Dhismaha Qoyska Islaamka


Qoys Muslim ah

Qoys Muslim ah

Waa buug kusaabsan guurka iyo dhismaha qoyska Islaamka, akhristayaasha SomaliAction waxaan halkan ugu soo gudbin doona gebi ahaan buugaas oo qayb qayb ah, insha Allah, waana kan hordhicii buuga

HORDHAC
Ammaan iyo mahad idilkeed waxaa mudan Allaah, ka nabad ahaansho xumaan oo idil iyo Naxariis Allena korkiisa ha ahaato imaamkii Anbiyada iyo Rususha Nebigeennii Muxammad iyo ehelkiisii iyo asxaabtii dhammaantood.
Intaa kadib: Rasuulku salallaahu caleyhi wasalam (SCW) wuxuu yiri: “Qofkii Alle Subxaanahuu Watacaalaa (SW) uu la doono khayr wuxuu fahamsiiyaa diinta”

Marka diinta lafaham siiyana waxaa u suura galaysa inuu guto oo sifiican ula yimaado muhiimaddii loo abuuray, ee ahayd caabudidda Alle SW iyo kudayashada Xabiibkeenii iyo Rasuulkeenii Muxammed SCW.

Allaah S.W. Wuxuu kitaabkiisa Qur’aankaa noogu cadeeyey wax walba ee Rasuulka noola yimid in aan qaadano, sida uu Nebiga SCW ula yimidna aan u fulino, wax kasta ee Rasuulka naga reebayna aan ka harno, sidii uu nooga reebayna aan uga harno. Waxay liibaanteena iyo maslaxadeena ay ku jirtana waa inaa arimaha noocaas fulino, oo aan ku dayano Nebiga, oo awaamirtiisa qaadano, wax yaabaha uu naga reebay dhamaantoodna aan ka tagno. Allaah hadduu qadaro SW waxaan ka hadli doonaa masaa’il ku saabsan jaanibka guurka. Masaa’ilkaas oo ay dad badan oo muslimiin ah ay doonayaan bal inay wax ka ogaadaan. In kastoo runtii ay jirto dadka muslimiintaa in laga kari layahay waxaa martaan dariiqa Alle mara la’idin ku yiri, oo Nebiga raaca SCW, oo mas’alo walba oo maanta nasuusteeda lagu sheego ama siday tahay loo bayaaniyo dadka inta qaadanaysa, oo ku qancaysa aad ayey u yaryihiin. Taasna waxay noqotay arin dhibaato badan keentay, waxayna dadka maalin walba doonayaan bal in laraadiyo qiil iyo waxaan diinta shaqo kulaheyn. Arinkaas asagaa arin loo baahan yahay ma’ahan.

Waxay dadkii garan la yihiin sida loo guursado. Waxay garan la yihiin habka gabadha guriga loo geeyo. Waxay garan la yihiin sida loola dhaqmo marka inanta guriga la geeyo. Waxaas oo idil waxay ka dhasheen in ay dadka ka fagaadeen mabdi’ii Rabbi ugu tala galey in ay ku socdaan. Xuquuqda zowjeeynka ay isku leeyihiin raga iyo dumarka in badan marka laga waramo dadka waxay u qaadanayaan wax adag, oo aan la sameyn karin, diintiinta islaamkana lagu atkeeyey. Waxa la sheegayanna waa nasuus kaliyah.

Marka laga waramo waqtiga guurka la doonayo, sida inanta reerkeeda looga doonayo, iwm, ama habka curuuska loo dhigaayo waxaa arkaysaa dadkii inay aad uga dhago la’yihiin, oo ay diidayaan. Marka bacdamaa ay dadku halkaas taaganyihiin, waxaa nafsadayda iyo muslimiinta kalaba ugu nasteexey nayaa dhowrkaan arimood:

1. Waa inaa Rabbi kabaqanaa marka ugu horeysa.

2. Waana inaa nafsadeena ku qasabno wax walba oo Alle noodiray in aan nala ka weyn haba karaahiyeysato nafsadeenee.

3. Wax kastoo Alle naga reebayna aan nala ku arkin.Waana inaa nafsadeena ku qancino sunadda Nebiga mooyaane wax kaloo maslaxo noogu jirto in aan la arag.

WAXA IGU KALIFAY INAA KITAABKAAN QORO

Waxaa igu kalifay inaan kitaabkaan qoro dhowr qodob, oo kamid ah:

1) Waxaan Alle SW karajaynayaa inuu ka dhigo qayb muhiim ah, oo ka mid ah meelaha aan ajarka ka helayo, waa haddii aan noolahay iyo haddii aan dhintaba. Waqtigaas oo ah marka sida wayn loogu baahan yahay meel wax khayr ahi kaasoo galaan, siduu Xabiibkeenii SCW yiriba: “Qofkii dadka cilmi bara wuxuu leeyahay ajarka qofka ku camal fala oo kale, iyadoo aan qofka camalka falay ajarkiisa waxbana laga nusqaaminayn

Waxaana aan rajaynaa in Alle uu igu daro oo aan ka mid noqdo dadka soo hoos galaya xadiiskii Rasuulku SCW uu ku yiri: “Qofka dadka khayrka bara waxaa Alle dambi dhaaf u waydiiya wax kasta, xataa kalluunka badda ku jira”

2) Aniga oo indhahayga waxbadan ku arkay sida ay ummaddii Soomaaliyeed u guursadaan, ama kolkay guursadaan sida ay gabadha ula dhaqmaan taasoo ah wax kaduwan ama aan shaqo ku lahayd diinta Islaamka.

3) Maanta dhalin yaro badan gabdho iyo wiilalba dhamaantood waxay doonayaan inay guursadaan, laakiinse aan fooda galin karin waayo waxaa guurkii laga dhigay wax adag isagoon adkayn, sababtoo ah waalidkii inanta dhaliy ama inantii ayaa doonaysa in curuuskeeda loodhigo si aan caadi ahayn, ayagoo fikradaa kaga dayanaya gaalada ay dhex daganyihiin ama kuwa dariska la ah.

2) Sidoo kale, dad badan oo waxaa jira doonaya inay guursadaan, oo masruufkii inanta diyaar la ah, laakiinse aan arkin qof qanciya xaga diinta, iyo xaqa aqlaaqda. Amase aan aqoon dariiqa saxda ah oo loomaro sida looguursado, oo ku dhahaaya markaa waydiisid wuxuu ama waxay u guursan waayeen: “I’m looking for the right person!” oo micnaheedu ay tahay: “waxaan raadinayaa qof I ganciya.” Laakiinse qofkii uu raadinayey uu ag joogo, balse uma jeedo oo waa ka indho maranyahay, taasna waxaa ugu wacan meesha loomaro ayuuna aqoon, iyo sida qofka wanaagsan loo raadsado.

Gallada iyo towfiiqda Allaha ummada soomaaliyeed waafajiyo..aamiin. Waxaan ku raja waynahay in ay ummada soomaaliyeed aad uga faa’ideysan doonaan kitaabkaan (insha’allah). Waxaan ka codsanayaa walaalkeygii ka helaa wax uun faa’ido kitaabkan, inuu ii soo duceeyo aniga, oo u duceeyo waalidkey, qaraabadeyda, macallimiinteyda, saaxiibbadey, iyo dhammaan Muslimiinta.

La soco casharka danbe insha’allah!

Talo iyo tusaale kusoo hagaaji:
Cusmaan Bilaad | osmanbilad@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com


XUSUUS:
Dhammaan goobaha uu qoraagu kasoo xigtey macluudaaka iyo xigmadaha qoraalkan taxanaha ah ee Qoyska & Guriga Islaamka waxaan ku daabaci doonaa casharka ugu dambeeya ee qoraaladan, waa marka ay dhamaadaan, markaas ayaan si waadax ah u xusi doonaa meelaha xigashada, insha Allah.


Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More…
QOYSKA: HORDHAC | 1 | 2 | 3 | 4 | 5 | 6 | 7 | 8 | 9 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 | 15 | 16  

 

2 thoughts on “Dhismaha Qoyska Islaamka

  1. aad baad ugumahdsantahay qoraalkaaga dhismaha qoyska ee soomaaliga ah aad baan ugu fraxay markaan lakulmay nuqul uu qoray qof soomaali ahi oo kahadlaaya dhismaha qoysaka waalaal anugu waxaan cilmibaadhis aan ku waday qoysk ka soomaaliga ah waxaanan adiga sigaara kugu hambalyaynayaa in qoraalkaga ubadan diinta islmaaka iyo sida aad iskugu dabakhday eerayada aad leedahay iyo ku wa diiniga ah waxaanan kugu boorinayaa in aad samayso qoraalo kale oo lamida ku wan aadbaad umahdsantahay

  2. Thanks sxb adaa mudan

    waadna ku mahadsan tahay sida wacan ee aad webka fikirkaaga oga dhiibatay

    sxb buugan aan hada meeshaan soo galinay ( micnaha websiteka )

    waxaa qoray nin la dhaho Osman Bilad

    waxa uuna ku jiray Somalitalk oo la galiyay qoraalkaan 2001 kii marka aan arkay in uu muhiimyahay ayaan sidaa usoo galiyay webka

    Alaa mahad leh . kadibna qoraagii sida wacan u qoray Osman , iyo dhamaan inta aqrisatay

    Hadii aad rabto in aad la xariirto qoraaga kala xariir e-mailkiisan

    Cusmaan Bilaad | osmanbilad@hotmail.com

    Waad mahadsan tahay sxb sare

    Ramadaan Kariim

Fikirkaaga Dhiibo

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s