BUUGII JACEYKA BAALKIISA KOOWAAD


Al- Ustad Cabdalla Nurudiin
Al- Ustad Cabdalla Nurudiin

Sheekadan waxaa qoray abwaanka weyn ee Somaaliyeed C/lla Nuuradiin Axmed, waxay toddobaad waliba ku soo baxdaa Qormo ka mida majallada, waxaadna la socon doontaan qeyb waliba oo soo baxda insha Allaah

Qeybaha 27,28,29aad

“Magaceed?” ayuu hadana ku boobsiiyay, waxayna ku tiri: ISMAHAAN ayaa la yiraahdaa, ayuu Axmed la soo booday: “Ma kuu sheeginoo inay iyada tahay, Maxamuud ayaa ku soo jeestay oo weydiiyay: “Ninyahow Ismahaanta aad rabto armay ahayn oo Ismahaan-Ruun tahay?, Axmed oo aanu shakiba ku jirin ayaa ku adkeystay: “War waa iyada toban dhaar baan ku mari karaa…”.
“Hadda ayaa fursad fiican heysataa ee inta aad Badw-eyn ku hafan lahayn orodoo xogheynta weydii in la qabo iyo in kale” ayuu Maxamuud soo jeediyay laakiin Axmed aya ka caga jiiday isagoo leh: “Adigaa iiga fiican saaxiibow ee noo weydii intaanan taraarixin”, gabadhii xogheynta ahayd oo laf ahaanteeda la yaaban arrinta murugsan ee labadan wiil heysata iyo baaritaanka ay ku jiraan ayaa mar kale Maxamuud oo indha isku qabqabanaya u soo dhowaad oo ku yiri: “Naga raali ahow su’aal aan munaasib ahayn ayaan ku weydiinayaaye gabadhan Ismahaan miyaa la qabaa?” intii aysan u jawaabi ayay qosol xishood ku jiro ku laran yahay ku tiri: “Maxaad abtigaa u weydiin weyday?”.
Maxamuud oo jawaab la’ ayaa yiri: “Abaayo waad ogtahay Abti inaan waxaan oo kale la weydiin karin ee fadlan ii sheeg” markii ay baryo gaartay ayay tiri: “Haddii aysan wax u qarsooneyn ilaa iminka wax kuma maqal”, intii uu doonayay markii helay, isagoo sii socda ayuu “Mahadsanid” sii lahaa, Axmed ayuu u yim-id oo hoos u foorara, markii uu weydiiyay: Maxaa ku helay ayuu yiri: Wuxuu wadnuhu ila istaagi gaaray haddii aysan wax u qarsooneyn!!!”. wuxuuna su’aalo ka keenay sida xaalkeeda hoose loo ogaan karo.
“Sida ay kuu qaabisho oo ay kuu soo dhoweyso ayaa laga arki doonaa” ayuu Maxamuud yiri una daba dhigay: “Warqaadan iga qabo waa boono ay ku qoran tahay 300 shilin wuxuu iigu soo dhiibay walaashii ee orodoo Xafiiska ay joogto Ismahaan ka soo qaad halkaasina sheekadaada uag bilow”, Axmed oo isu qaatay inuu horjoogo Ismahaan ayaa dhidid ka soo daatay oo yiri: “War ma waalan tahay, ma Ismahaan ayaa sahalkaas ugu tegi karaa iyadoo aan waxba ka horeyn oo hordhac iyo faallo la’aan ah, haddii aan tago xafiiskase xagee hadalka ka bilaabayaa, waxaan ka baqayaa inaan isku dardarsamo waayo xitaa ardaynimadeedii way iga burji adkeyd.
Maxamuud oo ka biyo diidan dooda saaxiibkii ayaa yiri: “War miyaadan i lahayn waan ka hurdi waayay, waan ka nasan waayay…Waan…, hadda orod oo meesha iska qaad dantaadana qabso” Axmed oo aan weli qanacsaneyn ayaa haddana yiri: “Waa yahahe adiga ciidan iska dhig oo iigu yeer, waxa aad ku tiraahdaa ma taqaan: Nin dacwad kuu qaba ayaa albaabka kuu taagan”. Axmed oo qoslaya ayaa xafiiskii Ismahaan soo abaaray…

Maxamuud markii uu danihiisii ka dhameystay xafiiska oo sidii uu gabadha u eegayay indhihii daaleen lacagtiina soo qaatay ayuu su’aal yool baar ah ku weydiiyay: “Horta walaaley Ismahaan ma adigaa?”, iyadoo dareen galay ayay ugu jawaabtay: “Haa… ee maxaa dhacay?”, “Nin dacwad kuu qaba ayaa xafiiska madaxa warshada kuu fadhiya…” intii aanu dhammeyn ayay ka soo dhex galay: “Oo muxuu rabaa oo iga tabanayaa iguna sheeganayaa?” ayay isu daba dhigtay.
Maxamuud ayaa yiri: “maya.. ee waxa uu Warshada u yimid sida uu sheegaayay adiga awgaa aad iyo aad ayuuna kaaga sheeganayay…” “Qof aan eed ka galay oo aan xusuusto ma jirto, haddiise ay jiraan waa la arki doonaa adiguse ma taqaanaa qofka dacwada ii qaba warka badan iska daaye?” “Haa..a” ayuu Maxamuud ugu jawaabay “Magaciis?” ayay haddana weydiisay “Axmed Ilyaas” ayuuna yiri.
“Haddii uu yahay midka aan aqaanay Axme-Ilyaaska aad sheegeyso isaga ayaaba eedeysane ah sida uu iiga baxsadana wey adag tahay” Maxamuud ayaa dareen galay oo yiri: “Goormee eeda kaa galay goormaase kugu danbeysay, xagee ayay ahayd meesha uu denbiga kaaga galay?” markii uu su’aalahaas badan is raaciyay ayay qosol yar kadib ugu jawaabtay: “Horta adigu ma Xeer ilaaliye ayaad tahay sida aad wax u baareysaan arkaaye mise Qareenkiisaad ahayd ama saaxiibkii oo xog iga baaraya?”.
Maxamud ayay talo ku caddaatay oo xaalkiisii l kashif-may wuxuu isku dayay inuu tuhunka ka saaro: “Khalad ayaad iga fahamtay, waxaan kuu sheegayaa marka hore Axmed waa saaxiibkey, aniga ayaana kula taliyay inuu ku dacweeyo mar haddii uu kaa harsan waayay kaana hurdi waayay”, iyadoo dooneysa inay wax sii ogaato ayay weydiisay: “Oo deriskeyga maahee sidee buu iiga harsan waayay iigana hurdi waayay?!!!!”, muuqaalka jirkeeda iyo quruxdeeda ayuu la yaabanaaye wuxuu u qaadan waayay dood wanaageeda iyoi cod-karnimadeeda, “Maya…. Deris ma tihiin taa anigaaba qiraya”, ayuu yiri markii hadalkii ka hadakay ayay haddana weydiisay: “Haddaba eeda uu iga tabanayo maxay tahay halkee ayaan isku aragnay oo aan eeda uga galay?!!

Maxamud ayay talo ku caddaatay oo xaalkiisii la kashifmay wuxuu isku dayay inuu tuhunka ka saaro: “Khalad ayaad iga fahamtay, waxaan kuu sheegayaa marka hore Axmed waa saaxiibkey, aniga ayaana kula taliyay inuu ku dacweeyo mar haddii uu kaa harsan waayay kaana hurdi waayay”, iyadoo dooneysa inay wax sii ogaato ayay weydiisay: “Oo deriskeyga maahee sidee buu iiga harsan waayay iigana hurdi waayay?!!!!”, muuqaalka jirkeeda iyo quruxdeeda ayuu la yaabanaaye wuxuu u qaadan waayay dood wanaageeda iyo cod-karnimadeeda, “Maya…. Deris ma tihiin taa anigaaba qiraya”, ayuu yiri markii hadalkii ka hadakay ayay haddana weydiisay: “Haddaba eeda uu iga tabanayo maxay tahay halkee ayaan isku aragnay oo aan eeda uga galay?!!
Maxamuud ugu jawaabay: “ Ismahaaney Af jooga looma adeego isagii ayaa Warshada maanta dhinac ka jooga, idinku kala gar baxa, dad fiican ayaadba tihiin haddii ay gar idin gasho ama idinka baxdo. Ismahaan ayaa tiri: “Ee wax yar i suga, xisaab xir ayaan ku jiraa waan idin imaanayaaye”.
Maxamuud oo niyada iskala hadlaya: “Wallaahi inaan ku maleyneyin haddii uu Axmed Cirka soo leefo inuu tan heli karo waxaadba moodaa tii la yiri: “Ilaa ciribta hoosiyo tinta caaradeeda cad xun kuma arkeysid, …walee Axmadow hurud ama dhafar howl ayaa kuu taala” ayaa ku tegay Axmed oo sugi la’ waxa ka soo yeeri doona gabadhii uu farriinta u dirsaday, markii uu Axmed arkay saaxiibkii oo isku maqan oo hadal aan koontarool lahayn ka socdo ayuu inta gacanta kaqabtay ku yiri: “War maxaa dhacay oo Ismahaan kuu soo raaci weyday ma Teesaraha ciidanka ayay ku weydiisay oo qorshihii baa fashilmay”.
Maxamuud oo su’aasha Axmed qeybteedii danbe ku soo baraarugay ayaa yiri: “Yaaba intaas isla gaaray mar Alla markii aan magacaada u sheegay oo aan iri: “Axmed Ilyaas ayaa xafiiska kuu fadhiya oo dacwad kuu qaba ayay iyadoo careysan tiri: “Ma inankii xumaaye Jallaatada iibin jiray ayaa dacwad aniga ii qaba?!!!, muxuu naga rabaa mar haddii shaqadii ka erinay oo xaqiisii aan siinay, marag iyo marqaati ayay lahayde, hal Shaati iyo hal Surwaal oo duug ah ayaa Maqsiinka u yaala haddii uu rabo ha soo doonto dacwad naga dhaxeysaa ma jirtee?”.
Axmed ayaa talo ku caddaatay oo cirka eegay wax uu sameeyana garan waayay, wuxuu la yaabay sababta ay isugu soo aadeen wiilkaa xunka ah iyo dantii uu lahaa oo uu ka qasay.
Markii ay Ismahaan u soo dhowaatay xafiiskii ayaa gadaal looga yeeray: “Ismahaaney Telefoon baa kuu yaal” markaas ayay iyadoo socod boobeysa xafiiskeedii dib u laabatay, Axmed oo xaaladeeda isha ku hayay ayaa isagoon is ogeyn yiri: “Dib ayay u noqotay”, Maxamuud oo uga sii daraya ayaa ku yiri: “Ma laha adiga ayay ku aragtay markaasey wejiga ku siin weyday..”, “Maya,… haddii ay i arki lahayd wax kasta oo ay kasoo tagtay uma laabateen”, qosol ayuu uga jawaabay saaxiibkii oo niyada ka xusuustay hadaladiisii ahaa: “Maryan cid aan aniga ahayn inay la hadasho ama la ciyaarto ma jecla” markaas ayuu Axmed u jeestay oo yiri: “Iyadaa imaan doonta oo wixii ay dib ugu noqotay sheegi doonta”.
Gabadhii Warshada oo ku soo noqotay halkii ay fadhiyeen ayaa u sheegtay inay dib ugu laabatay madaxa Warshada oo Telefoon u soo diray. “Hadda ayay soo socotaa” ayayna u sii raacisay, “War Mindiyaha afeyso way ku soo heysaaye” ayuu Maxamuud ku dhiirigeliyay saaxiibkii, Axmed oo hadalada saaxiibkii ka careysan ayaa yiri: “Horta adiga kula hadli maayo agtaadana ma joogayo foorjadaada ayaa badatay inta aysan imaan ayaanba ka hortegayaa”, “Jab iyo guul wixii aad kala kulantaba cadowgaada ma ahi ee horumar ayaan kuu rajeynayaa”.
Markii ay intaas is dhaafsadeen ayaa gabadhii ku baaqda inay soo socoto Ismahaan, Axmedna maba sugine socod ayuu dhinaceeda u qaaday dhexda ayay ku wada kulmeen, isagoo aan salaamin ayuu marada faraqeeda ka qabsaday, Ismahaan oo yaaban ayaa tiri: “Maxaa ku dhacay?.
Waxa uu yiri:
Dacwaan kuu qabaa Ku deyn maayee, adaa I dilee I daawee
Waxay tiri: Daruurta Cishqigaa dusheyda martoo ruuxii darran waan daweeyaa.
Wuxuu yiri: “Datoor ban ahoo caashaq uu dardaree, xageyga
Waxay tiri: Ditoor Axmedow Danbow ma rabee Miyaad Diblooma leedahay?
Wuxuu yiri: Dafka iyo Heeladaanba daabacay ee bal daawo billadeyda dahabka ah
Waxay tiri: Dafka iyo iyo Heeladdaan dib kuu dhigay maxay tani daasad dhaantaa
Wuxuu yiri: Codkaan dejiyaba dab igu noqo ee haddaan diir wadaagno ii debec.
Waxay tiri: I doontay anaase kaa darran ee Duqii baa I kaa baray
Markii ereyadaas la is dhaafsaday, hadaladeedana uu ka dhandhansaday ayuu dharkii Dableyda tuurtay,. Wuxuuna toshay dharkii ugu sareeyay ee sarkaalnimada, markaasuu bilaabay is wareysi

 

waxaanu jecelnahay inaan waqtiyda soo socda aan idiin dhamaystirno

 

 

By:Cabdifitaax Cali Samatar ..Jantalman

Tell:25215127135

E-Mail:ccsamatar@hotmail.com

Somalia-Mogadisho

SomaliaAction.tk

 

 

One thought on “BUUGII JACEYKA BAALKIISA KOOWAAD

  1. waxan ku magacdheerahay mahad sh
    waxaanan kunoolahay ethiopia gar ahaan magaalada adis
    waxaan kunoola mudo sexdex bilood ah
    waxaan ujooogaaxalad dhoof
    waxaan nu aragna beenbadan oo ay isticmaalaan dhaliyarada somaliyeed ee kunoool adis ama dhoof ujooga ah
    taas oo ay rag ioy habloba donayaa sidii ay ukala fa idaysan lahaayeen oo ka tigidhku ugo an yahay ay usoodirirayaan ahad ba sinjiga uuyahay kasoo horjeeedkiiisa waxan kawadaa hadii inan uu ugo an yahay tegidh dhoofitaa ahi hablaha asxaabtisa aya aakasiisamaysanaya jacayl dhoola tus badani kujiro
    hablahana sidookale wiilasha ayaa ayina ku abuura jacayl ay ujeedadiiisu tahay hakuuusoo dacwooto hablaayo si aad uhesho nolosha urubtaala hadaba
    runtii xaladaahi waa qaar kajira wadanka safaarada ha laga dhoofo aadhani ay kuyaalaan
    qudhaydu wolahan waan iskudayay
    sheekadayduna waydheertahay waanan idiin sooobandhigi doona
    waad ku mahad santiin akhriska sheekadan ]

    waxaan idiiin balan qaadi yaa inaan xil iskasaaro sedii aan idiiinkusoo gudbinlahaa hasawaha kalagedisan eekadhaca dhaliyarada dhoof doonka ah
    iga la soodhiiidha email ladaas
    jacaylka_abihii@hotmail.com
    caawiye2008@yahoomail.com

Fikirkaaga Dhiibo

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s