Faalo Jaceyl –Jaceylka Macaantiisa Yaa Dhahamiya..?


Jaceylka Macaantiisa

Jaceylka Macaantiisa

Markii lasii lafa gurey ama lasii gunbaarey oo hadana
si gaar ah loo sii raad raacey ayaa waxaa baryahan
dambe aad u batay in kooxa badan oo lamaanayaal

caashaq wadaaga wada socodkoodu ama wada jirkoodu
yahay mid aanan dhaafsiisneyn mid ku kooban iska
helid, ama marxalad dareen doobeed, ama mid kaloo ku
salaysan dan-isku-gudbida guud ahaaneed.

Iyadoo hadafku ahaa mid looga danleeyahay maalmo ayaa
waxaa marmarka qaarkood laysla gaaraa heer ilaa iyo
guur!

Hadaba iyadoo ay jiraan dad badan oo is qaba ama wada
socda, oo ay wada socodkoodu u muuqato mid ku dhisan
ama ka buuxa farxad, raynrayn, riyaaq iyo raaxo. Ayaa
hadana marwalbo niyadoodu deganayn, oo is weydiiya
“tallow hebel/heblaayo ilaa iyo heerkee ku
jeceshahay/kujecelyahay” iyo su aalo noocaas ah oo
tuhin iyo shaki wiswaas ah niyada kaga jira.

Inta aanan ka hadlin halkudhiga maqaalka, “sidee lagu
ogaan karaa jaceylka dhabta ah”.
Waxaa xusid mudan inaan isweydiino “waamaxay jaceyl”.
Run ahaantii su’aashan waa su’aal dood badan dhalin
karta. Ileen nin waliba si gaar ah iyo waxyaalo gaar
ah ayuu kala kulmay jaceylku, ama qibrad iyo qiso
isaga u gooni ah.

Markii aan baaritaan xoogleh kusuubiyey ayaan waxaan
ka jibagaarey in jaceylku yahay dareemo yaableh uu
ilaah mar uun kugu dhaliya.

Dareemahaas oo aan kutilmaami karo dacar kor ka qaraar
dhexdana kamacaan. Ruuxaan qaraarkiisa marka hore soo
marin, ama soo dhex mushaaxin, macaakiisa uma badno
inuu muudsado.

Hadaba aqristow inta aadan isku dayin inaad ogaato,
heerka uu lamaanahaagu ku jecelyahay/jeceshahay.
Waxaad imtixaan ka qaadaa naftaada adigoo cabiraaya
heerka uu jaceylkaagu gaarsiisanyahay.

Ka gun gaar su’aalahan

1) Kalsooni buuxdo maku qabtaa lamaanahaaga? Ileen
kalsooni daradu waxay mar marka qaarkood keentaa inaad
u nuglootid ruuxkale, adigoo kacabsi qaba in
lamaanahaagu is badeli karo markasta.

2) Naftaadu makugu guubaabisaa inaad ku macaamilooto
marxalad kastoo kugu soo wajahdo. Samaan iyo xumaan,
dhib iyo raaxo, aaran iyo abaar.IWM

3) Si fudud malugu carqaladeenkaraa jaceyka aad u
qabtid lamaanahaaga?

4) Maku hamiyootaa ama maku riyootaa had iyo jeer
lamaanahaaga adigoo jooga meel iyo jawi kale?

Taasi waxaa noo ahaa sidaad ku ogaato in jaceyka aad u
qabto lamaanahaaga heerkii ugu dambeeyey
gaarsiisanyahay.

Inkastoo soomaalidu tiraahdo waxaad ruuxa sifiican u
baran kartaa “safar ama sariir” Safarka loola jeedo
safarkii hore oo dhibka badnaa oo aadka u dheeraa,
halkaasoo dadku aad isku baran jireen dabeecadahooda.
Sariirtuna waa “guur”. Marka aad ruuxa guri wada
degtaan oo aad isguursataan ayaa waxaa soo baxa
dabeecadiisii qalifsanaa oo si gooni ah ugu qarsanaa.
Si kastaba ha ahaatee ruuxa dhabta kuu jecel, waa
ruuxa kuga jecel waxaad ahayd, waxaad tahay maanta,
iyo waxkastoo yimaada oo kugu dhaco bari.

Cabdi fitaax Cali Samatar

Cabdi fitaax Cali Samatar

 

 

Qoraa Sarre :

cabdifitaax cali samatar jantalman

ccsamatar@hotmail.com

Tell:25215127135

 

10 thoughts on “Faalo Jaceyl –Jaceylka Macaantiisa Yaa Dhahamiya..?

  1. abwan jacelow

    marka hore waxaan salan qali ah udirayaa sxbkey c/fitaax cali

    marka xigtana waxaan salaan kalgaceyl xambaarsan udirooyaa lamaanayaasha is jacel meel walbo o ay jogaan

    marka 3 aad hadi aan udagaan dago dulucda kalsonida lamaanaha horta kalsoni la,aan ted nolashu wax macnaawi ah o ay yeelaneyso majiraan jaceyl la,aantiina noolashu dha dhan maleh lamaane walbo o is jacel waxaaan leeyahay isku kalsonaada waligana haka shakin qofka aad jaceshay wixii faah faahin intaa dheer waxaa aad igala so xariirtan

    abwanjey@hotmail.com

    • aniga oo maga ceyga ah dhuxulow waxaan aa min sanahay he jacelka waa nolosha qofka bila aadhanka ah runti waxeey tahay qofta oo aan soo arkin jacel waxaan aami sanahay he wali wax ayaa udhiman he runtii waxeey tahay he jacel waxaa galo dadka qaar taasi oo ah jacel waxaa yelo he dadka nasiibka badan

  2. A.s.c marka xigda waxaan inta ka salaamaya walaalka qisa noo soo gudbiyey marka xigada waxaan leeyahay lamaanaha is jeceyl kalsoonida yey idanka dhamaanin kal soni hadey jiri jaceyl ma jiro tankale waxaan ka codsanaya in qisoyinka jaceylka noo soodiran walaalayaal waxaan idin leeyahay ku noolaada farxad iyo rayn.rayn by

Fikirkaaga Dhiibo

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s