Habeen laylatul qadri ah ayaa aragii indhihiisa usoo laabteen


laylatul Qadr

Laylatul Qadri

laylatul QadrNin Masaari ah oo indhoole ahaa ayaa waxa uu aragiisii usoo laabtay habeyn laylatul qadri ah kadib 18 sano oo uu indha la’aaAl xamdulilaah..Ninkaan ayaa dhaqaatirta indhaha ee joogta magaalada Al aqsar ee taariikhiga ah ayaa horey wax ay oga daaleen sida ay ninkaan ku daweyn lahaayeen .. Dhacdo cajiib ah sii Aqri 

Ninkaan indhoolaha ah oo lagu magacaabo XASAANI ayaa waxa uu jiraa 50 sano asigoo indho beelay sanadku markii uu ahaa 1987 kadib markii uu ku dhacay xanuuno fara badan

Dhaqaatiiirta Magaalada uu degan yahay xasaani ayaa waxa ay ka deeriyeen daweynta indhahiisa

Balse Habeen Laylatul Qadri ah ayaa waxa uu raacay nin sxb kiisa Al Xaaj Axmed Xuseen( sida habeenadii kale ee ramadaanka ) si ay ugu soo gutaan salaada taraawiixda ah iyo tahajudka masaajidka Al- Catiiq ee koonfurta Xaafada Al Aqsar

Balse Habeenkii saq dhaxe asagoo masaajidka jiifa ayaa waxa uu arkay Riyo iftiin iftiin ah – taasoo uu diiday in uu sheego – kadibana waxa uu dareemay gariir hadana qaboow ayuu sii dareemay waxa  uuna sxb kiis ka codsaday in uu guriga u kaxeeyo

Intii guriga loo sii waday oo asiga iyo sxb kiis isla socdeen ayaa waxa uu dareemay in qof kale uu la socday, markii guriga lageeyay ayaa waxa uu damcay in uu Xamaamka ( suuliga – Musqusha ) galo , balse qofkii Iftiinka camal ahaa ee la socday ayaa waxa uu ku dhahay maya ha aadin musqusha ee aad qolkaaga jiifka ah
Sida uu sheegayo wargeyska Alra’y alcaam ee kasoo baxa kuweit markii ninkaan uu isku tuuray sariirta ayaa wax kor imaaday qoyskiisa ayagoo kor saareen buste iyo go’ iyo waxyaabo badan kadibna waxa uu ka codsaday in ay ka qaadaan dhamaan waxaas oo dhan uuna qaboow dareemaayo una jeedo ayaga aragii indhahiisana ay u soo laabteen

wajiga ugu horeeyay uu arkana uu yahay wiilka ay walaashii dhashay oo lagu magacaabo Naasir 18 sano oo uu indho la’aa kadib

Alaahu Akbar      –     Subxaanalaaaaaaaah  – Laa xowla walaa quwata illaa bilaah

Xasaani ayaa sheegay in Ramadaanka niskii dambe oo dhan uu ku jiray caafimaad yar oo dhinaca indhihiisa ah iyo asagoo sheegay in uu ku riyooday asigoo wiilkiisa u saxiixaya shahaadada Iskoolka kaasoo uu wakiil uu kahaa riyadiina sidaa ay u romoowday

Farxada waxaa kaloo la qeybsaday dhaman dadkii degana xaafadaas Al Aqsar ayagoo ugu hambalyeenaayay aragiisii oo usoo laabtay iyo ayagoo ilaahay u mahad celinayay

Naxariista ilaahay uu ninkaa siiyay ayaa eheed mid aad u weyn asagoo ninkaan xataa arkay caruur uu dhalay intii uu indhaha la’aa
Zeynab 10 sano , Maxamed 5 sano iyo Cabdiraxmaan Sadex Sano

Wabilaahi Towfiiq

Anagana ilaahay waxaan ka codsaneenaa in leylatul qadrigaan nabad nasiiyo oo itoobiyaanakana jabiyo dadka dhaawaca ahna caafiyo intii naga dhimatayne u dambi dhaafo iyo dhamaan Muslimiinta

By: Ahmed Abdullahi Ahmed Kadiye

Madaxa Webka Somaliaction.tk

E-mail: Axmed_kadiye@hotmail.com


One thought on “Habeen laylatul qadri ah ayaa aragii indhihiisa usoo laabteen

  1. asc walaalahama sha alaaah ilaah wax waliba wuu aboodaa ilaahha nuu naxariisto ilaah baa ah qafuuru raxiiim jasaakalah qeyr axmed kadiye waana jec laan lahaa in leela soosocodsiiiya waxii cusub oo sookordha

Fikirkaaga Dhiibo

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s