Sh. Xasan Daahir” Hadii C/llaahi Yuusuf abaal leeyahay gabadhiisa ayuu Isiin lahaa, sababtoo ah..” Wareysii uu siiyay TV-ga Aljazeera


Sh. Xasan Dahir Aweys

Sh. Xasan Dahir Aweys


Gudoomiyihii golaha shuurada Maxaakiimta Islaamiga ah Sh. Xasan Daahir Aweys ayaa markii ugu horeysay ka soo muuqday shaashada caalamka kadib markii lagaga awood roonaaday dagaalkii ay la galeen dowlada Itoobiya.

Sh. Xasan Daahir oo wareysi gaar ah siiyay Telefishinka ALJAZEERA gaar ahaan barnaamijka LIKHAA QAAS isagoo ku sugan magaalada Asmara ee dalka Ereteria ayaa si dheer uga hadlay xaalada uu haatan ku sugan yahay dalka Soomaaliya kadib bur burkii Maxaakiimta Islaamiga ah.

Sh. Xasan Daahir Aweys ayaa sheegay ugu horeyn in uu isagu caafimaad qabo kana badbaaday duqeyntii Maraykanka ay u geysteen isagoo dhanka kalena xusay in haatan dalku uu cadow gacanta ugu jiro loona baahan yahay in laga saaro wax walba ka hor.

Sh. Xasan ayaa dhanka kale sheegay in wali ay jiraan maxaakiimtii islaamiga aheyd ayna yihiin kuwa hada ka dagaalamaya gudaha dalka Soomaaliya isagoo sheegay in dhamaan dowlada federaalka iyo kuwa itoobiya ay isku mid yihiin waxaa kaloo uu sheegay in xitaa ciidamada Ugandha ay la mid yihiin ayna u yimaadeen dalka sidii ay garab u siin lahaayeen Itoobiya.

” Anaga wax naloo reebtay majiraan umadeenana waa la xasuuqay, xasuuqaas-na dowlad ka hadashay majirto Qaramada Midoobay iyo qolooyinkaan isku sheega inay u doodaan xaquuqda aadamaha ayaa sheegay kaliya in xaalad bini aadan nimo ay ka jirto Soomaaliya.” Ayuu yiri Sh. Aweys.

Sh. Xasan daahir ayaa ka warbixiyay sidii ay uga badbaadeen duqeyntii Mareykanka uu u geystay kadib markii ay u carareen gobolada Jubbooyinka ayaa sheegay in Illaah uu ka badbaadiyay isagoo dhanka kalena xusay in Mobile-ka THURAYA uu Mareykanka u sahlayay ogaanshaha halka ay ku sugan yihiin.

” Waxaa cajiib ah mar alaale iyo markii aan ku hadalno Mobile-ka Thuraya 30- daqiiqo kadib waxaa na soo weerayaya diyaarado iyagoo madaafiic iyo gantaalo nala dhacaya, balse illaah wuu naga baxshay waxaase halkaa ay ku xasuuqeen dad xoolo dhaqato ah iyo xoolahoodii.” Ayuu Yiri Sh. Xasan Daahir.

 

 

 

Ahmed Abdullahi Ahmed Kadiye

Ahmed Abdullahi Ahmed Kadiye

Axmed Cabdullahi Axmed Kadiye

Madaxa Webka SomaliAction.tk

E-mail: Axmed_kadiye@hotmail.com

2 thoughts on “Sh. Xasan Daahir” Hadii C/llaahi Yuusuf abaal leeyahay gabadhiisa ayuu Isiin lahaa, sababtoo ah..” Wareysii uu siiyay TV-ga Aljazeera

Fikirkaaga Dhiibo

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s