Nin bisad afdubtay si uu u soo ceshto Eeygiisa


Bisada Afduubka Lagu heesto

Michel Johnston oo ahaa wiil si weyn loogu yaqaanay xanaanyta Eey uu lahaa kaas oo uu u ilaalin jirey gurigiisa xilliyada uu kamaqan yahay gurigaayaa waxa bishii la soo dhaafay kadib markii uu aaday suuqa koox aan la garanayn gurigii ka kaxeesteen Eeygii uu sida weyn xanaanayn jiray.

Michel waxa ay ku qaadatay laba maalin in uu helo raad muujinaya cidda ka kaxeysatay Eeygiisa , balse waxa uu oga shakiyey in ay kaxadeen dadka deriska la ah.

Michel waxa uu u fikiray sidii uu u soo ceshan lahaa Eygiisa uu aadka u jeclaa waxana u muuqatay qaabka keliya uu Eeygiisa ku heli karo ay tahay in uu afduub u gaysto mid kamid ah bisadaha ay korsadaan deriskiisa taas oo unoqotay wadada keliya uu ko sooceshan karo Eeygiisa uu kamagacaabi jirey John.

Reerkii iskalahaa bisada la afduubtay ayaa dareemay in bisad ay lahaayeen laga xaday islamarkaana ugudbiyey booliska dukumentiyo isugu jira sawirka bisada , xilliga ay dahalatay iyo qoraala ku aadan bisadaas.

Booliska ayaa su’aalo kaweydiiyey qoyska iskalahaa bisadda maalintii ugu dambeysay bisada dadkii ku sugnaa guriga iyo halka ay bisada ay markaas ku sugnayd .

Qoysku waxa ay sheegeen in maalintaas wiilal uu ku jiray Michel ay ku sugnaayeen guriga laga xaday bisadda .

Booliskii ayaa su’aalo ka weydiiyey dhalinyaradii uu kamid ahaa Michel waxa ay ka ogyihiin afduubka loo gaystay bisadaas ayaa waxa uu ogaaday in Michel uu yahay ninka sida weyn loogu tuhun sanyahay in uu afduub ugaystay bisadaas maadaama uu isaga ku andacoonayo in isna laga xaday Eey uu xanaaneen jiray.

Booliskii oo arrintii bisada aad u baaray ayaa waxa uu ogaaday in Michel uu gacanta kuhayo bisadda balse uu u hasyto Eey kamaqan.

Booliskii oo dib ugu noqday arrintii waxa ay maxkamad soo taageen reerkii ay bisadda kamaqnayd waxa ayna wax ka weydiiyeen waxa ay ka ogyihiin afduubka loo gaystay Eeygii uu lahaa Michel , waxana ay sheegeen in qof katirsan qoyska uu afduub ugaystay Eeygaas ayna soo celinayaan hadii bisadooda loo soo celiyo.

Michel ayaa dib u sooceshtay Eeygiisa isagoo u maray dhanka boolisaka, halka qoyskii kalana ay heleen bisadoodii ay sida aadka ah u jeclaayeen oo uu Michel afdubka u gaystay .

Tani ayaa ah mid kaduwan tan maanta kataagan soomaaliya oo afduubka loogu gaysanayo maraakiibta, doomaha , shakhsiyaatka ajaanibta ah iyo kuwa lagu tuhun sanyahay in hadii la qabsado lagu helayo lacag madax furasha ah.

Sheekadaan waxaan ka soo xiganay wargeyska Alafkaar ee ka soo baxa magaalada Beirut ee dalka Lubnaan inta ku saabsan burcadbadeeda soomaaliya waa ra’yiga turjumaha maqaalka shaqo kuma leh wargeyska aan ka soo xigtanay .


 

 

photo

Ahmed Abdullahi Ahmed Kadiye

Madaxa Webka SomaliAction.tk

E-mail: Axmed_kadiye@hotmail.com

www.SomaliAction.tk

3 thoughts on “Nin bisad afdubtay si uu u soo ceshto Eeygiisa

Fikirkaaga Dhiibo

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s