Jaceylka iyo Saamaynta uu Leeyahay


Jaceyl
Jaceyl

Maanta Maanta Maanta Waxaa Miiska Noo Saaray Ooo Aan Falaqayneynaa Sida aad Uga Barateenba Bahda SomaliAction.tk Iney Kaa Jaahil Bixiyaan oona ku soo Ban Dhigaan Arimaha Bulshada Iyo Jaceylka Dacdooyinka Maantana waxaa Saaxiibkiina Cabdifitaax Jantalman Idiin Soo Bandhigay …

Inta aanan u guda gelin qormadeena maanta aynu waxyar ka orano waxa uu yahay jaceylku,

Jaceylku waa dareen iyo dareensiin,dareensiin ah waxaad tahay ayaan kugu rabaa,waxaad tahay ayaan kugu oggolahay,aniga iyo adiga waanu is leenahay ama isku mid baynu nahay, aniga ayaa ku raba ama ku doonaya,keligaa nolosha kuma tihid,garab ayaan kuu ahay,igu tasho ina tirso, ogow in aan diyaar kuu ahay markasta iyo meel kasta,iyo in aanu dareeno oo macnaheedu yahay sida:degganaansho ku yimaada ruuxeena,dareen farxad ah,xiiso isku qabid,daaweyn nafsadeed ama caafimaad,jaceylku waa wax aanu  dareemayno,haseyeeshe adag tahay in aanu cabbirno ama qeexno lana falgalaya maskaxdeena ama taabanaya ruuxeena.

Jaceylku wuxuu isku sixraa dadka,wuxuu isku xiraa ama is dhaxal siiyaa ama is hantiya labo qof oo aan waxba isku ahayn,halka uu kala eryo ama kala kaxeeyo waa haddii uusan jaceyl ka dhex jirin labo qof oo wada dhalatay ama ehel isku ah, jacaylku wuxuu na siiya awood haddii aanu weyno ama nala siin waayo waxaa ka taga nuurka meelo ka mid ah nolosheena,la’aantiis waxaanu noqonaynaa wax aan jirin ama qiima beelay.

Jacaylka ka dhexeeya wiilka iyo waalidka ama waalidiinta iyo carruurtooda ayaa kala geddisan, abbaha jaceylka uu u hayo carruurtiisa ayaa ah dareen ma guuraan ah kagana jirta lafaha, haseyeeshee isaga uun sir u tahay ama aan ka bad-badin oo si xoog ah u muujisan, jaceylka aabbaha uu u hayo carruurtiisa waa mahadin ama ku faraxsanaan in uu aabbe yahay iyo in uu si xoog badan ugu damqado ubadkiisa haddii dhib soo gaaro,haddiise ay ku guulaystaan noloshooda uu dareemo guushaas ilmahiisa gaareen mid ka sii badan in uu ku guulaystay, halka hooyada ubadkeeda jaceylka ay u hayso uu ka soo go’ay ruuxeeda yahayna dareen wel-wel joogta ah ama armay dhibtoo soo gaartaa carruurtayda iyo in aysan weligeed sii daynin carruurteeda yacni anigaa dhalay aniga ayuuna iga mid yahay.

Carruurta marka ay waaweynaadaan iyo marka ay yar yihiinba ayaa iyaguna jaceylka ay waalidkooda u hayaan labo ugu weyn tahay:qiimayn badan oo ay waalidka u hayaan iyo in la isku duubnaado ama hal qoys aanu ku joogno,haseyeeshee waxaa taas daba socda labo kale oo ah:in ay had iyo jeer maqlaan ama waalidku dareensiiyo aniga ayaa ku dhalay,waana kugu faraxsanahay, ama baahi u qabaan hadallada macaan ee waalidka sida ducada iyo ammaanta waalidka iyo mida labaad oo ah in ay dareemaan denbi ah kaalintaydii kama soo bixin ama waalidkayga uma aanan abaal gudin,waxaa kaloo carruurta aad u dhiba ugana danqadaan jirrada ama xanuunka, gabowga iyo tabar darrada ku dhaca waalidiintooda.

 Jaceylka waalidka iyo carruurta ka dhexeeya iyo dabcan midka labada is qabta oo ay bulshadu ka bilaabato waa bilowga jiritaankeena ama dadnimadeena.

Haddaba jaceylka ayaynu siyaabo kale duwan u dareenaa waana sidan hoos ku qoran:

Jaceylka carruurta marka ay dhashaan ama yar yihiin wuxuu u yahay nafaqo ama raashiin,

haweenkana wuxuu jaceylku u noqdaa markhaati ah in ay jiraan ama siiya aqoonsi iyo dareen ah waxaad tahay qof qiimo leh waana kuu baahanahay halka uu raggana ka dhigo jaceylku mas’uul siiyana degganaansho iyo in ay si fiican u karaan ama maskaxdooda ka shaqeeysiiyo.

Aanu ku horrayno carruurta

Carruurta jaceylku wuu u koriyaa sida raashiinkuba u koriyo oo kale,barbaarinta ilmaha waxaa aasaas u ah  in lagu xafido ama daboolo korkooda iyo ruuxooda yar jaceyl badan, jaceylku wuxuu diiriyaa carruurta oo wuxuu ka celiya dhaxanta iyo dabaysha,wuxuu kaloo uu dhowra carruurta jaceylku waxyabihii wanaagsanaa ee uu Alle u siiyay hibada ama haddiyada, isagoo u abuuran kuwo kale oo aad u wanaagsan.

Jaceylka ay labada waalid gaar ahaan hooyada ubadkeeda ku koriso waa midka keliya ee ka  dhigi kara ilmahaas bani’aadanka dhab ah.

 Sidee ayay haweenku u dareemaan jaceylka?

Haweenka jaceylka waxay ka helaan qurux ama waxa uu si toos ah u taabtaa jirkooda,wuxuu jaceylku haweenka dareensiiya nolosha dhabta ah, wuxuu kaloo jaceylka haweenka siiyaa tamar badan ama Energy oo waxay awood u helaan in ay shaqo aad u fara badan qabtaan, tusaale ahaan haddii ay haweenaydu si dhab ah ay u jeceshahay ninkeeda isagana sidoo kale u jecel yahay waxaa la sheegay in ay soo saarto ama samayso hormoonka la yiraahdo adrenaline oo ay awood u leedahay in ay qabato shaqo ka badan oo aan marnaba u dhigmi karin midda ama gabadha aan  sidaas loo jacleyn, haweenka wuxuu jaceylka u diidaa ama ka yareeyaa buuqa iyo dagaallada, wuxuu kaloo ka kaxeeya murugta, welwelka, iyo gabowga, wuxuu jaceylka ka caawiya ama ka kaalmeeya haweenka korinta carruurta oo waxay ilmahii ku korinaysa deggnaan iyo kalgacal badan.

Hormoonkaas ama dheecaanka aan kor ku soo sheegnay ee la yiraahdo adrenaline waxaa sameeya kelyaha dadka,wuxuuna aad u sameysma xilliyo gaar ah sida marka aanu nafteena u yaabno oo doonayno in aanu is badbaadino, tusaale ahaan maahmaahdii oranaysay naftu orod bay kuugu aamintaa,waxaa laga yaabaa in aad meel dheer ka soo boodid adiga oo doonaya in aad ka badbaadid wax qatar kugu ahaa,haseyeeshee aadan waxba noqonin xitaa uusan ku soo gaarin dhaawac yar taas waxaa sababay hormoonkii adrenaline markii aad soo boodaysay kugu saaqnaa oo maba aadan ogeyn goor aad soo booday, laakiin adrenalineka uu sameeyo jaceylka waa mid joogta  ah wuxuuna dareemaya qofka in uu ku nool yahay nolol farxad leh halkaasna uusan ku qasaarinaynin tabartiisa in uu ka fekero waxyaalo kale oo niyad jab ama murugo kale ah oo ka fuuqsanaya tabarta halkaasna uusan awood u heli karin waxyaalo kale oo faa’iido badan u lahaa ama waxaa laga yaaba in uu tabar badan ku bixiyo in uu dhibaato badan u geysanaya bulshadii ku dul wareegsaneyd ciil daraadiis ama ku ciil baxaya

Hormooonka adrenalineka waa nooc ka mid ah daroogo faai’iido leh maadaama uu ka sameysan yahay tamar aad u fara badan dadkana siiya awood fara badan,cayaartoyda qaarkood ayaa isku muda ama isku dura adrenaline macbil ah oo la sameeyo si ay tabar badan u helaan oo ay ku guulaystaan cayaarta ay cayaaraan, haseyeeshe looma oggola in ay arrintaas sameeyaan waana laga joojiya cayaarta ama xilli kooban laga eryaa in ay cayaaraan haddii korkooda ama jirkooda laga helo adrenaline.

Faa’iidada ay haweenku ku qabaan jaceylka ma’ahan mid aanu halkan ku soo koobi karno, waxaa qasab ku ah ragga Soomaaliyeed in ay haweenkooda ku dhaqaan ama kula dhaqmaan jaceyl iyo rabitaan badan si bulshada isku duntay ay u dhisanto, bulsho waxay ka bilaabata haween waxaana dhisi kara haween la jecel yahay.

Haddiise aad aragtid ama ogaatid sida jaceylka ragga qudhiisa uu raad weyn ugu leeyahay noloshiisa iyo tayadiisa ama waxtarkiisa waxaadba is leedahay qoyska iyo bulshadaba kama soo haraan ama wuxuu ku kooban yahay oo ma soo dhaafo raga

 

                    Waa Qoraagii Da’da Yaraa Cabdifitaax-Jantalman—

Cabdiditaax Cali Samatar Jantalman

Tell:25215127135

E-Mail:ccsamatar@hotmail.com

Somalia-Muqdisho

2 thoughts on “Jaceylka iyo Saamaynta uu Leeyahay

Fikirkaaga Dhiibo

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s