Caasi Waalideynimo , Sababaha Keena , iyo qaababka lagu daweeyo Ama looga Hortagi karo


Waa Buug ka hadlaya Arimo sida
Caasi waalisdeynimada iyo sababha keena iyo sida looga hortagi karo ama la isaga daweeyo

Kitaabkan Waxaa Qoray
Sh. Mohamed Binu Ibrahim Al-xamd

waxaa Somali ahaan u fasiray :

Ahmed Abdullahi Ahmed Kadiye

 
 
عقوق الوالدين
 
أسبابه – سبل العلاج

تاليف

محمد ابراهيم الحمد

و فسرها لكم باللغة الصومالية

 

الأخ الزميل : أحمد عبد الله أحمد كديه

Kitaabka Waxa uu ka kooban yahay
wax kabadan 25- muuqaalo oo kamid ah Caasinimada
wax kabadan 10 sababo oo caasinimada keena
wax kabadan 20 – Barinimada Sababo keena

Duco
Ilaahoow baarinimada waa nimco weyn ee ilaahayoow rabiyoow baari nagadhig oo waalidiinteena caasi hanooga dhigin
ilmaheenana iyo walaalaheenana caasi hanooga dhigin
Aamiin Aamiin yaarabi

 

_________________________________________________________________________________________

 

Qeybta 1- Koowaad______
Muqaalo kamid Ah Caasi waalideynimada
مظاهر من عقوق الوالدين

______________________________________________

1- Waalidka oo laga oohiyo

2- Waalidka oo lagu qeliyo ama lacanaanto

3- Waalidka amarkiisa oonan la qaadan

4- waalidak Hortiisa waji cambuusnimo iyo xanaaq lagu muujiyo

5- Waalidka oo si yasid ah loo fiiriyo (ama loo eego)

6- Waalidka oo la amr
” sida qof hooyadii ku amraya in ay guriga xaaqdo ama cuntada u kento taas na waa waxyaabaha ugu foolxun Khaastan hadii ay hooyada oo markay duqoowdo la amro “

7- Hooyada raashiinka ay kariso oo wax laga sheego

8- Waalidka oo aanan lakaalmeyn

9- Waalidka oo laga sii jeesto asiga oo sheekeenaya

10- Waalidka oo mar waliba amarkooda laga tago

11- Waalidka oo markii qokiisa loo soo galaayo aanan amar laga qaadan
” Taasina waxa ay kamid tahay waxyaabaha aadaab xumida ugu waa weyn waxaa macquul ah waa lidka in uu markaas raali ka eheen inloo soo galo “

12- Waalidka hortiisa oo Dhibaato lagu sameeyo
” sida ayadoo walaalaha si xun loola dhaqmo ama xaaska oo si xun loola dhaqmo”

13- Waalidka oo dadka hortooda lagu caayo ama ceybtooda la sheego

14- Waalidka oo lacaayo ama la naclado
” sida qof hadii uu qof kale abahii ama hooyadii caayo amaba naclado Caaydaas iyo Nacladaas waxa ay ku soo laabaneesaa waalidka qofka wax caayay ama nacladay “

15-Guriga oo lasoo galiyo Munkaraat
” Sida ayadoo guriga lakeeno waxyaabo fasahaad ah oo uu qofka walaalihiis ku fasahaadayaan ay macquul noqoto labada waalidna in ay sidaa u fasahadaan “

16- Waalidka hortiisa oo Munkaraat lagu sameeyo
” Sida in waalidka hortiisa sigaar lagu cabo ama salaada faradka ah laga tago amaba hadii ay salaada kuu kiciyaan oo la diido”
Taasna waxay ku tusineesaa qofkaas in uusan waalidkiis ka xishoo neen

17- Waalidka oo sumcadiisa lagu dheelo

18- Waalidka oo dhib la galiyo
” Sida qofka in uu soo deynsado Maal uusan bixin karin amaba uu dhib ka dhex sameeyo Schoolka oo waalidkiisa loo soo diro “

19-Guriga oo laga maqnaado waqti badan
” Taas waxa ay Ka xanaajineesaa waalidka
waxaase laga yaabaa markaas inay waalidku u baahan yihiin qof wax u qabta Asigoo qofkii guriga kamaqan Marka taasina waa dhibaato weyn “

20- Xaaska oo waalidka laga Kormarsiiyo
” Dadka qaar waxaa jira Xaaska adeecaya walidkoodna aan dhag jalaq u siineen oo xataa mararka qaar hadii ay dhahdo waalidkaa guriga ka buri in uu guriga ka buriyo ayadoo ay macquul tahay in uusan waalidka meel uu aado uusan aqoon”

21-Waalidka oo laga tago xiliga uu kuubaahanyahay ama uu duqoobo
” waxaa jira dadka qaar oo ay markii uu walidkood gaboobo amaba duqoobop katagaan oo ku mashquulaan howlo khaas ah amaba maal tacab “

22- Waalidka oo bari laga nqdo ama qofka inuu ka xishoodo inuu waalidkiis ka sheekeeyo ama in uu ku abtirsado
“taasina waa waxyaabaha ugu xun xun caasi waalideynimada oo awlaada qaar hadii aad weydiiso waalidkiis waxa ay ku dhahayaan kuwaasi shaqaalo ayay noo yihiin “

23- waalidka oo lagu xadgubo amaba la garaaco
” Taasina waxaa sameeya caasi waalidiinta aadka u waa weyn oo qalbi dhagaxa ah kuwaas oo ay qalbigooda naxariista iyo xishoodka ka baxay

24- Waaldika oo lakaalmeyn waayo xiliga uu Gaboobo

25- waalidka oo laga Fogaado amaba baari loo noqon waayo hadii ay dambiyaal amaba macaasi ku dhaxjiraan
” Taasi waa wax diin la’aan nimo ah oo aad u fool xun maxaa yeelay waalidka oo baari loo noqdo waa waajib hadii xataa ay yihiin Gaalo bal kawaran hadii ay yihiin muslimiin marka waa qalad qofka inuu dhaho tusaalo ahaan walidkey matukado anigana sidaas ayaan oga fogaaday ”

26- Waalidka oo wax lasiin waayo amaba bakhiil lagu noqdo
“Dadka qaar waxaa jra ayagoo wax heesta misna waalidkood wax aan siineen amaba ku bakhiilaya maalka xataa hadii ay waalidku maalkaas muxtaaj weyn u yihiin “

27- Waalidka oo loo abaal sheekto ama wax yaabihii loo qabtay oo la tiriyo

28- Waalidka oo wax laga xado
” taasina waxa ay tahay foolxumo maxaa yeelay waxa ay kulan satay tuugnimo & iyo caasinimo taasoo uu qofku waalidkiis wax ka xadayo waalidka oo wax hilaamsan awgeed amaba waalidka uu gaboow dartiis wax aan xasuusan karin”

28- Qofka oo jecleesto in uu waalidkiisa ka fogaado

29- Qofka oo jecleesto in uu waalidkisa geeriyoodaan
” Awlaada qaar waxa ayba jecel yihiin in ay waalidkooda dhintaan hadii ay lacag leeyihiin si ay u dhaxlaan ,ama uga takhaluso hadii uu waalidku jiran yahay amaba faqiir yahay amaba hadii ay duqoobaan “

30- waalidka oo la dilo ama laga Takhaluso
” waxaa mararka qaar dhacda awlaada qaar oo caasinimo meesha ay ka gaareen jecel in ay waalidkooda dilaan ayagoo xanaaqsan amaba khamri cabsan ama ayagoo jecel in ay dhaxlaan waalidkood “

 

 

 

Dhamaan wax yaabahaas aan kor kusoo xusnay waa tusaalooyin muujinaya caasi waalideenimada ,

Yaa Khayrka oga fog qof caasi waalideen ah ?

Yaase cuqubada oga dhaw qof caasi waalideyn ah ?

Yaase sharta ama fool xumada uga fud fudud qof Caasi waalideyn ah ?

Jawaabtu waa cidna

________________________________________________________________________________________

______Qeybta 2 aad______
Sababaha Keena Caasinimada
أسباب عقوق الوالدين
______________________________________________
1- Jaahilnimada

2- Awlaada oo si xun loo tarbiyeeyo

3- Waalidka oo ilmaha Si xun ula dhqmo
” Taasi waa waxyaabaha ugu waa weyn ee awlaadu caasi ku Noqdaan “

4- Waalidiinta Qaarkood oo Horay Caasi u soo ahaan jiray
” Taasina waa waxyaabaha ugu badan oo keena caasinimada maxaa yeelay qofka hadii uu waalidkiisa caasi ku soo ahaan jiray waxaa badanaa dhacda asiga in ay ilmihiisa caasi ku noqdaa sababtoo ah qif waliba waxa uu beerta ayuu goostaa “

5- All ka cabsiga oo ku yar waalidiinta qaar markii ay kala tagayaan oo ay is furayaan
” waxaa badanaa dhacda waalidiintaa qaar oo i xun oo alle ka cabsi aan laheen isu fura ama markii ay is furaan mid waliba awlaada la joogta uu og sheekeeyo waalidka kale xumaan tiisa ama uu awlaada nacsiyo waalidkiisa kale oo aysan isla joogin”

6- Awlaada oo anan wax la barin
” taasina waxa ay keeneesaa awlaada oo ay wax yaabo badna uu san waalidka ogoleen sameeya maxaa yeelay waqiga free ga ah oo ay heestaan awgiis”

7- Awlaada oo lakala Geeyo
” Taasina waxa ay ku dhalineesaa awlaada dhexdooda in ay is nacaan oo ay isu caroodaan ama ay is gooyaan oo uu sidaa walidkuna ka xanaaqo “

8- Awlaada qaar oo Carro ama Xanaaq badan
” Awlaada qaar ayaa xanaaq badan oo aana jeclesan in uu guriga wax ayin rabin ka dhaco Tusaale ahaan hadii ay muraayad jabto ama guriga Darbiyadiisa oo wax lagu sawiro uu aad isu xanaajiyo kadibna ku qeyliyo dadka guriga jooga Yarkooda iyo weenkoodaba
Taasina waxa ay aro galineesaa waalidka”

9- Waalidka oo ka gaabsadaan in aysan ilmahooda kaalmeen
” Waxaa jira waalidiinta qaar oo anan kaalmeeneen awlaadooda sidoo kale anaan ku dhiiro galineen hadii ay howl wanaagsan sameeyaan “

10- Xaaska oo dabecad xumaata
” dadka qaar waxaa lagu imtixaanaa Xaas aanan ilaahay ka cabsaneen , anan ilaalineen xuquuqda Ninkeeda iyo waalidkiisa , Taasi awlaada qaar sabab ugu noqota in ay waalidkooda caasi ku noqdaan “

11- Awlaada qaar oo aanan dareemeen waalidka wanaagiisa
” waxaa jira aw laada qar oo aanan waalidkooda daneyneen hadii ay meel ku maqan yihiin amaba habeenkii xili dambe guriga imaadaan ”

 

Sababahaas dn aan kor ku soo xusnay waxa ay badanaa Sababaan Caasi waalideenimada

 

________________________________________________________________________________________

Qeyba ta 3 aad__________

Qaababka Loo daweeyo amaba looga hortago Caasi waalideenimada
______________________________________________

1- In La barto waalidka sida baari loogu Noqdo

2- Aadaabta la rabo in lagula dhamo waalidka

(B) – Waalidka oo la adeeco lagana Fogaado in lagu caasiyo

(T) – Waalidka oo loo axsaan falo
” Hadal – ficl – iyo wax waliba loogo Axmsaan Falo”

(J)- Waaldika oo Jiljileec loo muujiyo

(X)- Walidka Hadalkiisa oo la dhageesto ( Amarkiisa Laqaato)

(KH)- Waalidka amarkiisa oo lagu Farxo

(D)- in laga fogaado in waalidka laga qeyliyo

(R)- Waalidka oo waji furnaasho loo muujiyo

(S) – Waalidka oo La jeclado
” waa waalidka oo mar waliba la salaamo , Gacamaha laga dhunkado iyo madaxa , meel markay fadhiyaana booska aanan lagu ciriirin , waalidka markii wax lala cunayana aanan cuntada laga hor bilaabin , Waalidka gadaashiis in la socdo maalin markii ay tahay , hortiisana la socdo habeen markii ay tahay

(SH) – Waalidka Hortiisa oo si edeb iyo ixtiraam leh loo Fariisto
” Waa in fadhiga la wanaajiyaa markii waalidka la hor joogo wixii ka xanaajinayana laga fogeeyaa markii lasalaamayan gacanta meel fog aanan looga soo taagin , ama aanan lagu qoslin markii uu waalidka imaado , wixii munkaraat ahna hortooda aanan lagu sameynin “

(DH)- In La hormariyo Xaqa hooyada

(C) – In lagu kaalmeeyo Howl markii ay hayaan

(G) – waalidka oo anan laga Xanaajin

(F) – Waalidka hadalkiisa oo la adeeco

(Q) – Awlaada kaa yaryar oo wanaaga la faro

(K) – waalidka oo la heshiisiiyo markii uu dhib ka dhex dhaco
” Yaa ka fiican awlaada waalidkood heshiisiiyaan markii uu dhib ka dhex dhaco jawaabtu waa cidna “

(L) – waalidka oo markii loo soo galyo laga amar qaato

( M) – Waalidka oo lala tashado

(N) – waalidka oo sumacadiisa la ilaaliyo

(W) – Waalidka oo aanan lala murmin

(H) – Waalidka dabeecadiisa oo lafahmo
” Hadii uu waalidiinta mid kamid ahi uu yahay mid xanaaq badn si uu awlaadu u sameeyo mar waliba wax raali galin kara waalidkiisa “

(Y) – waalidka oo loo duceeyo Loona istiqfaar dalbo Marka ay noolyihiin iyo hadii ay tii alle u imaato

(A) – waalidka oo baari loo noqdo markii ay geeriyoondaan
” 1- Inay awlaadu noqdaan dad wanaagsan
2- Ay mar waliba waalidkood u duceeyaan
3-in ay awlaau xiriiriyaan qaraabadooda iyo waalidiintiisa dadkii ay jeclaayen
4-In la oofiyo balamihii waa lidka inta uu noolaa ay awlaada qaadeen ama ba uu waalidka qaaday
5-waalidka oo wax loo sadaqeeyo

Dhamaan waxyaabahaas aan kor kusoo xunay waxa y ku tusineesaa sidii aad baari ugu noqon leheen baari

 

________________________________________________________________________________________

Qeyba ta 4 aad__________

Sheekooyin ku saabsan Baarinimada iyo caasinmada
waa tusalooyin aad u muhiim ah

_____________________________

1- Waxaa La Wariyay in saxaabiga Cabdulaahi binu cumar binu Khadhaab (RC) :

Asiga oo wadad Maka Al mukarama ku socda uu la kulmay nin acraabi ahaa ( Reer Baadiye ) kadibna uu salaamay dameerkiisana uu saaray cimaamadii uu watayna uu siiyay

Ibnu Diinaar ayaa waxa uu ku dhahay Ibnu cumar
” ibnu cumaroow allaha ku hanuuniyee dadkaani waa acraab wax yar hadii aad siiso waa ay ku qancayaan ee sidaas oo dhan maxaad u sameesay”

Cabdullahi Ibnu cumar ayaa ugu jawaabay ibnu diinaar
” Ninkaan aabahiis waxa ay sxb is jecel ahaayeen aabaheey Cumar binu Khadhaab ( RC)
waxaana nabigeena Muxamed ( SCW) oo dhahaya
” waxaa ugu baarinimo badan qofka inuu xiriiriyo waalidkiisa dadka uu jeclaay”

 

2- Abii Cabdi ramaan Al – Xanafi waxa uu yiri:

” Kahmas binul xasan ayaa guriga ku arkay Dib qalooc ama Haraan marka wax uu isku dayay in uu dilo Haraankaas ama uu fogeeyo haraankii ayaa ka hormaray oo galay god Kahmas gacantiisa ayuu galiyay godka si uu haraanka u soo bixiyo markas ayuu qaniinay haraankii wuu ku cel celiyay gacantiisa mararbadan godka mar walibana waa la qaniinayay
Markaas ayaan ku dhahay war maxad karabtaa oo godka gacanta u galineesaa?

Kahmas ayaa ku jawaabay :
” waxaan ka cabsaday in uu haraaan ka godka kasoo baxo uu hooyadeey Qaniino “

 

3- Asmaci Ayaa waxa uu yiri ( raximahulaah ):

Waxaa ii sheekeeyay Nin Acraabi ahaa ( Reer baadiye )
waxa uu yiri ( waa ninkii reer baadiyaha ahaa )

Waan baxay oo waxaan raadiyay dadka kan ugu Caasisan & kan ugu baarisan waxan wareegaayay meelo badan

Waxaan arkay oday Cajuuz ah oo xarig weyn uusan geela jiidi karin qoorta ugu jira oo wadaan ( deeraan )ku jiidaya
waqti kuleel ah Gadaashiisana uu joogo nin dhalin yaro ah oo jeedal wata kuna garaacay Odayga Cajuuzka ah

waxaan ku dhahay
” War ilaahay maad ka cabsatid oo usha ka deysid xariga uu jiidaya ayaa dhib ugu filanee”

Ninkii dhalinyarada ahaa waxa uu igu jawaabay:
” Ninka sidaan aan u galaayo wa aabaheey “

Markaas ayaa ku dhahay:
” Allaha Khayr kuma siiyo”

waxa uu igu yiri :
” Aamus , Asigaba sidaan ayuu aabahiis ku sameyn jiray , aabahiisna awoowihiis ku sameyn jiray “

Marka Ninkaas waa kan dadka ugu caasisan

hada sidaan u socday ayaan arkay Nin dhalin yaro ah oo qoortiisa saaran tahay bahal weyn oo sunduuq camal ah ooo nin oday ah uu ku jiro ood ba umaleesid jiiljiil in uu wato
sida uu u wado ayuu dhigayaa hadana wuu qaadayaa hadana wuu dhigayaa

Markaas ayaan waxaa ku dhahay :
” war waa maxay Qofkaan “

Markaas ayuu igu dhahay:
” waa aabahey”

 

Marka Ninkaas waa nin ka ugu baarisan carabta.

.
.
………… .

___________________________________

:: DHAMAAD ::
__________________________________

Allaha Nagu anfaco kitaabkan

Waxaa Qoray Sh. Mohamed Binu Ibrahim Al- Xamd
Waxaana Fasiray
Ahmed Abdullahi ahmed Kadiye

________________________
Fiiro Gaar Ah:
Qofkii doonaya Ama website ha ahaado amaba wargys ha ilaaliyo xuqquda qoraalka waxaa waa jibku ah in uu qoro magaca Axmed Cabdulaahi axmed kadiye iyo
e-mail: axmed_kadiye@hotmail.com
qoraalka yuusan wax ka badalin yuusan wax ku darin
Mahadsanid

_____________________

WWW.SOMALIACTION.TK

Hoyga Dhalinta Da’da Yar

E-MAIL : Axmed_kadiye@hotmail.com

 

 

 

One thought on “Caasi Waalideynimo , Sababaha Keena , iyo qaababka lagu daweeyo Ama looga Hortagi karo

Fikirkaaga Dhiibo

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s