17 sano kadib


Wareysi Sheeko Camal ah oo uu inoo soo diyaariyay Mr. Xaayow cabdulleDad kalkoda barakacay!

wariye: Walaal magacaa?
Islaan : ashkiro dhoore
Wariye: xaggee kasoo barakacdeen?
Ashkiro: hamar-jadid.
wariye: goormaad degteen halkaas?
Ashkiro: Waagii siyaad bixii
Wariye: gurigiinu ma jiingad buu ahaa, mise sar?
Ashkiro: Wuxuu ahaa guri fiillo ah oo weyn oo barxad iyo geedo leh, ber koronto finti iyo wuxuu ahaa garan maayee!
Wariye: Ninkaadu muxuu qabtaa?
ashkiro: Waa kaari baabuurta rara?
Wariye: Guriga fillada ah ma isgaa idiin gaday?
Ashkiro: Mayee, wiilkii curadkeyga ahaa, oo jabhadaha la socday baa wagii Siyaad bixii noo qabtay oo na dejiyay, isaguna markii dambe dagaaladii maxkamadaha buu ku shahiiday?
Wariye: Gurigaan dadkii markii hore dhistay aaween?
Ashkiro: Anigu gurigaan wiilkeygii baa ii qabatay baan ku iri.
Wariye: Ha qabtee, isagu ma dhisane,dadkii dhistay aawe?
Ashkiro: Ma aqaan, midhaa wey ka carareen?
Wariye: Soow kameey barakicin?
Ashkiro: Hadde, waa’ horeey ahayd,17 sano ka hor!
Warye: 17 sano soow barakac kuma ay maqneyn?
Ashkiro: War 17 sano cidi barakacsanaan meysee ama Yurub bey galen ama goor horey ka guri yeesheen!
Wariye: Hadda maxaad codsaneysaa?
Ashkiro: Waxaan codsnayaa in adduuku naga soo gaaroo guryahanagii nala ku celiyo, carruurtanadu ciiddda garan maayaane wey ku cadhoobeene!
” ninkii dhacaa u dhib qabee, dhaxanta seexo kii dhistoow”

Macnaha anagaa guriga dhacnay oo u dhib qabno, ee midkii dhistay dhaxanta ha iska seexdo. 

Mahadsanid Xayow

By: Xaayow Cabdulle

xaayow20@hotmail.com

One thought on “17 sano kadib

Fikirkaaga Dhiibo

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s