayo, Laakiin wuxuu igula taliyey in aan iska Joogo waayo qadiyada jirtaa waxaa laga yaabaa in ay dhib ii gaysato wuxuuna iga balan qaaday in uu soo qaadayo isaga oo keenayo xarmar si aan u kulanano:

Maalin Xasuus, Dhiilo iyo farxad xanbaarsan: 4/9/1993-dii goor subax ah ayaa albaabka la soo garaacay waan furay waayo waxaan ahaa qofkii ugu dhowaa waxaa in dhaygu qabteen Mahad oo timihii ku baxeen, aad caato u ah, oo dhalan rogan: naxdin iyo farxad Maxaa dhacay:     Walaalkiis C/kariin oo markaa waday ayaa ku yiri “Ma garanaysaa gabadhan wuxuu yiri haa Waa A.M”  Waan ku soo booday oo isku duubay daqiiqado kaddib ayuu C/Kariin ii sheegay in aan ahay qofkii ugu horeeyey oo uu garto muddo Labo sano ah.

Waxaan ka codsaday in uu iiga tago si aan bal u derso dareenkiisa iyo sida uu waxa u tabanayo intii hadalka aan wadanay
C/kariin ayuu iga soo dhex galay isagoo igu yiri “Xagee iga aaday, maxaad ii dishay, xagee igu ogayd” isagoo sii daba dhigay su’aallo badan oo aan garan waayay,  si saxariir ah ayaan ugu war celiyay iyadoo su’aalahaas is daba jooga ah aan fahmi waayay.

Mudo kaddib ayaan ku iri “Waa anigaan kuu soo noqday mar dambana kaa tegimayaayo”. Waxaan ka ogaaday muddadii aan wada joognay in aan maskaxdiisu dhamayn uuna u hoggaansan yahay wixii aan iraahdo.

Waxaana go’aansaday in aan u kaxeeyo halkii aan ku noolaa ee Nayroobi oo aan la dhuunto waayo waxaan ka baqay in reerkoodu iga diidaan. waxaana arrintaas kala tashaday Khadiijo waxayna tiri “Ku dhaqaaq wixii dhaqqale ahna anigaa kugu saacidaya”.

Waxaan u yeeray walaalkiis C/kariin oo aan u sheegay in uu iigaga tago oo safarkiisa uusan baajin ee marka dambe oo uu soo noqdo uu kaxeeyo, maadaama ay bani’aadamnimadu ku jirto in la is badbaadiyo.
Kaddib waxaan isu diyaariyey safar qarsoodi ah waxaana kaga ambabaxay magaalada Muqdisho safar dhinaca dhulka ah anigoo sii raacay gaari u socday Gobolka J/hoose xaruntiisa Kismaayo, markii aan tagnayna waxaan ka sii raacnay diyaarad ilaa Nayroobi.

Durba ma nasan oo waxaan geeyey dhakhtar dhimirka qaabilsan, hase yeeshee wax wayn uma tarin keliya daawo dejisa ayay siiyeen cid ma dilo, cid ma caayo sidaasaan kuwada noolnahay isagoo dhimirka aan caadi ahayn iyo anigoo isga uun eegta.

Waxaan deris la hay Jacaylkiisa isagoon nin ii ahayn waayo nin waalan waxba kuma xirmaan waxna kama furmaan, Reerkoodu waxay ii yaqaaniin saaxiradii wiilkooda waashay, reerkayaguna waxay ii yaqaaniin tii sixranaday markaan dersay waxa soomalidu sixirka u Taqaani WAA JACAYKA DHABTA AH.

Haddaba Mudo 12sano ah waxaan ku wada noolnay aragti keliya eed aadane oo aan ka baxsan lahay waayo isagu waxba garan maayo waxa ay leeyihiin oo waa qof ku nool daawo iyo in uu aniga i ag joogo keliya.
Wixii su’aalo ah igala soo xiriira Eamilakan  Dhawaac dagaaladu dhimirkayga mariyeen dhab u fiirsha oo dheegta A.M.  
                          

Abdi Fitah Ali Samatar

Abdi Fitah Ali Samatar

 

 Waa Qoraa Sarre

 

Cabdifitaax Cali samatar Jantalman

ccsamatar@hotmail.com

Tell:25215127135

Mogadishu- Somalia

 

 

 

 
 

 

 

65 thoughts on “Qiso Jaceyl Oo Murugo leh Marna Xiiso Leh

  1. Salaan marka hore waad salaamantihiin xaqiiqdii waxaa dhíhi la haa gabadhaan waa qof dadnimada iyo jaceylka wax ka taqaan xaqiiqdiin waxey ku fiicantahay in qisadaan la daabaco

  2. runtii waxaa mudan in loo mahad celiyo gabartaan bad badisay wiilkas naftiisa iyo jaceylka dacada ah oo ay u qabto horaa waxaa dhahay jaceylka dhabta ah ma dhammado waxaan u mahad celinayaa gabartas waa in lagu daydaa sida ay u dhaqmayso waxan jeclaa inaan helo meel lagala xiriro telfon ama email wan u mahad celin lahaa wana mahad san taheen dhammaantiina

  3. chesham

    ugu horey illah baa mahad leh marka xigta adiga ayaan kuu mahad noqoyaa sida sharafta leh ee aad u soo qortay shekadam xisa leh lkn sxb madhab,ba mase?? all aqyarta salan gar ah dhaman byy

  4. Magacayga Waa mahad Yare Waxaan ahay wiil ku dhashay kuna soo barbaaray magaalada muqdisho Gaar ahaan Xaafada Madiina Waxaan wax ku soo bartay kuna soo dhameystay magaalada muqdisho waxaan hada ku noolahay dalka kenya gaar ahaan Nairobi Xaafada isli ay soomaalida u badan tahay Runti Marki aan aqristay sheekadaan waxaay igu abuurtay murug badan maadaama aan jaceyl horey u soo maray Runti Qisadeyda Jaceyl Ma rabo in aan halkaan ku soo bandhigo Maadaaama Jaceylkeygi uu waji badan lee yahay laakiin wiilka dada yar ee soo qoray sheekadan waana u mahad celinayaa thank u

  5. xaqiiqdii sheekadan waa mid taabanaysa qalbiyo dad badan waana wax runtii aad looga murugodo maadama aysan jirin wax maanta lagala qabankaro qisadan dhacday oo aan ka ahayn in ilaahay u soo celiyo maakiisii si ay u dheehdaan mirihii iyo macaankii nolosha laba qof oo jacayl dhab ahi ka dhexeeyo waxaanan u rajaynayaa in ilaahay isu calfo, waanan ka xumahay wakhtiga aan la kulmay qisadan aqriskeeda oo aan ka daahay macnaha in aan horay u aqristo.

  6. xaqiiqadii shekadaan waa sheeko cajiib ah wana amid laga qiirodo lakin waxan u rajenaa gabadhaa in ay calafto wiilkaa wana kaxumaxay shikadan waqti danbe ayan aqristay

  7. Asc walaalayay waad salaman tihiid dhaman dhalinta soomaliyed marka hore waxan mahada leh illah marka xigta waxaan u mahad celinaya wiilka dada yar ee oo diyaa riyay qisadan marka xigta waxaan u mahad celinaya gabadha qisadan eey ku dhacay & sida qiimaha & qaayaha leh eey u xanaaney say jaceylkeda waxan u maleynaya inan sidaa noo kale laga heley gabdhaha soomaliyed hada jooga badan kood marka waxan ku borinaya iney ku daydan gabadhaa waad mahad santihiin dhamantii bye waa adigoo magaceyga ah ahmed issack abdi

  8. asc dhanamtin walalaha sharafta badan. run ahanti shekadan marki aan aqriyay bilow ila dhamad. waxay igu aburtay jacel kale o daremaheyga odhan aye kicisay. waa qiso jacel o cajib ah waxayna xambarsantahay xamaasad iyo micno dheerad ah. xiligu iyo waqtiga ayana usawab ah wax waliwa… CAJAA,IB ALLA JACELKU MACAANA LAKINSE SOMETIMES SIWIR KA QARAR WATCH OUT:.

  9. waa gabar jaceylka wax kataqaan adna uwanaagsan waxaan ku waaninayaa dhalin yarada had jirta ineey ku deeysadaan lmaanahaas

  10. Waxaan ahay macalim kamida macalimiinta magaalada muqdisho kana mida dhalinta magaalada waxaan dhigaa maadada BIOLOGY-ga waxaan kutilmaami lahaa gabadhaas qof alle garaneysa lehna damiir bini’aadanimo waana ay heli doonaa ajirka axsaanka ay samayneyso waxaan dhihi lahaa awlaad raadso asagana ugu sheekee inuu dhalay mahadsanidiin by shaafici

  11. asc marka hore waxaa mahad leh alle marka xiga walalken qisadan na so garsiyay abyo a.m wan ka xamuhay qisada ku gu dhacday waxan alle kaaga baryaa in at noqotan kuwii is ku guri gala is kuna wara amin waa axmed xasan di

  12. Asc wr wb ilaah aya mahad leh. at this moment its diffrent from that moment of 1993 . People changed but true Love never changes. To i say that ‘TRUE LOVE IS LIKE GHOST WHICH EVERYBODY TALKS ABOUT AND FEW HAVE SEEN IT’. So aniga waxan u maleynaayey in aan jaceyl keyga wax badan u qabtay but after i read dis story waxan arkay in aan waxba u qaban jaceylkeyga. Who ever wants to know somthing about me connect me this E.-mail Suheyb_rumi@hotmail.com thank u all

  13. asc walalayaal waxaan aad ugu naxay qisadaan waxan aad ugu frxay in uu jiro quf daacad ah aduunkan sida gabdhaas camal jaceelka bas qaali mahan lakin waxaa qaali ah jaceelka dhabtaaa thanks walaalka soo quray

  14. ad ayaan ugu xumahy qisadaan murugada leh aad ayana uga helay markaan aqrisanayey marna wan oya mrka noloshi ay so wada mareen ayaan xasuusta walhi waa qiso cajiib ah ilaahna haisku keno inta is waysay oo is jecel

  15. aniga qisadaan mid usooo dhaw aya igu dhacday anigoon ku guleysanin jacaylkayga markaan aqristo qiyooinka jacaylka ookale waan murugoda waxaana drema mrkaas inaan ahy qof cidlo daremayo ilahna waxan ka baryi laha jacaylkigi aan wayey in uu isoo celiyo allla jacaylku macan badna mrka aad heshid qofka ad jecled ayu ka sii dhan dhan badan yhy

  16. aniga qisadaan mid usooo dhaw aya igu dhacday anigoon ku guleysanin jacaylkayga markaan aqristo qiyooinka jacaylka ookale waan murugoda waxaana drema mrkaas inaan ahy qof cidlo daremayo ilahna waxan ka baryi laha jacaylkigi aan wayey in uu isoo celiyo allla jacaylku macan badna mrka aad heshid qofka ad jecled ayu ka sii dhan dhan badan yhy

  17. anigoo ah abdirahman nuur dubeey oo ku magac dheer abdirahman dudu waxaan aad uga murugooday qisadan jaceylka ah markii aan aqriyay waxana ogaaday in somalida waxa laga aaminsanyahay oo ah ineysan jaceylka waxba ka aqoonin ay beentahay sal iyo raad laheyn.
    Anigan nila hadlayo waxaa iku dhacday qiso layaab leh
    inkastoo aanan rabin inan halkaan kuwada sheeko balse furaheeda ayaa wuxu yahay:waxaan jaceyl dhab ah oo dareen iyo xiiso badan wato isku qaadnay qof anan nolasheena kulmin hadana aanan isku meel ku nooleen.
    somaliyey sida caadiga ah oo aad wada ogsoontihiin jaceylka wuxuu ka bilaabdaa indhaha wuxuuna ku dhamaadaa qalbiga balse keyga wuu ka duwanyahay wuxuu ka bilaawday qalbiga wuxuuna ku dhamanayaa indhaha.
    qofkii raba natiijada jaceylkeesi inuu ogaado wuxuu ka ogaan karaa cinwankan.(c.nuurdubey@hotmail.com).

  18. asc marka hore marka kale waxan aad uga naxay arinta walaashey kudhacday o murugada le balse wax kasta way qoran yihiin marka kusamar isha alaah waxan ilaah kaga baryaya inu ilaah kucafiyo noloshina mesha idiikaga socoto isha alaah

  19. Wan idin salamay walalaha somaliyed waxa mahada 1ad iska leh alaah waxan marka 2ad u mahad celinay qoraga sare shekadan c/fitax jntlmn run ahanti qisan wa qiso xanun badan tabandysa ruxi damir leh waxan leyahay gabadha shekadan samir yelo waliga sadkaga wad helesa intad rux bani.adam uqabato in kabadan aya alle ku qabanayo mahadsanid A.m nenasteyda wa geele all by

  20. markaa hore ilaah ayaa mahad leh markaa labaad waxaan ahay wiil dhalinyaroo aah oo kunool USA ruunti qisadan miid layab leeh saan uu akhrinayeey ayaan rashin ama cuntoo aan karinayey igaa gubatay kkk waxaan hasustay qisso jeceyl oo lamiid aah ruunti gabada soo diyarisay iyo wiilka soo gudbiyeey ad ayeey uu mahadsanyihin gabdaha somaliyeed waxaan odhanlaha kudayda instead of aad dunyoo jeceylka kuxidhaysan

  21. Asc dhalinyaro magaceygu wa yusuf waxana mahad o dhan iska leh Ilahay marka xigta qoraagana ad ayu umahadsanyahay qisadan aad ayan ola dhacay gabarta waxay ina xasusisay inay jiraan dad jaceylka iyo bini’aadminimada wayna ku mahadsantahay nafta ay bad baadisay waxana Ilaahay oga baryaya inu gacaliyaheyda u caafiyo aamin aamin aamin

  22. Asc mahad waxa iska leh alle marka xigta waxan umad celinaya gabadhan jaceylka wax kataqan waxan is laha gabdhihi jaceylka wax kayaqanay dunida kuma nola lkn waxan ogaday inay wali nool yihin aad ayad umahad santahay waxan kalo kula talin laha gabadha oo dhan waa in ay ku daydan gabadhan, gabadhan waa gabar jaceylka wax kataqan waxan ku tilmami laha queen jaceylka

  23. Asc. marka hore salaan qali ah marka xigta waxaan ka xumahey gabdhan somaliyeed dhibka soo garay intaas kadib gabdhan waxaan leeyahay samir walla samirka ayaa wax lagu helayayee . adigan wad mahdasanthay abdifitaax yare sida waxan ee aad usoo qortay aqbaartan thnks huno….

  24. asc waa yaab waa naxdin waabo u dulqaadan waayay waxyaalahaas wlh wax jiro hadeeyihiin waxaas waa dhimasho waa taariiq dheer runtii waa wax laga naxo wlh waad mahadsantihiin walaal yaal

  25. walaahi gabadhan caadi maahan dulqaad illah baa udhameeyay maasha walaasheey waan salaamayaa hadaan heli lahaa telefoonkeeda waan wici walasheey si aan uga faaideysto waa aragimada aay leedahay

  26. Waw waw wale qiso run iyo ben in tabo is kugu jirto dico karto dhicina karin is kuso wada dub wad wada mahad san tahin sida ad inogu shegten run iyo benbo ane waxan idin leyahay jecel woo jiri jire hadasa majiro jecelka hada wa lacag by qofki ben modayne ha igalasn xiriro deeq_25@hotmail.com

  27. walaal asalamu calaykum ta ugu horeysa talabaad walaal arintani waa arin aad iyo aad u naxdin leh ee gabadha walashena ee dacda mushisay illahay aa u cafiyo qoos reya oo nagada oo bashbash iyo barwaqo ku reya illahay haa ka dhigo amin amin amin bye bye

  28. Marka hore waxaan halkan ka salamaya dhaman dadka musliimta meel walboy ku nol yahiin dumar raga ? Tan kale runti waa sheego aad iyo aad u wacan runti wiilka iyo gabadha waxay soo qaatiin nolal tan ugu wanagsaned blase waxan ka xumaday wiilka mahad oo washay tan kale walashayda qaalida ah iyadna runti waxay sameysan dadaal badan si ay mar kale u hanato jacelkidi hore dadal badan way ku guuleystay wax rabtay blase ka hada jiro jacel ma ah waxu noqday danaysi ?

  29. waaw waxaas waa qiiso macan xiiso leh qof walboo damiirleh ama binu adanimada wax kayaqaano taabanayso runtii waxaa mahad iska leh ALle marka xigto qoraga da,da yar marka sadaexad boqorada badbadinta naf binu adam aad ayaad umahadsantahay abaayo melwalbod dunida kaganoshahay qof walboo oo somalia ah waxan dhihi lahaa wadadiii gabadhas martay halamaro lakin sual yar dadwaynow.gabdha sanadkaan jiro malagayaba in lagahelo qof jacaylka waxa kataqano ama samayso walashen A.M waxay samaysay ? waxaan kaloo kaxumahay jawabta aan lasoodahahy shekadan kasodhahay wadna mahadsantihiin

  30. Waaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaw Aadban uga helay Qisadan oo ah midku dhehan Qiiro layableh Aadban ugu faraxsanahay madama ay garabka ayku sisay gabadhaas jaceylkeda waana midkaas jaceylka dhabta ah waad na mahad santihiin byyyyyyyyy?

  31. asc dhaman dhalinta samaliyed waxa mahad leh alah marka xigta gabdha qisadan no gudbisay wan ku leyahay abayo waxa ugu wacan labo qof o dar ilahey isku jcladay insha alah kher ayad ka kulmeysa

  32. Asc ugu horayn ilahay baa mahad le walahi awa waan qiroday wax aan jeclhay mahan in ay gabar walshen ah ay ku dhacdo walashay waxan dhahaya adunyadu ado sugayay ku sejin ado samray ku siin waxa kalo ku dhihi laha aduunyadu waa maalaysi dadkuna way matalayan walal qoraga waxan ka codsnaya in aad isiro meel an kala so xariro si ad isid su,ala badan jawabtoda

  33. asc walasheeey shekadaan ad iyo ad ayey u qaymo badan tahay masha allah……… wiilkaaas walalkeeen ahna allah caafiyo oo ilah waxaan inkaga baryaa in ad nolal raaxo leh ku wada nolataan inta idiin dhiman allah caafiyo..❤❤❤❤❤

  34. Runti aniga waxan dhihi laha qisadan hala qoro si dadka ugu cibri qatan, mid kale gabdhas wa gbr jacelka wax ka taqano eyna wan u mahad celinaya

  35. Aqiyaarta salaan sare,sln kadib waxaan ahay wiil ku dhashay dalka somali gaar ahaan magaalada kismayo balse waxaan ku soo barbaarey dalkani kenya gaar ahaan nairobi(islii),waxaan ka xumahay qisadan naxdinta leh inaan aqriyo 3sano kadib.qisadan markaan aqriyey runtii waxaan ogaadey jaceylka dhabta ah inuu jiro weligiisna uu jiredoono.gabadhaas waxey u qalantaa in la gudbooneysiiyo “Love Noble Prize”…. Abaayo mcn miro ayaad tabacdey inshallaah mirahaas waad gurandoontaa.plz tell me a place where i can contact with her,fadlan waa iga codsi.Emailkega waa Manbile2011@hotmail.com ama facebookeyga magaciisa Man Bile Sahasom.thanks.

  36. salaan kadib runtii qisadan waa qiso aad u xiiso badan, oo aad ka dareemi karto tiiraano, balse waxaa fahmi kara qof garanaya ama wax kayaqaana caashaqa.

  37. magacayga waa xalìmo waxan kunolahay uk ee dalka egland waxan jacel ka ah sanadaha hada jiro wanku argay waan ku canshaqay ayà jirto sanadka2012 aniga wàn kahelay jaclka sas ah waxàna jeclahay qisooyinka sidànò kale thanka sis for you helping the boy

  38. Masha’alaah walaasheeda walal aniga hadiin gu ogaa lahaa waxaan aan ahaan lahaa qofka ugu nasiibka wanaagsan waayo jacelkaa waxkataqaanaa wana kaa fa’iidaysan lahaa mcnto

Fikirkaaga Dhiibo

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s