Rag iib Ah ( Men 4 Sale ) !!


Rag iib ah

Rag iib ah

Rag iib ah waa title ka sheeko xiiso badan oo aan idiin ahyo
balse su’aal gaaban inta aadan sheekada uguda galin
Maxaad isleedahay ragani iibka ah duruufta ku qasabtay in ay tahay ?? yaase iibsanaya ragan ???
Sheekadan cajiibka ah aqri

Lubnaan waa wadan carab ah oo islam ah inkastoo gaalo sidaa uu leeyahay

waxa dhacday magaalo ku taala wadankaasi lubnaan in laga furay rug ganacsi ah oo lagu iibinayo raga

Rugtaas waxa ay awood usiineesaa in dumarka halkaa imaada ay ninkii ay ka helaan la baxaan kadibna iibsadaan oo gurigooda ay geestaan

Rugtaasi raga lagu iibinayo waxa ay ka kooban tahay dabaqyo iskorsaaran oo dabaq walba koox rag ah oo cayiman ay ku jiraan

Naag ayaa waxa ay imaatay rugtaasi lagu iibiyo raga si ay u iibsato nin wanaagsan oo ay isleedahay waa uu ku qancin karaa

waxaana sharci u ah rugtaas naagtii nin raadineesa oo meesha imaata hadii ay dabaq fuusho in aysan usoo laabaneenin dabaqii hoose oo ay dhaaftay

Marka ay soo gashay rugta dabaqii koowaad waxa ay ku aragtay qoraal meesha ku yaala oo ah ( Raga dabaqan ku jira waa rag Shaqooyin heesta ilaahayna rumeesan )

Dabaqa labaadna waxaa lagu qoray ( Raga dabaqan ku jira waa rag shaqooyin heesta ilaahayna rumeesan ilmo in ay dhalaanna jecel )

Dabaqa sedexaad waxaa lagu qoray ( Raga dabaqan ku jira waa rag shaqooyin heesta ilaahayna rumeesan ilmo in ay dhalaana jecel muuqaal soo jiidasho na leh )

Naagtii waa ay yaabtay oo waaaaaaaaw ayay dhahday balse sii soco ayay is dhahday

Dabaqa Afaraad waxaa lagu qoray ( Raga dabaqan ku jira waa rag shaqooyin heesta ilaahayna rumeesan ilmo in ay dhalaana jecel muuqaal soo jiidasho na leh diyaarna u ah in ay xaasaska soo doonta ka caawiyaan shaqooyinka guriga )

Hadana naagtii indhaha ayay taagtey oo yaab ayay gashay ilaahaw ayay dhahday balse aan iska sii socdo ayay is dhahday

waxa ay gaartay dabaqii shanaad waxa ay ku aragtay qoraal ah ( Raga dabaqan ku jira waa rag shaqooyin heesta ilaahayna rumeesan ilmo in ay dhalaana jecel muuqaal soo jiidasho na leh diyaarna u ah in ay xaasaska soo doonta ka caawiyaan shaqooyinka guriga sidoo kale ragaani waa rag aad ugu firfircoon shukaansiga qancin karana qoftii iibsata )

Way faraxday naagtii balse wali ma aysan istaagin oo waxa ay fuushay dabaqii lixaad 6

waxa ayna ku aragtay qoraal ah

Waad mahadsantahay marwo waxad tahay Qofkii 436,201,500 ee soo booqda meeshan dabaqana soo gaara

sidoo kale waxaan kuu sheegi leheen dabaqan in uusan joogin wax rag ah ayna suuro gal kuu noqoneenin in aad dib u laabato oo dabaqyada hoose aad rag ka iibsato

Marka dabaqa 6 aad waa dabaq lagu ogaday in naaguhu ay adagtahay sida ay wax ku iibsadaan mar ba mid ba kan uu ka fiican yahay raadiya qofkii soo raacana uu daalayo

kkkkkkk

Sxb sheekadaan waxad u dirtaa Gabar walboo qosol weyn waxaan kawadaa gabar walbo oo marka ay qosleeso dariska ay qosolkeeda maqlaan iyo dhamaan naag walba oo nin raadis ah …. si ay ugu ekaato sxb ka kowaad

Mahadsanid

Axmed cabdullahi Axmed Kadiye
By: Axmed cabdullahi Axmed Kadiye

Madaxa Webka Somaliaction.tk
axmed_kadiye@hotmail.com

3 thoughts on “Rag iib Ah ( Men 4 Sale ) !!

  1. aniga runtii aad ayaan ula dhacay sheekadaa balse wa yab lkn aduuydan wax walibo waa la arkay kkkkkkkkkk lkn aniga maku racsani walaalkey cabdi qafaar hay maxad ugu farxady in nin lagato walaal adiga raliya mida kale qoraga sare ee axmed kadiye masha allah aniga \]waa klaga mahda celinay sheekad aadka wangasan dhamna waa salaamay asxbta wabka aniga wax hay qof ku cusub wabka salna sare abwan kadiye

Fikirkaaga Dhiibo

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s