Condaleza Rica oo jaceyl baaxad weyn u qaaday wiil uu wax u yahay Boqorka Sacduudiga


Condaleza Rice

Maqaalkaan waxaan kuugu soo gudbinayanaa xaaladda Jeceel ee ay ku sugan tahay Condoleezza Rice iyo taariikh kooban oo ku saabsan nolosha Rice

Waxaa in badan maqashaa Rice oo la filaya in ay booqasho ku timaada beriga dhexe islamarkaana hadii aad daawanaysid Telvisonada aad araktaa gabar dheer oo aad garanaysid in asal ahaan ay ka soo jeedo African taas oo gacan qaadaysa madax iyo mas’uuliyiin xilal ka haya dalal kal duwan .

Marka aad maqasho Rice ayaa booqasho ku maraysa beriga dhexe waxa dhegahaaga ku soo dhacaya in ay u imanaysa Rice arrinta filistiin iyo Israel .

Hadaba maxaad ka ogtahay xalalada buslho ee Rice mise ogtahay in mararka qaarkood Rice in ay u timaado beriga dhexe arrimo jeceel.

Waxaa isa soo taraya hadal haynta jaceelka kala dhexeeya Condoleezza Rice wiil udhashay dalaalka carabta islamrkaana la sheegay in uu wax u yahay hogaamiye carbeed oo aan lashaacin magaciisa balse loo maleeyo in uu yahay Boqor C/delaha Sucuudiga.

Rice oo ah tiir kamid ah tiirarka xisbiga Jumuhuuriga ee haya talada dalka mareykanka islamarkaana ah wasiirka arrimaha dibadda ee dalka maeykanka ayaa la sheegaa in imaanshaheeda gobolka beriga dhexe ay ubdan tahay jeceelka ay uqabto wiilkaan carbeed xitaa waxaa lagu warmaya in safarad qaarkooda uu ugu tago dalal katirsan dalalka Europe .

Hadala haynta saxaafadda carabta ayaa u muuqata mid ay kawar suganyaa jeceelka kala dhexeeya wiilka carabka ah iyo Rice oo si weyn looga yaqaan beriga dhexe in ay rumoowbe doonto kadib markii uu xilka ka dhamaado madaxweyne Bush markaas oo ay Rice waqtigeeda inta ka haray laqaadan doonto wiilkaan la sheegay in uu wax u yahay hogaamiye carbeed .

Mar wax laga weydiiyey Rice saaxibka ay leedahay ayaa si kaftan ah ku tiri ma aha ninka aan jelahay mid kushuqul leh aqalka cad , taas oo loo qaatay in ninkaasi uusan u dhalan dalalka reer galbeedka.

Taarikh kooban oo ku saasbsan Condoleezza Rice

Condoleezza Rice waxa ay ku dhalatay magaalada Birmingham ee katirsan gobolka Alabama ee dalka mareykanka bishii 14 November ee sanaddii 1954.

Rice waxa ay la soo kulnatay xilligii cunsuriyada ay kajirtay dalkaas mareykanka oo looga soo horjeeday dadka madowga ah.

Qoyskooda waxa ay u guureen magaalda Dan far ee gobolka Colorado ee dalkaas mareykanka sanadii 1967.

Rice waxa ay kabaxday jaamacadda Dan far qaybta culuunta siyaasadda sidoo kale waxa ay shahaadada Megastar kaqaadatay jaamacadda Neuter Dam qeybta kuliyadda culuumta siyaasadda .

Waxa ay kaqaadatay shahaadada Doctorate kuliyadda xiriirka caalmiga ee jaamacadda Dan Far.

Condelezza Rice waxa ay ku hadashaa luqadaha English, Fransiiska , Jarmalka, Ruushka iyo Spanish.

Sandii 2001-2005 waxa ay ahayd Macalimad culuunta siyaasadda jaamacadda Stanford ee gobolka California.

Rice waxa ay u ahayd la taliyaha amniga gudaha madaxweyne Bush kaadib markii uu xilka iskacsilay wasiirkii arrimaha dibadda ee dalka mareykanka General Colin Bowel waxa uu madaxweyne Bush u magacaabay Rice 26 January 2005 xilka wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Mareykanka.

Ahmed Abdullahi Ahmed Kadiye

Madaxa Webka SomaliAction

E-mail : Axmed_kadiye@hotmail.com

www.SomaliAction.tk

Fikirkaaga Dhiibo

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s