Sheekooyin gaaban oo ila qosal ah


ila Qosal

ila Qosal

Sheekooyinkaan gaaban waxaa ka buuxa qosal iyo layaab marka tartiib lee u qosal yeesan kula tagin sheekooyinkan

 

 

Ila Qosolkaan Waxaa Diyaariyay Axmed C/laahi Axmed Kadiye
Madaxweeynaha Mareykanka , Ruushka Iyo Soomaaliya

Waxaa diyaarad wada sarnaa Madaxweynayaasha Mareykanka, Ruushka iyo Soomaaliya.
Madaxweyna kasta wuxuu sheegay in uu joogo waddankiisa markii ay diyaaradda dul mareysay. Haddaba waxaa la weydiiyay sida ay ku garteen. Madaxweynaha Mareykanka ayaa yiri : Anigu waxaa gacanta ka bixiyey daaqadda(Shubaakada)diyaarada markaas ayaan taabtay daarihii New York sidaa ayaan ku gartay in aan joogo Mareykanka . Madaxweynihii Ruushka ayaa isagana yiri:Anigu markaan gacanta daaqadda ka bixiyey waxaan dareemay qabowga Mosco sidaa ayaan ku gartay in aan joogo Ruushka, Madaxweynihii Soomaaliya ayaa isagana yiri: Anigu markaan gacanta ka bixiyey daaqadda waxaa leyga furtay Saacaddii aaan watay sidaa ayaan ku gartay in aan joogo waddankeyga Soomaaliya.

Attoruhu Hadduu Dhinto Lacagtu Waa Celis!!!

Magaalada Gaalkacyo maalintii intaad dhex socotid waxaad
arkaysaa baabuur nooca xaajiya khamsiinta loo yaqaano
oo korka ka saaran sameecado waaweyn iyo makarafoon.

Nin la yiraahod Ilbir ayaana ka dhex qaylinaya makarafoonka isagoo ka hadlaya ama xayeesiin ku sameynaya filinka caawa socda.

Filinka haduu yahay Hindi Mr. Ilbir sidan ayuu u xayeesiinayaa: “Waa filin cusub waxaa idiin wada gabadhii wajiga barta ku lahayd iyo inankii dheeraa ee tinta jilicsanaa. Filinka wuxuu leeyahay Shan feer iyo todoba hees yuusan ku dhaafin. Ninkuu dhaafaa waa eey eey dhalay naagtuu dhaafaana waa doofaardoofaar dhashay. Atooruhu haduu dhintu lacagtaadu waa celis!”.

Haduu yahay kuwa jabaanka loo yaqaan: “Waa filinkii
laga dabadhacay atirisho kuma jirto. Atooruhu waa bisada ceegada
ku dilay waana nin waalan baabuurka iyo baaskiilka iskusi ayuu uwadaa”

Haduu yahay kuwa loo yaqaan Maraykanka: “Waa filin cusub
xodxodashadu way ku yar tahay kufsiga dhaca iyo boobka ayaa ku badan.
ninkii laga waayaa caawa filinkan waa eey eey dhalay”.

Markaad shineemda gashid halkii laws iyo nacnac iyo wax la mid ah lagu
dhex iibin lahaa laba nin ayaa kusoo agmaraysa nina baaldi ayuu caano geel kuwadaa nina baaf hilib nimankaas oo ku dhawaaqaya cad iyo caano cad iyo caano..

Marka la gaaro waqtiga uu soo galayo BBC Laanta Af Soomaaliga filinka waa la joojinayaa , waxaana la dhageeysanayaa BBCda .Hadaad rabto bax hadaad rabto joog waa qasab in aad dhageeysato !!!

 

Waan Ogaa In Aad Nacas Tahay!!

Maalinbaa nin isagoo aad u xanuunsan xaskiisa ku tir:
“Ninyohow intaadan dhiman bal aan ku cafiyee ii sheeg haddii
ay jiraan dambi aad iga gashay?”. Ninkii baa yir:”Hal mar oo keliya ayaan
dembi kaa galay anigoo la seexday saaxiibtaadi waxeyna iga qaadatay $20
(labaatan dollar). Naagtii ayaa aad u carootay oo qeylisay iyadoo leh
“Waan ogaa in aad Nacas tahay Sideed ku siisay naagtaasi labaatanka dollar sow ma ogid inaan anigu ninkeedi lacag la’aan kula seexdo?!!!

MR.HINTISHOOW

Waqti hore ayaa Madaxweeynihii Soomaaliya waxa uu booqday shiinaha kolkaasayuum waxa uu la kulmay madaxwaynaha shiinaha oo wiil u dhashay.markaas ayaa layidhi MR. madaxwayne waa inaad u magac bixisaa wiilka madax waynaha u dhashay Maxaweeynihii Soomaaliay talo ayaa ku cadaatay isagoo yaaban oo wax uu sameeyo garan la’ ayuu hindhisay HITISHOOOW!!!!!!HITISHOOW markaasaa ayaa lawada sacbiyay oo la yir magac fiican ayaad u bixisay wiilkan HITISHOOW waa magac qurux badan! sidaa ayaa wilkaasi loogu bixiyey Mr.HITISHOOW.

Sheekadii Daanyeerka

Ninbaa waxuu tagay carwada markaaso waxuu arkay inti xeywaan aheed meesha joogeen ayago qoslahayaan ilaa hal dameer moyee ,ninkii maalinta ku xigtay maalintaas ayuu carwadii tagay waxu u arkay dameerki qoslahaya marka waxuu weydiyey ninka carwada leh sidee ku dhacday dameerka maanta kaligiis ayuu qoslahayaa shalayna wuu aamusnaa markaa ninkiis baa waxuu yiri shalay ayaa daanyeerka sheeko qosol ah sheegey maanta ayuu fahmay dameerka)

Adeer Cadayga Qaar dabada Iiga Jebi

Maalin baa gabar reer xamar ah oday reer waqooyi ah waxay ku tiri adeer cadayga qaar dabada iiga jebi markaasu intuu yaabay oo geesaha fiiriyay ku yiri naa deeh hadaaan kaaga jebiyo sow dabadu ku xanuuni mayso !!!!!!!!

Ninkii jiifan waayay

Habeen baa nin jiifay sariirtiisa, markii la gaaray saqdi dhexe ayuu ku dul fadhiistay sariirtii kadibna halaaqyo iyo jimicsi bilaabay. Naagtiisa oo dhinac jiiftay ayaa ku toostay oo tiri “maxaa kugu dhacay?”
wuxuu yiri “Hurdo ayaa iga soo dhici weyday”.
Waxey tiri ” Ma rabtaa sida ugu dhaqsiyaha badan ee hurdo kaaga soo dhici karto?”.
wuxuu yiri “Haa”.
Waxey tiri ” istaag oo jikada gal, kadibna caano qaboojiyaha kala soo bax, koob dheer ku shubo, kadibna malabka aan saakay soo iibiyey qaanadda kore kala soo bax, xoogaa yar ku darso, qaado soo qaado oo ku walaaq kadibna mikoroolka geli oo wax yar kululeyso, iyadoo qandac ah cab, kadibna koobka dhaq oo meeshiisa ku celi, qaadadana dhaq oo meesheeda geli, malabkana meeshiisa ku celi. Kadibna qaboojiyaha gudihiisa soo nadiifi, kadibna jikada soo nadiifi kadibna……….”
Iyadoo warkii wado ayuu soo booday oo yiri ” bes bes bes……warka badan iga dhaaf hurdo ayaa i haysee.

 

“anigu maxaad igu diideen”

Shirkad dhismaha ah ayaa u baahatay nin injineer ah, dad badan ayaa codsi u soo dirsaday. shirkadii markii ay shaandheeysay ayaa waxaa u soo haray laba nin oo sharuudihii oo dhan soo buuxiyey. Labada injineer sidii loo kala saari lahaa ayaa adkaatay maxaa yeelay labadaba waa isku qibrad, isku jaamacado ayey ka soo baxeen, shaqooyin isku mid ahna wey soo wada qabteen, kadibna shirkaddii waxey go`aan ku gaartay in ay imtixaan ka qaado. Qol ayey geeyeen waxayna hor dhigeen laba waraaqo oo min tobon suaal ku qoran tahay. Markii ay imtixaankii ka soo shaqeeyeen ayey maalintii xigtay nin ka mid ah u yeereen oo ku yiraahdeen ” waxaan go`aan ku gaarnay in aan qaadano ninka kale.
injineerkii ayaa yiri ” oo anigu maxaad igu diideen”.
Shirkaddii ayaa tiri “labadiinaba waxaad aheydeen isku qibrad, isku tacliin, imtixaankii aad gasheena min sagaal suaal ayaad saxdeen oo min hal ayaad qaladeen, waxaan qaadanay isaga.
Ninkii ayaa yiri “sidee ayaad ku qaadateen maadaama aan min hal suaal qaladnay?”.
Shirkaddii ayaa tiri “suaasha ugu danbeeyso ee aad qaladeen isagu wuxuu ku qoray (ANIGU MA AQAAN) Laakiin adigu waxaad ku qortay (XITAA ANIGU MA AQAAN

By : ahmed Abdullahi Ahmed Kadiye

E-mail: axmed_kadiye@hotmail.com

madaxa webka Somaliaction.tk

62 thoughts on “Sheekooyin gaaban oo ila qosal ah

  1. wlhi sin wacan ban u qoslay mid mid kan dhacdo malahan caawa si aan cadi aheyn baan u qosalay wan said ugu qosalay dameer ka malinta kale kaligiis qosalay malintii hore na xayawaanka wada qosleyn kkkkkkkkkkkk marka sheekoyin kaan caadi ma ahan kuwa kale noo keyna hadaad heysaan wad nan mahadsanti hiin

  2. Mansha allah wa shekoyin i cajibgaliya waxan saa.id ugu qosalay ninka hurdi wayay o marki la yiri shaqenah hurdada qabatay k.k.k.k.k.k.k.k.k.k.k.k.k.k.k.k.k.k.k.k.k.k.k.k

  3. kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk
    waa sheekoyin aad u qosol badan waxaa igu qosol badnayd sheekada Adeer Cadayga Qaar dabada Iiga Jebi

    kkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

  4. KKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKK waa shekoyiin AN Cadi ahaen waxa igu qusulbadan dameerka iyo injineerrka layaab.com

  5. Asc ala yaa ila qosla waan fuuray saan uqoslaayey waxaan ila qosol badneyd mida madaxweynayaasha kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

    mahadsanidiin

  6. hada ka hor nin heer muqdisho ah ayaa wuxuu soo degay hargeysa in badan ayuuna ku noolaay hargeysa maalin maal,maha ka mid ah ayaa wuxuu idaacada ka maqlay dagaal culus in uu ka dhacay JILIB kii heer muqdishaha ahay ayaa wuxuu u soo orday mid ey saaxiibo ahaayeen oo her hargeysa ah markaas ayuu wuxuu ku dhahay saxib ma maqashay maanta in uu dagaal culus ka dhacay jiliB kii heer hargeysa ahay weligiisa ma uusan maqlin jilib wuxuuna u maleynaayay in uu ku ciyaaroyo saxibkiisa markaas ayuu isagane dhahay waxaa ka daarnaay kaas kii ka dhacay xusul

  7. kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk
    waxaa ku qosley aniga shaqada suu dhibsanayo ninkakkkkkkkkkkkkkkk

  8. Kkkk wiq wiq wiq shaahan cabaaye xattan waan isku daadshay thanx so uruuriyahay waxa igu qosalka badnayd tan dameerka iyo hurdo lanta

  9. Mukulaal somalia joogtay ayaa sacudiga loo waday guriga lageeyey mukulaalkale oo sucudi ah ayaa joogtay aad ayey u buureed guri gana waxaa joogay dooli aad ubadan dooliga iyo mukulaasha waa saaxiib tii soomalia laga keenayay dooligii ayey weerar kuqaaday mukulaasha sharci kuma ey joogin ciqaamad ayaa laweydiiyey markii laga waayey waa lasoo tarxiilay

  10. allaaaaaaaa kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk waxaa igu qosol badnaa adeer cadayga kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk dabada iga jabi in yar kkkkkkkkkkkkkkkkk

  11. klijklj
    ciwaanka sheekhada; hebal baa wata

    bari baa waxaa jiray nin aad u jeclaa gabadh waxaa wakhtigu u samaxay inuu inan tii la guri
    galo oo ay is guursadaan, markay mudo wada noolaayeen inan tii iyo inan kii guursaday
    waxaa timid wax la yidhaa duruuf aduun, busaarada kadib inankii waxa uu la
    tashaday inan tii isaga oo u sheegaaya dhibka la soo waajihay ama uu la kulmay markas buu
    yidhi walaal maanta waan baxayaa
    si aan kuugu raadiyo nolal aad u qaaliya iyo farxad
    dhaanta tan maanta ku jirtno ,
    kadib inanki wuu ka tagay gabadhii oo uu soo baxay xagii tolkiisa isaga oo raadinaaya inuu
    inuu u baxo dibada ka dib islaanta dhashay wiilka ayaa tidhi hooyo
    waxaan kuu iibin layn aad ku tagto dibada, mudo bila ah ka dib inan kii nasiib wanaag
    waxa uu u helay nasiib inuu uu tago dibada, isaga oo xidhiidhinaaya markasta qofkii nolashiisa
    ahayd oo markasta ka fikiraaya farxadeeda, inantii waxay iska baratay wiil kale
    intuu ka maqnaa ninkeedii oo ciyaartay ah oo ay ku doorsatay farxadii ninkeeda,
    waxay bilawday inan tii inay khiyaanto ninkeedii oo ay iskala raaxaysato oo ay ilawdo
    ninkii xaqa u laha .
    markii uu ka maqnaa ninkeedii mudo 1 sano iyo badha.
    soo noqay u yimid gabadhiisii
    la isku dhagdhag oo la isdareensii xiiso badan oo lagu kala magnaa iyo farxad .
    Markuu ninkii uu joogay habeenkii u horaysay ayay gabadhii tidhi ninkeedii ina keen macan
    waxaan soo daawanaynaa ciyaare, mabuu diidin isaga oo jecel inu farxadeeda u raaco,
    markii la yimid garoonkii kubada ha bilaabanto ciyaartii qadar daqiiqadaa kadib inantii ha
    bilawdo hebal baa wata hebal baa wata la soco la soco hebel baa wata ninkii waxba kamuu
    soo qaadin wuu iska aamusay
    maalintii ku xigtay sidii si leeg, ninkii shaki baa galay oo iswaydiiyay ninkan naagta maxa
    ay ku aragtay ee ka dhexeeya tolaw,si uu u ogaado ninkii ayaa waxa uu yidhi gabadhiisii walal waan baxayaa oo si dagdagaa la iila soo hadlay shagadii markaa iga raali nogo ma joogi karayo,
    inan tii baa tidhi maya walal ila joog madoo intaa soo dhan iga maqnaa ayaad hadana iga tagaysaa
    maya ha iga tagin oo beenbeena, ninkii soo raacday gabadhii soo dhawasay oo garoonkii yimid markay garoonkii keentay ka noqatay iyadu, isna saacad markuu joogay garoonkii diyaarada ayuu soo noqday, inantii waa tan markay gurigii timid ba la hadashay saxiib keed kii ciyaaryahanka ahaa
    ee tidhi waar noqay ninkii oo garoonkaan geeyey ee ii kaalay. Markay habeenkii tahay
    cabaara 3:00 habeenimo ee ay ninkii iyo naagtii kal dhamaysteen hawshoodii ee ay si fiican u
    hurdaan daal awgii kala dhaceen uu u soo dhacay ninkii guriga lahaa oo uu khaawisay siday u
    jiifaan oo uu arkay.
    Markaasuu kadib yara fikiray oo uu tagay suuliga uu ka soo qaatay XAAR markaasuu labadooda
    midba dabada inyar kaga shubay uu ka baxay labadaan xaaraanta ku raaxaysanaayay ha is rogrogaan ha ismarmayaan xaarkii midba kiisa kale markay tahay saacad ka dib ha kacdo naagtii oo ha uriso xaarkii iyadoo tabanaysa futadeeda eegaysana ta ninka ha kiciso oo ha tidhaahdo waad isku xaartay waar ee ka kac meesha isna ha ku jawaabo naa adaa isku xaaray waxyay dhimatay ha la
    iscaayo oo hal kala xanaaqo.
    Markuu wagu baryay waxa soo noqday ninkii guriga lahaa oo ku yidhi xaaskiisii macaan waa la ii
    daayay oo ma noqonaayo markaaa waan kuu imanayaa hadhaw galabta
    ha u kariso cunto ha cuno wax ha yara seexdo kadib markay tahay xiligii ciyaartu bilaabmi jirtay
    ayuu ku yidhi gabadhii ina keen garoonkaynu tagaynaaya
    ha raacdo gabadhu,isna ha bilaabo inuu amaano inankay odhan jirtay hebelbaa wata ha ku celceliyo
    hebel baa wata kubada, markaasay ku jawaabtay naagtii waar naga daa wuu isku xaaraaye.
    Markaasuu ayuu ogaaday ninkii inuu naagta ninkii la hurday uu kaa ahaa bartaasaanu ku furay

  12. kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk caday iiga jabi kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk hih hih hih hih hih hih hih hih hih hih hih hih fiq fiq fiq fiq fiq fiq fiq fiq fiq fiq fiq fiq fiq fiq fiq fiq

  13. KkkkkkkkkkkkkkkkkkkKkkkkkkkkkkkkkkkkkkKkkkkkkkkkkkkkkkkkkKkkkkk sxb aniga qosol aan ladhiman rabaa sheekada dameerka aa idishay

  14. Lol tan galkacyo igu qosol badan “baskilka iyo gariga isku sibu u wada” iyo ader cadayga dabada qaar iga jabi kkkkkkk i miss galkaio wan uxisay

  15. marka hore aad ayaa u mahad santihin run ahantii aniga waxaa iigu qosol badnaa sheekada ahayd adeer cadayga dabada qaar iiga jabi kkkkkkk aadban u qoslay wlhi

  16. Kkkkkkkk waxa iigu yaabka badnayd kkkkk mida shaleemada iyo kan ader cadayga inyar dabada iiga jabi wah wah waxas aya sheka laga dhaha wad slmantahy soo saraha sheekoyinka mr.kadiye ok byyyyyy all inta xisaysa sheekoyin qosolka

  17. kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk
    waleee sidan u qoslaayay wxaan kayaabay inay dadka ila yaabaaan kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk war ila tanooo kale

  18. kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk juxa waa imtixaaaaam dadkii uu beenta usheegay hdana intuu aamin waayay ka daba orday kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk qosol tanoooo kle ah waa dhinaaaaaaa walee dhwaaanahn sidaa uma qoslin wxaan is idhi talow wxaan oqosol ah mkkugu jiray kkkkkkkk aqiyaarta mahdsanidiiiin

  19. Aad iyo aad ayey ii qanciyen shekoyinka ad logasoo shaqeyay waxana ugu cajibsaneyd tan madaxweynayasha

  20. Ah ahh k.k.k..k.k..k.k.k.k. Sheeko iga dheh mida wu isku xaray k.k.k.k..k.k..k.k.k..k.k..,k.k.k..k.k.,.,k.,k.,k.,k,k,k,k,k,,k,k,k,k,k,k,,k,,,,,,,,,,,k,,k,k,k,k,k,,……………………………………kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkjkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkjjjjjjjjjjjj…………..

  21. Maalin ayan lakulmay isbaaro ay dhigteen kuwa burcad ah, baabuurkastahi waxay kaqaatan 25.000 sh.so. Aniga waxan saarnaa gaari BL ah checkpoint-ga marki laso gaaray wuu joogsaday gaarigii, kirishboygii aya wuxu bilaabay inu lacagta utiriyo mid yimid oo iyaga kamid ah kirishboygi tirada lacagta ayuu qalday oo kadhigay 27.000. Burcadki aya tirsaday oo yiri 2.000 hoo xaaraan marabnee!!! Socdana.kkkk Anaga waan wada qosolnay. Yaab! Kkkk

  22. Asc ugu horeeyn wd mhdsn tihin dhaman inta isku soo dubo ridy brnamijkan xisaha bdn runti mrna waa aqoon kororsi marna waa wx lagu qoslo oo dadka kale oo an heli brnamij kan looga shekeyo ok brathers kun jer hanblyo

  23. walaahi bilaahi saan o qoslay lee wligay ma u qoslin {naa deeh hadaaan kaaga jebiyo sow dabadu ku xanuuni mayso !!!!!!!!}

  24. Walahi waxle lamaqka waxan layaway on aad ula qoslay Gawadha cadayga @ ninka 20ka dolar bixixay nagtisana lacag la’anta lala isticmalayey ….kkkkk

  25. waar anigu yaab baan arkee waligaa adiga oo somaliya ah somaliyana isku ogaa xabashiyad baad tahay malagugu qasbay cajiib kaaga darane hadii wax sharaf leh lagugu sheegayo dan bay ahaan layd waa wax dhintay oo is nacay oo wadooyinkoo dhan sibaa u wadh wadhan oo bilaa
    akhlaaqa please sidaan dadkaa u gali ii soo sheega iyaga laftar koodu waa wax xayawaana oo dadkaiyo dharkooda toona kala aqoon waxaana lagu magacaba can jeex waa siday somalidu u taqaan

Fikirkaaga Dhiibo

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s