Dhoof Miyaa Iga Dooratay?


Dhoof miyaa iga dooratay
Dhoof miyaa iga dooratay

Akhristayaasha inta aanan u guda galin sheekadaan ka hor hadii aan wax yar idiinka faah faahiyo qisadaani waxa ay ka dhacday dalka somalia gaar ahaan magaalo madaxda jubbada hoose ee kismaayo..


waxayna dhexmartay dadka kala ah sharmaarke cabdiraxmaan iyo faiso max’ed waa sheeko dhab ah run ahaantii aad iyo aad u wanaagsan waa mid ay ku dheehan tahay farxad iyo murugo qisaadaan oo xambaarsan macluumaad aad u balaaran akhristayaal waa hubaal in aad la dhacaysaan waxaan filaya in mustaqabalka dhaw in buug laga qoro sheekadii ayaa bilaabanays qof kastoow la soco yeena ku seegin…. faiso max’ed waxay ka shaqayn jirtay FARMASHIYO ku yaala xaafada calanleey gaar ahaan somali star agteeda maalin maal maha ka mid ah oo ay cirka uu roobaysan yahay saxan saxo aad u udgoon oo maalintaas oo ay tahay qof walba oo dunida ku nool oo aad u jeclaysanaayo ayaa waxaa soo galay farmashiyaha sharmaarke oo madaxa laga hayo asigoo raba in uu farmashiyaha ka iibsado kaniini madax xanuun ah markuu farmashiyaha soo galay ayuu waxa uu yiri yaa iibinaayo farmashiyaha markaas ayuu waxa uu maqlay cod aad iyo aad u soo jiitay markaas ayee soo baxday ayadoo dhahaysa maxaan kaa iibiyaa aboowe asigoo muddo qadar daqiiqada ah aamusan oo la anfariiray quruxda iyo dhal dhalaalka inanta iibanaysa farmashiyaha kadib ayey ku tiri maxaa la aamusan tahay miyaadan wax kaa iibinaynin waa adigaa maqan kadib ayuu waxa uu la soo booday haa abaayo meel ayey maskaxdayda aaday waxaan rabaa in aad iga iibiso kaniini madax xanuun kan ugu fiican oo la cuno kadib ayee ku tiri ok aboowe waan ku siin wayna siisay asigoo durbadiiba is oran nayo toloow yaa u sheega in aan iskaba caafimaaday markii aan arkay muuqaal keeda dhal dhalaalaya xanuunkii i hayaya wuuba i daayey kadib wuu cunay kaniinkii asagoo ku dhahaya waad mahadsan tahay abaayo waan fiicnaaday kadib ayaa waxa meesha ka bilaawday is barasho asagoo ku yiri abaayo hadii aan iskaa baro magacayga waxaa layiraahdaa sharmaarke barasho wanaagsan ok aboowe soo dhawaaw marka hore meesha waa meeshaada aniga magacayga waa faaiso ma’xed is barasho wanaagsan sidoo kale kadib wuxu iskaga soo huleeyay asagoo iska sii jeclaystay in uu iska sii joogo meesha ayuu ka soo tagay habeenkii markii la gaaray hurdo kama imaan asagoo la yaaban waxa hurdada ka qaaday kuna dhamaystay sidaa habeenkii oo dhan hurdo la’aan markii waaga baryay ayaa waxa u yimid sxbkii oo la oran jiray liibaan sxbkii ayaa ku yiri sxb maxaa ku helay subnimadan hurdo ayaa kaa muuqata xalay ma seexan miyaa waa sidee xaalka miyaadan wanaagsanayn halkee lagaa hayaa kadib sxbkii marka uu in taas ku yiri ayuu ugu jawaabay sxb aniga caadi ma ihi sidii shalay aan u arkay mar aan aaday farmashiyaha agteyda ee hada meesha laga furay gabar meesha joogta oo ilaa iyo hada ka go’ila’ qalbigayga sida aan u arkay ayada oo aan u bartay waxa i haleelay si aan noqday ma ogi sxb ma ii sheegi kartaa waxa i haleelay sxbkii ayaa ugu jawaabay sxb tan hada ka hor ayee i qabsatay hadii aan kuu sheego ma aaminaysid ileen adiga wax aad iigula diriri jirtay weeyaan sxb waa ku sidee maxaad i tiri oo hada ma aniga ayuu jacayl igu dhacay ciyaarta iga daa sxb waad ogtahay in aan ka ciyaarin sheekadaas sxb asagoo ku qos laaya ayuu ku yiri sxb ka xaaxaabi hee hada adiga ayey ku heysataa waxaad aniga igu canaanan jirtay waxaad yeeli adiga ayey ku jirtaa sxb waxa aan ku leeyahay nin tuur leh tabtuu useexan lahaa asagaa yaqaan laakiin aniga sxbkaa qaaliga ayaan ahay waxa aan jeclahay wixii adiga kula soo gudboonaada in aan kula xaliyo sxb aad iyo aad ayaad u mahadsan tahay sxb adigoo kale laga ma helo dunida sxb ila tali qoftaan sidee ugu sheegtaa waxa aan ayada xageeda ka tabanaayo ii sheeg sxb waxaan ku leeyahay hadii aan aniga ahay sxbkaa liibaan aad iyo aad baan kuu jeclahay mana kugu fiirsan karo adigoo sidaa u fakiraayo maxaa yeelay horey ayey soomalidu u tiri waxa aad qarsato way ku qarsadaan marka jacaylkaaga waad ka salgaari ha ka baqin oo u sheego hana ku dag dagnin ileen horey ayaa loogu maah maahay qufac iyo jacayl midna ma qarsoomaan kadib ayey ku kala kacayn meesha ay fadhiyeen oo ah guriga sharmaarke hor tiisa geed ku agyaala ayadoo tahay labada subaxniyo 8:00am markaas uu asagoo sxbkii soo dhiiri galiyey ayuu xaafadiisa ku laabtay galaynah qolkiisa asagoo meesha u yaal raadiyo qaas u lahaa wuxuu ku riday cajalad miiska u saarnayd kadib ayuu wuxuu dhac ka sii yey cajalkii waxa durbadiiba ka soo booday heestaan axmed cali cigaal, Garqaado jacaylyaho Aan gamee i daayoo Garbaduub ha ii xirinee Iga siib gantaalaha Ama taan u go”ayee Naftu gacalka mooddaa I guhaadinaysee dhibkaan qabo bal gaarsii
 

*** *** *** Garqaado jacaylyahow Gayi laga hayaamiyo Gari go”an salkeediyo Gamaahiira ha i dhigin. Ama taan u gaystee Aan gudayn abaalkaa Cidla iiga guurtee Dhibkaan qabo bal gaarsii. *** *** *** Garqaado jacaylyahow Guri hayga dhiganoo Guudka ha iga rarinoo Ciilka ha igu gaagixin. Ama taan u gaystee Aan gudayn abaalkaa Cidla iiga guurtee Dhibkaan qabo bal gaarsii. *** *** 
 
 

Waxaa Qalinka Uqaatay Qoraa Sarre Cabdifitaax Cali Samatar Janatalman

Email:ccsamatar@hotmail.com
Tell:25215127135
Somalia Mogadisho

Fikirkaaga Dhiibo

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s