Qeybaha Jaceylka uu u kala baxo


Cumar Ganoole

Qeybaha Jaceylka By : Cumar Ganoole

Cumar Sh. Cabdulaahi oo Ah Khabiir ku takhasusay Arimaha Dhalinyarada ayaa waxa uu qeybiyay Jaceylka qeybo badan ayadoo markaad aqrisato aad wax badan ka fahmi doontid Jaceylka iyo Faraqa u dhaxeeya qeybaha Jacelka ee uu cumar hoos ku sheegayo

 

 

 

1. Jacayl dhab ah:- “Waa Jacaylka aayatiinkiisu noqdo guur iyo mustaqbal dhab ah oo ay lamaanayaasha isla jila wadaagaan, Rabbina ku guuleeyo”.

 

2. Jacayl gaaban:- “Waa Jacayl ku abuurma kulan saacado kooban qaata, damaciisuna yahay mid shahwadeed, balse marka uu suuragal noqon waayo damacaas uu jiitamo ilaa damacii qofku lahaa uu gaaro, kuna dhammaada marka damacaas uu hanto qofkii”.

 

3. Jacayl danaysi:- “Waa jacayl ku xiran dan, noocii ay doonto dantu ha ahaatee sida dan dhaqaalo & wax u dhigma”.

 

4. Jacayl Xushmo:- “Waa Jacaylka uu ku jeclaado qof xushmad & qadarin kaa mudan, adiguna aadan rabin qofkaas, haddana aadan ku gacan seyri karin, kadibna aad go’aansato inaad xushmo & tixgelin u muujiso kaasoo aakhirkii iskiis u quusta”.

 

5. Jacayl Socod wadaag:- “Waa jacaylka aad doonayso in qof dhigaada ah mar waliba kula wadaago socod, la joogis & sheeko oo aad iska jeceshahay inuu qofkaasi dhinacaada ahaado”.

 

6. Jacayl Guud:- “Waa Jacaylka waalidka, walaalka, ubadka, waxbarashada, hantida iwm. Jacayl Laab-la-kac ah:- “Waa Jacaylka Usbuuclaha ah ee xiisaha ku yimaada, waan ku arkay waa ku caashaqay weeye micnihiisu oo marba qofkii uu u arko inuu soo jiidasho leeyahay ayuu qofku iska jeclaanayaa, waana mid cosob la guur ah, kaasoo ah nooca ugu xun

 

 

 

 
 
 

By : Cumar Sheekh Cabdulaahi ( Ganoole )

E-mail : Ganoole@hotmail.com

 

 

 

 

 

 

 

One thought on “Qeybaha Jaceylka uu u kala baxo

Fikirkaaga Dhiibo

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s