Beenta & Khayaanada waa burburiyaha Jaceylka


Jantalmaan
Jantalmaan

Inta badan waxaa dhacda in labo qof oo Lamaane ah ay si kedis ah oo lama filaan ah isu gariifaan amaba ku kala tagaan, waxaana inta badan kala tagoodaas ama is gariifkooda sabab looga dhigaa bilowga haasawahooda oo ay ku unkaan been & hadalo aan jirin oo khayaano ah.


 

 

Haddaba beys xumida & been ku shukaansiga ayaa lagu tilmaami karaa kuwa ugu waaweyn ee ka dambeeya khilaafka soo noqnoqda ee ka dhex dhaca Lamaanayaasha, waxa aadna arrintan si toos ah uga dhex fahmi kartaa dhaqan haasawadeedka bulshadeena Soomaaliyeed, waxaana tusaale u soo qaadan karnaa xikmadda ay ragga qaar ku dhaqmaan ee oranaysa “Naagi been ayaa lagu soo xero geliyaa runna waa laguu dhaqaa” haddii aad u fiirsato xikmaddan waxaad arkaysaa halka ay mushkiladdu ka curato inay tahay guurka salka looga dhigayo beenta, iyadoo la ogyahay in beentu ay xaaraan tahay haddana wax been sal looga dhigay nafci & naxariis kama ay soo baxaan waayo qofkii been lagu soo siray markii uu xaqiiqda ogaado wuu ka aamin baxayaa qofkii soo khalday, taasina waa bilowga ismaandhaafka & kala taga lamaanayaasha Caashaq wadaaga noqday.

Ragga oo kaliya beenta ma adeegsadaan oo dumarkuba waxaay hal-heys ka dhigtaan oraahda oranaysa “Naagi Kun bey kulmisaa, kowna way kala baxdaa” ku dhaqanka murtidan waxaa ka dhalanaya khiyaano, waayo dumarka haddii Kun nin ay haasaawe ku kulmiyaan sow ma dhacayso in nin walba hami & Jacayl ku beerma, bal ka waran qofkaas hamiga Jacaylku ku abuurmay haddii mid kale laga raaco sow khiyaano & sir loo geystay ma aha?.

Dhacdo hadda kahor ku dhacday gabar khiyaameysay wiil saaxiib la ahaa oo muddo badan ka dhur sugayay isagoo aaminay, balse ay iyadu muddadaas khiyaano & sir Jacayl ku waday ayaa wuxuu wiilkii ka war helay in gabadhii uu jeclaa ee ballanta kula gashay guurka loo soo sheegay in xafladdii arooskeeda uu dhacayo, wuu beensaday oo ka-ma uusan fileyn, markaasuu tagay goobtii xafladda arooskeeda, markii uu hubsaday in iyada la guursanayo ayuu naxdin la suuxay, wax yar kadib markii uu soo baraarugay ayaa waxaa afkiisa ka soo burqaday tix gabay habaar ah oo ku bilaabanaysa sidan “Ilaah & Owliyadaan baryiye, Allow af-ku-leeble iga yeel, Ayaamo nuxuus laguu hoo, oo arooska asaay laguu saar, abeer noqo feera weyn, oo Allow yaadan dheelin dhallaan, ninkii ku guursada geeriyoo, oo Allow yaadan gelin gandoob, haddey dhalyadeenu dhab tahay, Allow yaadan dhalin dhal nool nool”.

Intaas markii uu mariyey ayuu meeshii ka luuday, balse labo Usbuuc kadib ninkii gabadhaas guursaday xannuun ayaa ku soo booday oo wuu geeriyooday, markaa kadib ayaa nin walaalkiis ahi dumaalay, isna cudurka TB-da ayuu muddo kadib u dhintay, waxa kale oo guursaday nin kale oo isna ka dhintay, kadibna nin kale ma aysan guursan, wax carruur ahna ma aysan dhalin oo wiilkii daacadda u ahaa ee ay sirtay habaarkiisii ayaa asiibay.

Cuqubadaas foosha xun waxaa u sabab ah been & khiyaano lagu sameeyay qof daacad ah damacna laga soo riday, kadibna looga baxay oo meel cidlo ah looga tagay.

Waa Qoraa Sarre :

Cabdifitaax Cali samatar jantalman

 

Somalai – Mogadisho

ccsamatar@hotmail.com Tell: 25215127135 

2 thoughts on “Beenta & Khayaanada waa burburiyaha Jaceylka

  1. salan gar ah kadib sxb markan akhriyey maqalka aad so qortey runtii waan naxey waxana u naxey wiilka aad shegayso ee ay gabdha been ku wadey iyo adigaba oo ah qoraaga maqalka sxb gabayga aad shegayso runti wilka tiriyey waxa uu ku dhacey shirki rabbi swt ayuu lashariku sameyey waxad tirey ilaah iyo awliyadan bariyee subxana malikil qudus war war siday wax ka yihiin walal baryada ilahey kliya ayaa la baryi karaa owliyana lama baryi karo walal tel aan kala so xariiro ii sheg san arintan uga hadalno mahadsanid

Fikirkaaga Dhiibo

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s