Cunto Karin.. qaabka loo kariyo doolshe macaan


Doolshe Macaan

Doolshe Macaan

Baro qaabka loo kariyo doolshe macaan
si easy ah u raac tilaabooyinkaan soo socda kadibna doolshaha meeshaan saaran oo kale gacantaada ku sameey !!! it is easy steps

 

 

Frosted Banana Bars

Ingredients/waxa laga sameynaayo

 

  • 1/2 cup butter, softened
  • 1 1/2 cups white sugar
  • 2 eggs
  • 1 cup sour cream
  • 1 teaspoon vanilla extract
  • 2 cups all-purpose flour
  • 1 teaspoon baking soda
  • 1/4 teaspoon salt
  • 1 cup mashed ripe bananas
  • 1 (16 ounce) container cream cheese frosting
  •  

  • 1/2  koob buuro la jilciyay
  • 1 1/2 Sokorta Cad
  • 2  Ukun 
  • 1 Koob Caano Dhanaan 
  • 1 Qaado yar oo Faniila ah
  • 2 Koob Burka aan kaceenin
  • 1 Qaado Yar oo qamiiriso
  • 1/4 Qaado Yar Milix (Cusbo)
  • 1 Koob Muus la burburiyay 
  • 1 (16 ounce) container cream cheese frosting
  • Directions/Habka loo sameenaayo

     

    1. Preheat oven to 350 degrees F (175 degrees C). Grease a 10×15 inch jellyroll pan.
    2. In a large bowl, cream together the butter and sugar until smooth. Beat in the eggs, one at a time, then stir in the sour cream and vanilla. Combine the flour, baking soda and salt; stir into the batter. Finally, mix in the mashed banana. Spread evenly into the prepared pan.
    3. Bake for 20 to 25 minutes in the preheated oven, until a toothpick inserted into the center comes out clean. Allow bars to cool completely before frosting with the cream cheese frosting.

     

    1. Marka hore foornada kululeyso oo ku kululee 350 degrees. Waxaad saliid marisaa weel bir ah ama dhalo 10×15 inch.
    2. Baaquli weyn gudihiisa waxaad ku jilcisaa buurada iyo sokorta ilaa ay ka noqdaan kareemo. Ukunta Hal Hal uugu qaraac sokorta iyo buurada, ka dib ku walaaq ceenaha ciirta (dhanaan) iyo faniilaha. Burka iyo kicisada (qamiirisada) ku walaaq, ilaa ay wax walba isku darsamaan. Ugu danbeestii ku dar oo ku walaaq muuskii aad burburisay oo si fiican uugu walaaq. Ka dibna ku shub oo ku fidi weelkii aad saliida marisay. Marka foornada geli. 
    3. Waxaad dubtaa  20 ilaa 25 daqiiqo foornadii aad horay u kululeesatay, ilaa marka aad qori yar (Istakiin) aad ku muddo uu si nadiif ah uuga soo baxo bartamaha doolshada.  Marka ay doolshada qaboowdo dusha ka mari cheese spreadka (Kareemada farmaajada). 
    4. Middi ku jarjar oo sida sawirka u jar jar.

     

    4 thoughts on “Cunto Karin.. qaabka loo kariyo doolshe macaan

    1. Cilmi Boodhari iyo Hodon Maxaad ka ogtahay jacaylkoodii?

      Allaah ayaa mahad leh nabad gelyo iyo naxariis korkiisa ha ahaato Nabi Muxam ed, intaa ka dib.
      Saxabiyaal waan idiin salaamay meel kasta oo aad aduunka kaga nooshiin, wax aan halkaan idiinku soo gudbineynaa Qiso xusid mudan oo Jacayl ah taas oo ah Qisadii Abwaankii Jacaylka Ee Cilmi Boodhari.

      iyadoo aan u qeybinnay Cutubyo badan soona koobnay Nuxurka Qisada layaa bka leh ee Cilmi iyo Hodan

      Dukaankii rootiga lagu gaday ee Berbera ugu weynaa ee Cilmi uu ka shaqeyne yey waxaa soo gashay gabadh qurux badan oo la odhan jirey Hodan Cabdille Walanwal. Sidii ay u socotey waxaa abwaan Soomaaliyeed ku sifeeyey sidan

      Markay socodka damacdee

      Deggenida tallaabada

      Miisaanka lagu daray

      Laafyaha la daawado

      Dadku waxay yiraahdaan:
      “May daarin ciiddee

      Indho deeraleeyey! “

      Gabadhu waxay ku tiri Cilmi „Subaax wanaagsan! “ Isagoo markii horeba ka helay qaab-dhismeedka qurxoon ee uu Eebbe u uumay baa haddana wuxuu ku murqaamay midabkeeda oo aad dahabi moodeysey iyo indheheeda debecsan ee ka soo jeeda wejiga dhalaalaya wuxuu ugu jawaabay „wanaagsan“. Islamarkaasna wuu caashaqay

      Caashaqii buu u bukay Cilmi Boodhari. „Culays wuu i saaran yahay“buu ku yidhi saaxiibbadiis. Markuu muddo bil ah jacaylka dhex dabaalanayay waxaa soo batay xanuun ka dhashay rabitaan xad-dhaaf ah oo uu u qabay Hodan. Cuntadii iyo hurdadiina way ku yaraadeen. Intii uu Hodan u tegey ayaa wuxuu u sheegay in uu jecel yahay inuu guursado. Hodanna iyadoo girifsan, si kulul bay ugu sheegtay Cilmi inaysan guurkiisa u baahnayn. Muddo kaddib Cilmi wuxuu tiriyey gabaygii ugu horreeyey, isagoo ku muujiyey dhibaatadii la soo deristay

      Nimanyahow, dharaar iyo habeen waan dhadhabayaaye
      Dhulkuun baan xariiqaa siday dhiilo u timiye
      Sidii qaalin dhugatoobayoo geeli laga reebay
      Dhallinyaro ma raacee keligay baan dhaxanta meeraaye
      Dhakhtarkaa la geeyaa qofkii dhawac weyn qaba e
      Iyana waa igu dheeldheeleyaan dhamacda Daa’uude!

      Cilmi wuxuu ka faquuqmay bulshadii uu dhexdeeda magaca iyo maamuuska ku lahaa, wuxuuna noqday nin iska aammusan. Xilligaa geyiga Soomaaliyeed lagama aqoon jecel, waxaana ceeb iyo foolxumo loo arkayey qofkii laga maqlo „Caashaq baa i haya“. Qofkaa caynkaas ah waxaa loo haysan jirey mid uu jiinni derderay. Sidaas darteed ayaa Cilmi loogu qaadey habar jiinniga dadka ka buubisa oo dad badan daaweysey. Kaddib markii laga quustay ayaa waxaa loo tegey wadaaddo. Inkastoo ay aad u dadaaleen, haddana ficilkoodii iyo Quraankoodii ma noqon fal uu Cilmi ku raystay. Nin wed galay looma taag helo!

      Cilmi Boodhari isagoo aad u xanuunsan ayaa wuxuu tiriyey gabay uu ku eedeeyey dadkii garan waayey caashaqa wuxuu yahay:

      Caashaqa haween waa horuu Caaddil soo rogaye

      Sayidkii Carshiga fuulay iyo Caliba soo gaadhye

      Carruurtay sideen meesha iyo Ciise Nebigiiye

      Cidla‘ lagama beermeen dadkoo cuudi waaxidahe

      Waxaa qaarba cayn looga dhigay hays cajebiyeene

      Soomaalidaa caado xumee iguma caydeene

      Oo ima canaanteen sidaan Cuudka iibsadaye

      Kuwii ii calaacalayey baan camal tusalayne…

      Cilmi iyo saaxiibbadiisii waxay ka qayb galeen xaafaddii arooska ee ka dhacday Daaroole, waxayna kula kulmeen Hodan.

      Alla hoobey hobaaligayeey sidirigam hoobalow heeleey

      Gaadama galooleeyeey sidirigam hoobalow heeleey

      Gidiggeedba Soomaaliya sidirigam hoobalow heeleey

      Geyigaan ku nool ahayeey sidirigam hoobalow heeleey

      Gabdhaha waad u sidataayeey sidirigam hoobalow heeleey…

      Kaddib markii la wada ciyaarey oo la wada heesey ayay Cilmi suurtoggal u noqotay inuu gooni ula sheekeysto Hodan. Wuxuu u sheegey inuu danaynayo inay noqdaan laba qof oo haasawe wadaag ah, maadaama uu iyada aad dooneyo, hablaha oodhanna uu ka calmaday. Hodan waxay ugu jawaabtay in ay la nooshahay islaan eeddadeed ah oo aan marnaba ka aqbalayn nin iyo sheekadiis toona. Islamarkaasna waxay dhegaha Cilmi si dadban ugu riddey inay jeceshahay in mustaqbalka guurkeedu uu talo ahaan qoyskooda ka go‘o

      Cilmi Boodhari wuxuu yimid gurigii Hodan isagoo u tiriyey gabay uu ku ammaanay quruxdeeda:

      …Naasahan sidii hooto waran horay u soo taagan

      Dibnahaagan hiifkaba aqoon hadasan mooyaane

      Gudub halacsi daymada indhahan hibada loo siiyey

      Qosol hanaqa soo taabayoo caashaq hurinaaya

      Ilko aan hogoodii ka lumin kalana hoosaynin

      Sankaagaa hanaakiyo qorshaha hadiyad loo siiyey

      Dhabannada hareeraha wacan wejiga halac nuuraaya

      Suniyaha habkooda wacan hadal dhamayn waaye

      Luquntaa habkii geri lahaa hadal wax dhaafsiiyey

      Timaha hoos garbaha uga degoo sinaha haabhaabtay

      Heega iyo laafyaha gacmahan hibada loo siiyey

      Dhexdan aan hareeraha u fidin horayna soo taagmin

      Hannaan quruxsan waa taa indhuhu ka haqab beeleene!

      Dhowr oday oo ay Cilmi is xigeen ayaa macsuumay odayaal dhinaca Hodan ah. Hase yeeshee markii dantii ay iska lahaayeen iska wareysteen arrinkii hanaqaad ma noqon, maxaa yeelay odaydii gabadha la weyddiistay yarad ka kooban xoolo aan xerada Cilmi iyo xerada xigaalkii ku jirin bay ku xidheen. Dhowr bilood kaddib bay hablo reer Berbera ah oo aad uga xumaaday xaaladda Cilmi waxay u soo jeediyeen inuu tan ugu qurux badan ka doorto oo iska illaawo Hodan. Cilmina wuxuu hablihii u tiriyey gabaygan:

      …Hablahayow, halkii qoomanayd baad i qabateene

      Qalbigaan bugsiinaayey baad qac iga siisaane

      Bal qiyaasa waa taan qandhaday qamarey awgiine

      Qarqarada jidhkaygiyo gacmuhu wayqadh-qarayane

      Qalbiguu wax iga yeelayaa naaska qaawaniye

      Qosolka yaryari waa waxaad nagu qaldaysaane

      Inaan Eebbahay idin qatalin qariya laabtiina!

      Cilmi abtiyaashiisii iyo adeerradiisii waxay isku deyeen in ay ka leexiyaan Hodan, ayna u toosiyasan gabadh kale oo fiican oo deggen Oodweyne. Hase yeeshee wuxuu raggii la talineyey ka dul mariyey gabay oo ku yidhi:

      …Allahayow afkaygiyo sidaan aadmiga u eedey

      Amadariyo Oodweyne way Omos badnaayeene

      Aagaamo haddii loogu shubo ma engegnaateene

      Abaaraa ku doogoobi la ereyo daydiiye!..

      Gabadh ay Hodan deris ahaayeen baa waxay u sheegtay Cilmi inuu yimaaddo gurigeeda oo ay Hodan ku martiqaadday.Cilmi aad buu u farxay, laakiin intii uu sugeyey waqtigii uu la kulmi lahaa Hodan waa uu lulmooday. Ninkii seexdaa sicii dibi dhal! Cilmi markii uu gartay wixii dhacay dhulka ayaa la wareegay. Niyad-jab baa kor iyo kal saaqay. Ciil buu cunihiisu buuxsamay. Indho buurbuuran mooye far-dhaqaaqdaa laga waayay. Wixii maalintaa ka dambeeyey Cilmi wuxuu isu arkay nin nasiib xun oo gabadhuu calmaday hanan waayay.

      Maalin maalmaha ka mid ahayd ayay rag ka mid ahaa Cilmi qoyskiisii go‘aan ku gaareen in Cilmi laga qaado Berbera ee uu ku xanuunsaday, lana geeyo magaalada Burco si uu waabayda jacalka uga soo dawoobo.Cilmi inkastoo ka cudurdaartay safarka, haddana waa uu yeelay. Burco Cilmi waxaa ku soo dhowweeyey dhallinyaro maqashiisnayd inuu dibindaabyo caasahaq oo dareenkiisa ku baahday in muddo ah dhinaca dhulka ugu hayey. Muddo kaddib Cilmi wuxuu bilaabay inuu sheekaysto oo kaftamo. Laakiin mararka uu Hodan soo xasuusto ayuu tash qabsan jirey.

      Kaddib markii ay muddo sannad ah in ku dhow ku noolaa Burco ayaa waxaa la weyddiiyey Cilmi haddii uu ka raystay cudurkii jecaylka ee hayay. Isagoo su‘aashaa ka jawaabeya wuxuu yidhi: “Waxna igagama dhicin halkan oo sidaydii baan ahay. Sidii ayaan weli u bukaa, sidii baan Hodan u jeclahay!“ Gabaygii uu markaas tiriyery waxaa ka mid ahayd tixda soo socota:

      Hilaac baa Berbera iiga baxay Hodan agteediye!

      Intii uu Cilmi Burco ku sugnaa ayaa maalin dhallinyaro qado sharaf u sameeyeen, waxayna weyddiiyeen nuu sifeeyo muuqaalka Hodan iyo heerka ay hadda ka joogto qalbigiisa.Cilmi intuu go‘iisii shaalka ahaa madaxa hoos uga dhigay oo hagaag u fadhiistay buu gabay mariyey isagoo leh:

      …Ilko saqaf la moodiyo wejiga lagu saruureeyey

      Timaha, madoobee, subkane saaran garabkeeda

      Indhaha, sanka iyo afka sida sabiibkeeda

      Suniyaal madoobey qalbigu saakin kaa noqoye!…

      Maalintii dambe ayuu Cilmi ka carraabay Burco, isagoo u soo hayaamay. Markiiba uu yimid ayaa wuxuu ku degdegay inuu arko Hodan. Hadalkiisii wuxuu ku bilaabay salaan iyo wareysi guud, kuna xejiyey bal inay la socoto dhibaatada uu darteed u qabo iyo weliba sida ay aragto haddii ay si wadajir ah u furtaan haasaawe ay ku gaadhaan wada-noolaansho dhab ah oo labadooda dhex mara. Laakiin warkii Cilmi Hodan way la yaabtay. Intay indhaheedii waaweynaa Cilmi kor ugu fiirisey bay tidhi: “Weligay kan oo kale ma arag. Waar maxaad sheegayso waxba ka garan maynee ninyohow maxaad u jeeddaa?“

      Waqtigaas Soomaalidu waxay caashaqaa u arkayeen wax laga fiican tyahay oo mudan in laga dhowrsado. Hase yeeshee markii Cilmi la weyddiin jirey Hodan iyo halkii ay kala mareyeen waxna ma uu qasan jirin. Gabay uu tiriyey kaddib markii uu la sheekeystay gabadhii uu jeclaa wuxuu ku yidhi:

      Kolkaad Hodan tidhaahdaanba waan soo hinqanayaye

      Hadday hawl yaraan idinla tahay aniga way hooge

      Iyadoon xabaal laygu hamsiin waanan ka hadhayne

      Hamada been ah mar baan is idhi: “Haabo gacanteeda!“…
      Dhinaca Hodan iyadu way ka dheregsanayd Cilmi inuu dhowr goor isagoo saaxiibbadii wata sheeko iyo haasaawe ugu yimid. Xigtada Hodanna ninka gabadhooda marba gabay meel uga tirineya way ka cadhaysnaayeen oo dhaar xagaf ka siiyeen inay dilaan.

      Xaaladdu markay meel xun gaadhay baa odayaal soo jeediyey, reerkiisuna isku raacay in Cilmi loo tukubiyo xagga iyo Saylac. Markii gaadhigii la saary uu dhaqaaqay Cilmi wuxuu ku heesey:

      Abuteeristi waa gooni maree, cishqi keenaya
      Badoow waaridkii naaree serigii doo mareenaya!

      Intii uu Cilmi Saylac joogay dadyow ay qaraabo ahaayeen waxay kula taliyeen inuu ka hadho jacaylkii u socon waayay, waxayna u ballan qaadeen in ay u guuriyaan gabadh allaale gabadhii kale ee uu ka doorto hablaha sokeeye iyo shisheeyaba, meeshay doonto ha joogte. Laakiin Cilmi wuxuu sheegey inuusan Hodan ka maarmi karin, gabadh kalena uusan doonayn

      Maalin ayuu ku lugeeyey xeebta ilaa uu ka helay taag yar oo dhulka xoogaa kor uga go‘an. Intii uu soo tafay buu wuxuu arkay dabaylo hayaan ah oo u socda dhinaca Berbera. Markay mid mooyee intii kale dhaaftay buu tii ugu dambeysey guddoonsaday inuu farriin gabay ah Hodan ugu soo dhiibo:

      Dabaylyahay adaa duulayoon orodka daynayne

      Adigaa dul mari meel haday dogobo yaalliine

      Adigaan darqii xun iyo daah ku celinayne

      Adigaan darboobayn naf waa lala dalumaaye…

      Maalin kale Cilmi waxaa lagu martiqaaday aroos si heer sare ah loo soo agaasimay. Goobtii aroosku uu ka dhacayay waxaa laga mariyey laba gabay oo mid uu tiriyey Cabdi Gahaydh, middii kalana Cige Baraar. Dabadeedna ninkii la odhan jirey Ducaale wuxuu Cilmi ka codsaday inuu soo daayo gabay uu Hodantii uu jeclaaday ku ammaanayo.Cilmi wuxuu yidhi:

      Maalintii danbe ayay Cilmi soo booqdeen dhowr dhallinyaro ah oo gabdho iyo wiilal ka kooban. Markii cabbaar la sheekeysaneyey bay gabadh intii hore aammusnayd waxay Cilmi weyddiisey bal inuu jacaylkii xanuunka badnaa ka raystay iyo in kale. Isagoo su‘aashaas ka jawaabaya wuxuu yidhi:

      Kolba aniga oo sahashaday oo sooriyaha aaday

      Ayuun baa Siraad midab-wanaag lay sawirayaaye

      Sadrigay ka daabacan tahee uma sarkhameene

      Sidii saacadii bay qalbiga iigu socotaaye

      Habaynkii markaan seexdo way ila safaadaaye

      Salaaddaa hore iga tagtaa Siigo noqotaaye!

      Markii uu Cilmi in door ah ku dhex sugnaa Saylac waxaa u yimid nin ka soo socdaalay Berbera oo guddoonsiiyey warqad uu ka siday saaxiibbadii Tabbaase iyo Muuse “Carab”. Waxay la socodsiiyeen Cilmi in gabadhii uu jeclaa uu nin soo dooney, waalidkeedna ay siiyeen, waxayna u soo jeediyeen inuu Hodan laabtiisa ka xorreeyo, uuna gabadh kale helo.

      Markiiba uu soo gabaggabeeyey fahamka nuxurka warkaas xun intuu fardhexada qaniinay buu cirka iyo dhulka meesha ay iska galaaan ku dhaygagay. Naxdin daraaddeed bay madaxa Saani ka kacday. Dhulkii baa la dheeliyey. Wadnahaa gariiray.Cilmi habaynkaas hurdo ma ledin. Wuxuuna ahaa habeenkaasi kii ugu dhibaatada badnaa intii uu Ilaahay uumay. Subixii danbe ayuu gaadhi Berbera u jeeda gundhada jaray. Saaxiibbadii ayaa Cilmi oo aan saddex beri hurdo arag la kulmay, waxayna korkiisa ka dheehdeen dhibaatada uu warkii ay u direen u geystay.

      Kolkay in door ah Berbera iyo fagaarihii waaya-waayo dhex meeraysanayeen ayuu nin u sheegay in Hodan iyo ninkii soo dooney laysu meheriyey, isaguna uu falkaas goobjoog ka ahaa. Warkaas Cilmi naxdin buu beerkii la qadhqadhay. Meel uu joogo buu garan waayay. Wareer wareer kale ayuu u dhiibay. Wuxuu sameeyo ayuu garan kari waayay. Muddo kaddib buu Cilmi wuxuu tiriyey gabay uu ku yidhi:

      …Haddaan madal ka sheegayo oo midho ka mansoodo

      Martuba waa ka dhici lahayd hablaha muxibo awgeede

      Murugada calooshayda iyo muhanka laabtayda

      Miyi waxaan la tegi waayey iyo madaxdii Daa’uudka

      Meereysigeedii waxaan ula madoobaaday

      Nin kalaa la tegay geenyadii maanku ku xidhnaaye

      Dadkii baa masoobo ninkii magac lahaa eedye

      Muruq kuma kaxaysane rag buu magansanaayaaye…

      Dabadeedna Cilmi wuxuu noqday qof murugo iyo tiiraanyo weheshada, welwel iyo walbahaarna adeegsada. Fekerka iyo maahsanaantuna waxay ahaayeen kuwo uu ku caweeyo. Wareerka iyo xanuunka waxaa u dheeraa hurdola’aan iyo cuntola’aan. Wxuu noqday qof xanuunsan. Si kasta oo loo dooney in la daweeyo ama lagu qanciyo inuu ka haro Hodan iyo jacaylkeeda waa lagu guuldarraystay.

      Cilmi qaraabadiisii waxay arkeen inuu ka sii darayay. Si ay u badbaadiyaan ayaa waxay ku tashadeen in Cilmi loo guuriyo. Cilmi wuu aqbalay guddoonkii laysku wada raacay. Laakiin intii aan golihii laga kicin ayaa wuxuu tiriyey gabay uu ku yidhi:

      Intaan adiga kugu gooni ahaa geed haddaan la hadlo

      Ama aan gawaan qodayo may gama’sanaateene

      Gaalladu ha joogtee sidaa gacal ma yeeleene

      Gardarriyaa, maxaan Hodan Cabdaay kaaga go’i waayey?

      Maalin ka mid ah kuwii Cilmi ugu dhibaatada badnaa waxaa loo sheegay in Hodan iyo ninkii soo dooney ay is aroosayaan. Wakaas Cilmi dhayal iyo dheel-dheel buu u qaatay. Waxaa ku sii batay welwelkii iyo walaahowgii uu awalba la murugsanaa, waxaana weerar ku soo qaaday tiiraanyo xanuunkeedu si daran qalbigiisa u lulay. Wuxuu wareerkii ku sii batay markii ay hugunkii iyo mashxaraddii arooska loogu dabbaaldegey iyo heesihii cayaaraha hiddaha iyo dhaqanku ay dhegihiisa si toos ah ugu soo dheceen.

      Muddo yar kaddib Cilmi Boodhari guurtidii waxay u dooneen gabadh carab ahayd oo la odhan jirey Faakhir. Arooskii Cilmi waa la qalqalay, guri baa la dadbay oo la qurxiyey, xoolaa loo gawracay, dhallinyaraa u cayaartay. Carab oo cadceedda u ekayd oo qiimaheeda iyo qaayaheeda la yaabay baa aqal loogu dalaq siiyey. Hase yeeshee Cilmi kama uu reysan cudurkii hayay. Hodan mooyee hadal kale waa laga waayay. Damaciisu gabadhii oorida u noqotay waa uu dhaafay. Taasina waxay keentay in Faakhir laga furay. Wixii intaa ka dambeeyey Cilmi jirradii ayaa kuu sii batay. Hurdadii ayuu gebi’ahaanba ka haajirey, cuntadiina way ka degi weydey, hadalkiiba wuu yaraaday. Maalinba maalinta ka dambeysa wuu ka sii dareyey ilaa uu socodkii gabay.

      Maalin ka mid ah maalmihii uu Cilmi sariirta saarnaa ayaa wuxuu ka maqlay saaxiibbadii in Hodan iyo ninkeedii ay u guureen magaalo kale. Isagoo ay tiiraanyo xoog lihi ka muuqaato ayuu soo kuududsaday oo tiriyey gabay uu ku yihi:

      …Walaalooyinoow, waxaan ka biqi inaan ku waashaaye

      Hadda inan wareegaan damcoo webiga jiidhaaye

      Wiirsiga ragga iyo waxaan ka tegi wadhida naagaaye

      Waddankeeda Soomaali waan sii wadacayaaye

      Wuxuu Eebbahay ii wiciyo waa’ san bal aan dhowro!

      Nin wedkii galay looma taag helo, baa la yidhi. Cilmi ehelladiisii wax kasta oo da awo u noqon kara way isku deyeen. Meel kasta way u cid direen. Fal kasta oo daawo laga raadiyo way tijaabiyeen. Nasiibdarrase, Cilmi xaaladdiisii waxay ga adhay meel aan ka soo noqosho lahayn. Xataa in la geddiyo mooyee wuu is ro gi kari waayay. Miyirkiisaa ka tegey. Naftii baa qaarka dambe ka soo xawaa raysay. Goor waagu uusan si fiican u beryin buu ka guurey adduunyadii uu tod doba iyo soddon sano ku noolaa e iyadoo u macaan uu jacaylku khadhaadiyey.

      Alle ayaa Mahadle

      Mohamed Hassan Xaleef
      xaleev@hotmail.com

    2. Hadaba ma dhaci karaa jacaylkaaso kale mise dib uma so noqonkaro yase uu kaas oo kale helay?Ama arkay mid kaa ka sii daran ama ka la misa ah waxaan sugayaa jawaab tiina somaliyee wayo lagama hadlaayo dad kale dhalin yaro badani se ma u haysataa been Jacaylkaa waxaan rajanayaa inad jawabta igu so celisaan

      Alle ayaa Mahadle

      Fani Xasan Jmac
      munaxasan@gmail.com

    Fikirkaaga Dhiibo

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s