Shukaansiga Internetka


Shukansiga Internetka
Shukansiga Internetka

Somalida oo ah dad ilbax ah dhinac walba ayaa waxa ay la socdaan aduunka sida wadamada kale markii laga reebo nabad la’aanta oo Somalia musiibo ku noqtay
Marka waa sidee shukaansiga Net ka ?? Yaase ku badan isticmaalkaa shukaansigaas raga iyo dumarka , maxayse tahay in uu shukaansigaa u batay dhinaca xumaanta sida, beenta , khayaanada iwm ah waa Maqaal xiiso badan Aqri

 
Mar Hadii aan soo hadal qaaday mowduucaa sida aan u jeedo dadka aqrisanaya waxa ay u badan yihiin dad sameeya shukaansiga internetka ama dad ku rajo weyn amaba dadka is kanacay oo arinkaa iska daayay

Hadii aan gudaha u galo mowdooceega Shukaansiga Internetka

Shukaansigu waa shay macno leh oo ka dhaxeen kara laba qofood oo kala jinsiyad ah Rag iyo dumar , shukaansigana waxa uu leeyahay mar xalado uusoo maro iyo meel uu ku dhamaado ha ataao wanaag ama xumaan

Marka su’aasha taagan ayaa ah Muxuu shukaansiga internetka oga duwan yahay shukaansiga caadi ah ee Live ka ah amaba kan asiga camal ah ee telfoonka ah

Shunaaksiga internet ka ayaa ah mid badanaa dadka uu dhex maraayo aysan aqoon baaxad weyn isku leheen taasoo ay macquul tahay in qofka aad shukaamineesid aad e-mailkiisa kasoo heshay qof kale ama website yada La isku barto sida Hi5 , Me , Muslima iwm amaba ku nasiibsatay taasoo markii aad kulantaan oo wada sheekeesi aad sameesaan ay noqoneesa in aad isbarasho bilaawdaan sida magacyada oo la is weydiiyo iyo meelaha lakala joogo iyo da’da iyo howlaha ay labada sheekeesanaya qabtaan

Taa ayaa waxa marka ugu horeesa Daaha ka qaadeesa oo jawi cusub u bilaabeesaa Labadaas qof jawi degan oo shukaansi ah Aboowe iyo Abaayo , Huuno ,iyo Walaalo

Kadib waxa ku xiga oo interes lasaaraa sawirada kuwaasoo markii ay is weydaarsadaan sawirada sheeko gaaban ay ka danbeeneeso aad ayaad u qurux badan tahay Maasha allah iyo erayo soo jiidasho leh

Sidaa ayaa lagu wadayaa shukaansiga ayagoo badanaa wax mustaqbal ah aanan laga leheen oo kaliya ay tahay qofkaa ama qoftaa ayaan internetka ka bartay sawiradeedana waan hayaa

Marka qaladka ku jira shukaansiga noocaa ah ayaa ah wiilsha iyo gabdhaha oo badanaa sameeya MULTI-SHUKAANSi shukaansi fara badan ayadoo gabadha halkii mar ay MSN ka ama Yahoo ga ay soo gasho shukaamineeso rag fara badan, wiilshana sidaasoo kale

 

Ujeedada ugu weyn oo ay dadka noocaas ah sameeyaan ayaa waxa ay tahay is barasho ayagoo xataa si aan cadi eheen isku shukaaminaya sida laba qof oo is qabta, ayaa labadooduba waxa ay kala aamin san yihiin in Internet wax laga keeno aysan faa’iido leheen

 

Taasi waa sababta ugu weyn ee keenta is aaminid la’aanta wiilsha iyo gabdhaha internetka isticmaala ayagoo badanaa hadalo been ah isticmaala ama is xayaysiiya

Waa Xagee Meelaha dadka noocaas isku shukaansada ay iska soo helaan??

Waa meelo badan oo waxaa kamid ah qof ka oo weydiiya qof sxb kiisa ah cinwaan gabar ama gabadha oo weydiisa qof sxb teed ah cinwaan wiilal hadii ay heeso

mida labaad ayaa ah Paltalk ga kaaso ah badweyn oo qofkii raba in uu dad uu shukaamiyo kala soo dhex bixi kara dad badan markiiba

Meesha sedexaad waa Website yada shukaansiga iyo isbarashada loogu talo galay sida website yada waa weyn Hi5 , Me , Muslima , Tagged , iwm

Meesha kale ayaa ah website yada Somalida kuwooda Chatingka leh sida
Somalinet.com , Markacadey.net iwm

 

 

Maxay tahay waxa ka qaldan badanaa dadka shukaansiga Internetka sameeya ???

Waxyaabo badan sida :

Beenta oo caado u ah – tusaale magac been ah oo la sheegto iyo wadan been ah oo la dhaho meel hebelaayo ayaan joogaa

Islaweynida – Taasoo ah qof in la dhaho Africa adigoo joogtid miyaa shukaansi ila wadaysaa

Iyo Qofka oo aan ku ekaan hal qof oo uu si daacad ah u shukaansado ee wada dad fara badan taasoo sababeesa in uu san dan ka lahaan qofkan shukaansiga lawada ayna macquul tahay in mudo dheer ay is shukaansanayeen

 

Sidee loo heli karaa shukaansi Internetka ah oo ku dhamaada Mustaqbal fiican iyo Jaceyl sax ah ???

Waa ay fududahay balse qofka waa in uu ogaadaa qofkan uu shukaansanayo hadii ay daacad isku noqdaan haba kala fogaadaan oo meelo kala dheer ha joogaanee in ay is heli karaan Mustaqbalna wada sameesan karaan

1-In ilaahay laga cabsado oo runta la isku sheego dhinac yo badan sida Magcayada , Da’da xaalada uu qofka ku jiro in la qabo in uu wax qabo in la aanan la qabin in uusan wax qabin
2- In la isku soo diraa Sawiro Xaqiiq ah oo xiligaa la is bartay ah aanan eheen sawiro hore

3- In la isku sheegaa ama la isku soo diraa Taariikh nololeedka labada dhinacba sida waqtiga dhalashada , Waalidka , walaalaha , Tacliinta oo Quraanka ugu horeeyo , waxbarashad kale sida Dugis dhexe – sare – ama Jaamacad iyo qofka hada waxa uu hayo iyo meesha uu joogo sababta uu ujoogo waxa uu mustaqbal ka rajeenaayo , xaalada caafimaad siduu awal ahaa iyo sida uu hada yahay , iyo wax alaale wixii nolosha qofka ku saabsan

4- In la isku sheegaa hadii uu jiro lamaane kale uu leeyahay qofka aad shukaansaneeso iyo in kale, hadii uusan jirine in uu awal jiri jirey iyo in kale, hadii ay noqoto jawaabta maya oo lamaane ma jirin sababta keentay lamaane la’aanta waxa ay tahay

5- In la isku sheegaa qof walba waxa uu jecel yahay iyo waxa uu neceb yahay

6- In telefoon la iska qortaa oo si caadi ah loo wada hadlaa

7- In lasameestaa xiliyo qaas ah oo internetka lagu sheekeesto

8-In qof walba qofka kale hadalada uu udiraayo noqdaan kuwo naxariis iyo jaceyl ku dhisan yihiin

9- In wax walba laga hormariyo Ilaahay cabsidiisa iyo runta taasoo sabab u noqon karta in xataa hadii lakala fog yahay mar un la is arko oo jaceylkii natiijo laga gaaro

10- In mar walba xaaladaha la iska wareesto oo wixii cusub sidaa lagu ogaado

11- In qofka kan kale uu la taliyo asigana talo ka qaato

12- Iyo in hadii la isku xanaaqaa ama la is qilaafaa qofba qofka kale dajiyo oo wanaag iyo heshiis lagu dhameeyaa

13- In Balan la isla dhigto dhinaca guurka oo xili la qabsado si ay meesha oga baxdo in qofka adigoo jaceyl wadaan uu qof kale iska guursadaa ama ay qof kale guursataa lgana dhabeeyo Mustaqbalka shukaansiga daacada ah ee wadaaga lagu wado

 

Intaa hadii sida ay tahay loo Sameeyo aniga axmed Kadiye ahaan waxaan aamin sanahay in la heli karo laba qof oo internetka ka sameesa Jaceyl dhab ah mustaqbal wanaagsana ku dhamaada xataa hadii ay calaf isku heli waayaan ,ay noqon karaan laba qof oo walaalo ah aadna isku xishmeeya

Ogoow sidaa in la sameeyo waa easy (fudeed) waxana ka dhalan kara in aad qofkii sidaa aad isku jeclaateen markii aad is aragtaan , is aragiinu uu noqdo mid xiiso badan oo wanaag iyo farxad jaceyl leh

 

 

Intaa ayaan kusoo gabagabeenayaa waxaana ugula dardaarmayaa Dhamaan walaalahayga Somalida Wiil iyo gabarba in ilaahay laga cabsado oo wax walba run laga sheego

Khaasatan waxaan codsi yar u jeedinayaa dhamaan inta jecel in ay sameeyaan shukaansi dad fara badan ah oo internetka, aamin sana in shukaansiga internetka wax cilmi ah aan ku dhisneen, ay hal mar tijaabiyaan daacadnimada kuna ekaadaan hal qof wanaaga iyo naxariista shukaansiga internetkana tijaabiyaan isku dayaan in ay mustaqbalkooda ka dhex helaan meeshaa

 Aloow Dalka Noo Hagaaji

Wabilaahi Towfiiq


By: Axme Cabdullahi Axmed Kadiye

Madaxa Webka SomaliAction.tk

E-mail: Axmed_kadiye@hotmail.com

18 thoughts on “Shukaansiga Internetka

  1. anigoo ah wiil soomaaliyeed waxaan aad u jeclaan lahaa in aan wax kafahmo mooduuc yadaan waxaana umaleenaa dadka walaaha oo is ticmaalo barnaamij kaan in aan kaheli doono soo dhaween wanaag san baay

    • qalanjo runti wa lavis amina anigan kula hadlaya aya aminay aqirna wan is gursanay in kasto hada jabo dal o kala fog an jogno ana u s a ayan joga asagana kenya ayu joga awalna nimbuzz ayan iska baranay waliba chatroom kaso aha qolka nasibka jaceylka marka walashey wa la is amina runti

  2. qalanjo,, runta miyad didantahay,, walalken waxa sax ah aayono shegay,, marka kuu wano qado,, mise adiga aya shukansiga kunka kuu jira miya,,,

    waxan kuu dhihi laha kuu cilmi qato,,

  3. asc dhammaan dadka afka somaliga ku hadla
    bacda salaan waxaad moodaa in dadkii ay kala aamin baxeen
    waayo dumarkii marka la yiraahdo shukaansi waxaa moodaa ia aaminaadii raga ka dhammaatay
    waa jiraa mid xun iyo mid wanaagsanba walashay

  4. aduunka waad arkaysaa wax kastaba
    beenta ma sheegaan raga oo kaliya ee wa alaga wada siman yahay dhammaan,
    lakiin muhiimada waa kalsoonida iyo aaminada

  5. اسلام عليكم ورحمةالله ‎ وبركاته waan idin salaamay walaalaheyga qaaliga ahow salaankadib ‎‏ كل عام وأنتم بخير كل سنه وأنة طيب‎ intaa kadib walaalayaal kheyr iyo barko allaha siiyo walaalken axmed kidiye maxaa yeelay waa wiil somaliyed hadana muslima waana walaal aad u fiican ‎‏ والله إني لوحبك احمد كذي‎ walaal alle dartii ayaan ku jaclahay marwalibana waxaan kuu dardaarmi inaad waxyaabaha wanaaga ahna uso gudbiso tankale qofkas dhahayay waa ben wuxu shegi walalken axmed isku xisho dadka wax wanaga ah ku shegayo sidaa lama dhoho waxaana idiin rajeynayaa wanag iyo caafimad fara badan اسلام عليكم ورحمة الله وبركاته ‎

  6. walaalyaal waxaan u malaunayaa in ay isdaalinayaan dadka internetka iskashukaansada hadana aan isbaba aqoon kabadarane kalajooga meelo aad u kalafun aday saas tahay waxaan ku talin lahaa in soomalida kala carartay aynan is warerin midwali meeshuu joogo jacaylka karaadiyo

    by aamin

  7. kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

  8. walee waa cajiib waxan lakalawadaa anihu fahmimaayo kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

  9. Aqyarta horta dhalinta internatka waxay u galaan wa waqti lumis majiro ruux mustaqbalkiisa internetka ka raadinaayo internatka waxay u galan baashaal o kaliya , ruuxi is raacsiiyo asay dhibee , internatku dhinaca chatatka waxa iskugu imaado caruur, dhalinyaro duqooshinna kama marno mesha kkkk , anigu waxan internatku bilaabay 2004gii ila hada wan isticmaala wax faaido ahna kama keenin waxan ka ahayn waqtigo iga luma”

  10. horta kow asc all kadib marka aan fiiriyey dadka meeshaan ku murmayo kediyo thanx horta arintan mar waa lagu najaxaa marna waa lagu guul dareesta mark aniga hada qofta aan qabo qadkaan iska baraney xariirkena wuu guuleystay marka saas cml wey dhici kartaa saas ay tahay meelo kala fog joogay allena calf naysku key daray marka hada dhalinyarada aaminsan in qadka waxa laga barto ay false yihiin
    waxan dhihi lahaa taas majirto every thing is possible

  11. asc dhaman aqyarta aniga waxa ra.yigegu yahay wax walbe wa macqul waxeyna ku xirantahay 2da is shukansanaya oo si.dacad ah isula hadla isna amina runta isu shega

  12. Asc walala yal waxa jira leyahay dadka iska barta internetka waxay ubadan yihin kuwo ben badan rag iyo dumar kuwas waxan leyahay alle kabaq haday jirto gbr fcn dacad ah ha igala so xarirto te kayga muqdisha somali 0025215190452 mahad sanidin

Fikirkaaga Dhiibo

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s