Hotelada Muqdisho oo hoy u noqday Haweenka Masaafada iyo Qudba sirada


Masaafo

Masaafo

Hoteelada  ayaa marka laga hadlayo waxqabadkooda waxaa loogu talo galay inta badan inay ku soo degaan hooyna ka dhigtaan dadka socotada ah ee u kala gooshaya magaalooyin kala fog  ama dadka  yimaada magaalooyin  aysan joogin dad asxaabtooda

Hoteelada  ayaa marka laga hadlayo waxqabadkooda waxaa loogu talo galay inta badan inay ku soo degaan hooyna ka dhigtaan dadka socotada ah ee u kala gooshaya magaalooyin kala fog  ama dadka  yimaada magaalooyin  aysan joogin dad asxaabtooda

ah ama aysan degeneyn dad qaraabo la’ah  oo ay ku soo degaan sidey doonaanba ha ku yimaadeene, inta uu danahiisa gaarka ah halkaas ka fushanayo qofku waxa uu ku qasban yahay inuu hotel kireysto si uu u helo deegaan ku meel gaar ah maadaama hoygu uu yahay waxa ugu daran


ee qofka bani aadamka ahi uu baahan yahay, xaaladahaas iyo kuwo kale fara ku tiris ah ayaa loo tiriyaa inay yihiin xaaladaha marka horeba qofka ku qasba inuu hoteel kireysto oo halkaa ku negaado.

 

Hadaba inkastoo Soomaaalidu ay mudooyinkan danbe baratay dhaqamo kala duwan oo laga soo minguuriyey dad shisheeye ah gaar ahaan dalalka reer galbeedka oo ay ka mid yihiin aroosyada lagu dhigto hoteelada waaweyn ama in xitaa mararka qaarkood ayba dhacdo inay hoteelka ka dhigtaan goobta ay marka hore ku aqal galayaan lamaanayaasha is guursnaya ayaa waxaa sanadahan danbe soo baxday arin taa ka duwan oo hoteeladu ay qabtaan oo ah in hoteeladu ay noqdeen goob ay ku haasaawaan oo si gaar ahna ay u bar tilmaameed-sadaan raga iyo dumarka is qudba sireysta iyo kuwa masaafada ka soo laabta ee aan dooneyn in la ogaado.

 

Marka hadaba aad tagto goor casar liiq ah qaar ka tirsan hoteelada magaalada Muqdisho ayaa waxaad ku arkeysaa rag iyo dumar fara badan oo wata lebisyo kala duwan oo aad u qurux badan, iyadii haweenkana ay intaa u dhheer tahay iyagoo inta  badan wajiga ku soo qarsada indho shareer si aan loo aqoonsan.

 

 Baaritaan dheer oo la sameeyey ayaa lagu ogaaday in lamaanayaashan is qudba sireystay xiliyada ay hoteelada kireystaan ay ugu badan tahay habeenka Jimcaha ah oo hoteelo badan oo ku yaalla magaalaadan Muqdisho ay lamaanayaal fara badan ka yihiin kelyanti, adigoo haddii aad qol uga baahatana  lagu leeyahay waa kubato ama wey buuxaan.

 

Xuseen Hiraabe Xasan oo ah milkiilaha mid ka mid ah hoteelada magaalada Muqdisho ayaa jiritaanka arintan qiray isagoo cadeeyey in marka la gaaro habeenka jimcuhu soo galayo ay hoteelkiisa iska soo xaadiriyaan rag  dhalinyaro u badan iyo gabdho wajiga soo qarsaday oo  aan dheg la qabto laheyn iyagoo halkaa ku sugaya lamaanayashooda kale, waxayna u badan yihiin ayuu yiri dhalinyaradaasi kuwo iyagu galay guurka loo yaqaano masaafada oo marka ay ka soo laabtaan deegaanka Wanle-weyn reerahooda ku kala laabta iyagoo marka ay isu baahdaana isku balamiya hoteelada oo saacado kooban uun ay ku jiraan tiiyoo aysan waaliidiintu wax war ah u heyn arrimahaas, wuxuuna tilmaamay Hiraabe in dhibaatada ugu weyn ee heysata milkiilayayaasha hoteelada ay tahay iyagoo aan kala garaneyn kuwa sida saxda ah isu qaba iyo kuwa kale oo uu sheegay inay dhamaantood wataan waraaqo ay adagtahay in la ogaado mida dhabta ah ah iyo mida falsada ah, isagoo dhinaca kale xusay in dadka halkaasi isugu yimaada ay sidoo kale ka mid yihiin odayaal da’ah oo qaarkood magac weyn ku leh bulshada kuwaasoo iyagoo tusbaxooda wata cimaamadana ay garabka u saaran tahay oo hoteelada lagu keeno gawaarida cad cad ee lagu raaxeeysto, iyagoo iyana halkaa ku sugaya haween ay si hoos ahaan ah isu qudba sireysteen oo marka ay u baahdaan halkaa ugu yeedha, iyagoo dhinaca kalena si aad ah uga taxadaraya inay halkaa isku arkaan dad ay is bar garanayaan, baqdin fara badan oo ay ka qabaan awgeed inuu warkaas gaaro xaasaska waaweyn ee caruurta u dhalay ee guryaha ku sugan oo haddii arrimno noocaas ah ay ka war helaan ay u badan tahay inay dagaal iyo Fowdo ku kiciyaan ragga.

 

Odayaashan oo u badan kuwo dhaqaale ahaan iska ladan ayaa intooda badan iyagu habeenkii halkaa la seexda xaasaska qudba sirada ah ee ay leeyihiin, iyagoo haweenka kale ee guryaha u joogana habeenkaa ugu mar-marsiyooda inay ka qeyb galayaan kulan fikrudiin ah oo habeen kasta oo Jimce uu soo galayo ay culimada loo yaqaano tabliiqa  ku qabtaan masaajidka Al-Hidaaya oo ku yaalla inta u dhexeysa xaafada Waxar-cadde iyo Isbitaalka SOS ee magaalada Muqdisho.

 

Haweenka la qudba sireysto ayaa la aaminsan yahay in sababo dhaqaale doon ah awgeed ay ku xambaarto inay odayaasha qaab hoose u mehersadaan iyagoo indhaha ku haya jeebka buuran ee odayaasha oo ay rumeysan yihiin in xaaladaha noocaas ah oo kaliya ay kaga heli karaan wixii ay doonaan. 

 

Arintan ayaa walaac fara badan ku abuurtay waalidiin badan  kadib markii ay ka war heleen xili ay dhiil iyo fandhaal kala dhaceen in gabadhoodii oo ay ku ogaayeen inay tahay mid inan ah ayba sii mareyso guurkii 3aad oo qudba siro ah taasoo fajaciso iyo amakaag ku riday waalidiin badan oo Soomaaliyeed.

 

Fikirkaaga Dhiibo

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s