Ramadaanka oo dhib weyn ku ah dadka qaar


Ramadan Greetings !

 

Ramdaan Mubarak

 Ramadaan Kariim aqyaareey
waxan jeclaa in aan wax yar ka hadlo dadka qaar ee aanan soomin ramadaanka kuwaas oo loo yaqaano MasoomayaashaMasoome markaad maqasho waxaad isleedahay toloow qofkaa ilaahay kama cabsanaayo miyaa

Somalia dadka badankood aad ayay u jecelyihiin Ramadaanka waxa ayna usoo dhaweeyaan si aad iyo aad u qiimo dhamaan media ha somalidana ee local ka ahna waxa ay ramadaanka sameeyaan barnaamijyo qaali ah oo ramadaanka u khaas waxaana kamid ah barnaamij lagu magacaabo Tartarnka Ramadaanka oo ay degmooyinka magalaada muqdisho ay ku tartamaan degmadii guuleesatana jaaizo ( hadiyado ) qaali ah lasiiyo

marka taa oo ay jirto ayaa waxaa magaalooyinka Somalia khaasatan Muqdisho iyo gobolada waxaad ku arkeesaa dad badan oo ayadoo tahay maalin soon ah aananba isku dayeenin in ay soomaan

waxaad arkeesaa dad wataan caagado yaryar oo ay biyo ku jiraan horaadana ku cabaaya markaad weydiiso war maxa dhacay aaway soonkii waxa ay ku leeyihiin insha allah waanu soomi doonaa

sidoo kale waxaan meesha ka marneyn dad ayagana sigaar caba maalin ramadaan

waxaana dadkaa ugu weyn dad ayagana Maqaayado qarsoodi ah bisha ramadaanka fura oo dadka masoomayaasha wax ka iibiya
Masoomayaasha qaab aanan horey looga baran ayay ramadaanka wax u cunaan ( means si xasidnimo ah ) maalintii wax ayay cunayaan habenkiina dadka ayay la ufurayaan

dadka ka shaqeesta maqaayadaha xaaraanta ah Bisha ramadaanka waxa ay qaali ka dhigaan raashiinka ay iibiyaan taa ayadoo ay jirto ayay masoomayaasho u aabo yeeleenin raashiinkaas qaali oo si weyn ayayba u cunaan

Idaacada Shebelle oo ah idaacad aad looga dhageesto gobolada Somalia ayaa waxa ay Bil kastoo Ramadaan ah sameesaa ruwaayado ay ku qiimeeneeso Ramadaanka uguna cambaareeneeso dadka aanan soomin ee Loo yaqaano Masoomayaasha

Marka yaa u badan dadka aanan soomin ee jooga Somalia

Dadkaasi waa dad caan ah waxaana kamid ah Kirish boyaasha ( waa kuwa Gawaarida Driverka caawiye ) Driverada ( darawalada ) iyo nimanka qaadka iibiyaiyo kuwa dhalinyaro ah oo anan ramdaanba u cadeen

Marka waxaan ku soo gabagabeenayaa warkeeyga war ilaahay ka cabsadoo 12 bil ayaad wax cuneeseenee Bishaan ilaahay dartii usooma iskana ilaaliya Xaraanta

Wabilaahi Toowfiiq

By: Ahmed Abdulahi Ahmed Kadiye

Madaxa Webka SOMALIACTION.TK

E-mail: Axmed _kadiye@hotmail.com

 

 

 

 

 

 

Fikirkaaga Dhiibo

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s